RW Khayre “Soomaaliya hada kadib waxay la macaamili doontaa hay’addaha lacagta aduunka”

MUQDISHO(P-TIMES)- Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shacabka Soomaaliyeed toos ula wadaagay guusha laga gaadhay qorshaha dayn cafinta dalka oo qaatay sanooyin badan.

Khayre ayaa sheegay in hay’adda lacagta aduunka ee IMF iyo Bankiga Horumarinta Afrika ay go’aansadeen in ay Soomaaliya ka cafiyaan dayntii ay ku lahaayeen taas oo horumar u ah Soomaaliya.

Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale sheegay in qaar kamid ah dalalka Caalamka ay kala hadlayaan in ay daynta ka cafiyaan Soomaaliya maadaama hay’addihii lacagta adduunka ay cafiyeen.

Waxa uu xusay in hada ay Soomaaliya ay u furan tahay in ay si toos ah ula macaamisho hay’addaha lacagta aduunka taasna ay guul u tahay Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha dalka ayaa tilmaamay in ay ku guulaysatay xukuumaddu bixinta mushaaraadka shaqaallaha dowladda iyo ciidanka oo hore ugu dhibanaa arintaasi.

1 Comment

  1. bodhari
    @Atoore

    Waxii la oran lahaa idinka isku qaatay.

    Gaal iyo yuhuud wax ma cafiyaan. Gacan bay wax kugu siinayaan mida kalena intii in ka badan ayey kaaga qaadanayaan. Laakii general populationka waxaas ma fahmayaan. Waa iska dhawaaqo ku nool. Qorshaan la magac baxay deyn caris waa dhac cusub oo somalia lagu dhacayo. DFS’na waxay ka tahay dulaaley. 800 boqol oo milyan ayaa DFS la siinaya marka qorshu isku daba dhaco. Ma laysweydiiyey meesha lacagtaasu ku dambeyn doonto. Isweydiin maleh oo waa muuqataa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*