Somaliland oo qaaday talaabooyin muhiim ah loogana hortagayo cudurka Corone-Virus.

HARGEYSA(P-TIMES) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shir gudoomiyey kulan gaar ah oo ay lahaayeen, kaas oo ku saabsan xaaladda cudurka Corone-Virus iyo sida ugu badan ee looga hortagi karro.

Somaliland ayaa 8da qodob ee ay soo saartay dhammaantood ahaayeen kuwa ku saleysan sidii wax looga qaban lahaa cudurkan, waxaana ku jira in dibu eegis lagu sameynayo hanaanka Canshuuraha deegaanadaas, gargaarka oo la kordhinayo iyo Dalagyada dalka oo ay la wareegayso maamulka.

1. In guddidii heer qaran ee ka hortaga xanuunka Coronavirus lagu xoojiyo madaxweyne ku xigeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo wasiirka horumarinta maaliyada, waxaana guddidaasi laga bilaabo maanta gudoomin doona madaxweyne ku xigeenka.

2. In madaama oo dadka intiisa badani ku dhaqan yihiin caasimada Somaliland ee Hargeysa, guddidii heer degmo ee caasimada, iyana lagu xoojiyo wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha, badhasaabka gobolka Maroodi-jeex iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada, waxaana guddidaasi gudoomin doona wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha, si ay u diyaariyaan goobo caafimaad.

3. In dib loo eego cashuur dhaafkii xukuumaddu hore u samaysay.

4. In la hakiyey mashaariicdii horumarka ee ku jirtay miisaaniyada sannadka 2020.

5. In dawladdu ay iibsanayso dhammaan raashinka waddaniga ah ee ka soo go’ay beeraha dalka, waxaanu ka mid noqon doonaa keydka raashinka qaranka.

6. Waxa kale oo goluhu go’aamiyey in cashuur dhaaf loo sameeyo agabka iyo daawooyinka lagula tacaalayo xanuunka coronavirus.

7. Sidoo kale Golaha wasiiradu waxay bil mushaharkeed ugu deeqeen in lagu kabo dhaqaalaha xanuunka Covid 19, lacagtaas oo ka mid noqon doonta kharashaadka lagaga hortegayo xanuunka Coronavirus.

8. Ugu danbayn waxa goluhu go’aamiyey in wixii hadda ka danbeeya shirarkii laysugu iman jiray iyo waraaqihii la isu gudbin jiray xafiisyada loo bedelo habka tiknoolajiyada, si looga hortago faafida xanuunka Corona-virus.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*