Urur siyaasadeedyada Puntland oo durba ka dhex bilowday Loolan siyaasadeed, KAAH & MIDEEYE!

GAROOWE(P-TIMES) – Maalmo uun markii guddiga Doorashooyinka KMG ah ee Puntland ay ku dhawaaqeen in ay diwaangaliyeen 17 urur siyaasadeed oo ay kasoo bixi doonaan sadex Xisbi siyaasadeed ugu dambeynta, ayaa la dareemayaa in ay dad badan raadinayaan ka mid noqoshada ururadan siyaasadeed oo aan wali u gudbin nidaamka Xisbi loogu yeeri karro.

Urur siyaasadeedka Xukuumadda ee KAAH ayaa dadaal badan galiyey sidii uu taageerayaal badan uga heli lahaa gobalada Puntland, waxaana lagu amray maamulada gobalada iyo degmooyinka in ay bilaabaan diwaangalinta Xubnaha Ururka, oo ay ka qoraan Odayaasha dhaqanka ee gobalada.

Laakiin caqabado waa weyn oo diidmo u badan ayay la kulmeen, gaar ahaana gobalada Barri, Mudug & Karkaar ayaa iska diiday dalabka Madaxtooyada ee ah in ay ku biireen Urur siyaasadeed KAAH oo ay ka dhex arkaan Madaxda Iskaashatada Aaran-jaan looga yaqaano mandiqadaas.

Urur siyaasadeedyada kale ayaa loolanka ugu badan ka bilaabay gobalada Barri, Nugaal & Mudug, waxayna xooga saarayaan sidii mid kastaaba u heli lahaa taageerada Dhalinyaradda, taas oo ah cida ugu badan ee ay dhinacyadu ku loolamayaan.

Urur siyaasadeed-ka MIDEEYE oo ay ku mideysan yihiin siyaasiin si weyn uga soo horjeeda siyaasadda Madaxtooyada Puntland ayaa bilaabay kulamo u muuqda dhoolatus siyaasadeed, waxayna ilaa hadda kulankii 4aad u qabteen dhalinyaradda iyo qeybaha bulshada oo ay ka doonayaan taageero.

Warar laga helayo dhinaca Ururka KAAH ee Madaxweynaha iyo saaxiibadiisa siyaasadeed ayaa sheegaya in ilaa hadda aan la heynin cid si KMG ah u sii qabata jagada Gudoomiyaha Urur siyaasadeedkan, ayna jiraan shaqsiyaad badan oo aysan u soo joogsan Karin dadka Puntland, kuwaas oo la rumeysan yahay in ay xubno firfircoon ka yihiin Ururkan.

Madaxtooyadu waxay doonaysaa in Urur siyaasadeedku uu noqdo mid socda oo ay ku soo hirtaan dad badan, laakiin caqabadaha ku wareegsan waxaa kamid ah dadka oo aan taageero u heynin Saaxiibada Madaxweyne Deni ee loo yaqaano Shuraakada ama Iskaashatada, taas oo ay dad badan diidan yihiin.

Fursadaha ay kala haystaan Ururada siyaasadeed ayaa ah mid kala badan, waxaana durba soo shaac-baxaysa in ay dhalinyaraddu noqon doonaan awooda lagu loolami doono, waxaana cid kasta oo hanataa ay ka dhigan tahay in ay guul deg deg ah ka gaari karto in ay ka gudubto wareegyada haray ee u xuubsiibadka Xisbi siyaasadeedka.

Madaxweyne Deni ayay dad badan u arkaan in uu ka dhabeyn karro in Puntland uga tago Doorasho qof iyo cod ah ama ugu yaraan qabsoomida doorashooyinka golayaasha deegaanka, laakiin caqabado badan ayaa haysta oo ay kamid yihiin saaxiibadiisa siyaasadeed oo aan raali ka aheyn.

Urur siyaasadeedka MIDEEYE, ayaa Gudoomiye KMG ah iyo xubnaha fulinta oo gaaraya 15 xubnood magacaabi doona maalmaha nagu soo wajahan, laakiin si weyn ayaa isha loogu hayaa shaqsiyaadka noqon doona Gudoomiyaha iyo guddiga Fulinta, oo iyaduba qeyb ka noqonaysa sheekooyinka xiisaha leh.

PuntlandTimes, waxaad kala socon doontaa macluumaadka ku saabsan Hardanka hoose ee Urur siyaasadedyadan iyo sida ay ugu loolamayaan mar kasta waxyaabaha hoose ee socda.

LA SOCO WARARKEENA HARDANKA XISBIYADA PUNTLAND

6 Comments

  1. hay! Waxba socda ee inaga hubiya wxd soo gudbinaysaan Ok.dhalinyarada puntland 90% ma taageersana hab maamulka mw deni.80% waxay taagero u hayaan asad diano sidaan ogahay.

  2. Marka xaqiiqada laga hadlo Puntland baahi degdeg ah u ma qabto nadaamka xisbiyada badan waqtigan xaadirka ah. Soomaaliya oo dhan ayaan xataa muxtaaj u ahayn laakiin waa lagu hirbinayaa sida muuqata. Waxaan anigu aaminsanahay in ay dad waddan ku nooli ay iyagu yeeshaan xorriyad iyo ikhtiyaar taam ah ee ay hanaankooda siyaasadeed iyo dowladeed ku dhistaan qaab iyaga anfacaya ee si dhab ah uga tarjumaya xadaaraddooda iyo aayahooda dad ummad ahaaneed.

    Soomaaliya iyo guud ahaan Mandiqaddeenan Soomaaliyeed nadaamyada qalaad 60 sanadood ayaa lagu tijaabinayay oo way anfaci waayeen xaqiiqdii. Mashruuc kasta oo duuli waaya waa la iska tuuraa oo wax ka tayo fiican baa laga raadsadaa. Ta baahida xun loo qabo waa waxgaradka, aqoonyahannada iyo cuqaasha Soomaaliyeed oo inta ay maskaxdooda maalaan soo hindisaan hanaan dowli ah ee Soomaalida lagu saleeyay oo anfaci kara.

    Inta ka horreysa, gobolladu sida ay iskugu xigaan ha loogu dhammeystiro maamullo geyigooda matalaya ee ay beelaha deggani isku baheysteen oo guntaas hoose dhismaha dowladda qaran ha laga soo billaabo oo waxsoosaarka iyo dhaqaalaha ha laga soo dhiso. 20 sano iyo hilaadahaas marka ay geyiyadu dowlad wanaag taam ah iyo horumar ku filan wada hanteen si tartiib ah oo xasarad iyo is qabqabsi la’aan ah dowlad qaran ha lagu wada yagleesho iyada oo loo wada heellan yahay.

  3. Madaxwayne deni xisbigisa sida la sadaalinaayo waxuu noqon doonaa mid ku soo baxaa kaalinka kowaad ,markii loo eego taageradiisa gobolada karkaar iyo bari oo ay jogaan dhalinyaro badan oo ah jiilku asagu soo saaray ,oo hada ah dadka ugu badan oo ka ha macalimiinta schoolda jaamacadaha ,iyo dhaqaatiir .,waxaana xusid mudan in gobolka karkaar dadka degan mi ay 90% codkooda sinayaaan xisbigaas marhore tirada la diin waangeliyay ayay ka muuqata …

    • Waxaa fiican in marka hore guriga dhismahiisa laga bilaabo basement-tiga, ee aan laga bilaabin saqafka.

      Xisbi sameynta hada la wado waa saqaf samayn.

      Waa in qorshaha koobaad noqdaa sidii shicibka loogu samayn lahaa NATIONAL ID. hadii kale waxay sheekadu ku dambeyn musuqmaasuq iyo guuldaro, sida tan qabsatay somaliland.

      Wadada ay Somaliland martay wax ha laga barto oo ha laga leexdo.

      Somaliland waxay ka biloowday saqaf dhisid, oo ilaa iyo xaadirka gurigii ma sal dhigan, oo hawada ayuu heehaabayaa.

      • @Boodhari

        You are welcome bro. Burden my late reply comrade. We all have,as humans, different lenses to look at – “how the nature of things are,”
        But we are heading in same direction and with a common end result, and To witness a GREAT SOMALIA, hopefully in our lifetime. I hope it’s not too far fetched.

        Sounds weird and out of place but This is a reply to your earlier reply

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*