Amarka Puntland ee xirida Xaduudaha oo aan hirgalin.

GAALKACYO(P-TIMES)- Puntland ayaa soo rogtay dhawaan in ay xirtay dhammaan xaduudaheeda, balse amarkaas ayaa ka shaqo galay oo kaliya dhanka Somaliland.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in isku socodka meelaha qaarkood uu wali yahay mid socda oo aan lajoojin, taas oo ka dhigan in amarkuba uusan noqon mid-hirgala.

Xaduudaha Puntland ay xirtay kuma jiraan dabcan Kastamka Tuurdibi, Xaduuda Sanaag iyo Koonfurta Gaalkacyo, intaasba waxaa si maalin leh uga soo gudba Bulsho kala duwan.

Xagga Itoobiya, Qaadka ayaa ka yimaada wuxuuna gaaraa ilaa Garoowe oo uu maraa baraha ciidamada, Badhan Qaadka kasoo gudbaa wuxuu u talaabaa ilaa Boosaaso.

Markii ay joogsadeen Diyaaradihii, Baabuur ayaa kasoo baxa Muqdisho oo maalinle u tagta Waqooyiga Gaalkacyo mana jirto wax laga qabtay.

Waana halis aysan bulshadu ku baraarugsaneyn, xili Muqdisho gudaheeda lagula dagaalamayo Xanuunka halista ah ee #COVID19

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*