DAAWO:Gudoomiye Shuute”Nolol ama Geeri halagu keeno kuwii Walaweyn dhibaatada ka gaystay”

MUQDISHO(P-TIMES)- Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan ciidamada DANAB oo booqasho ku tagay degmada Walaweyn oo maalmo ka hor dagaalo ka dhacay lagu gubay dad aan waxba galabsan oo kasoo jeeday dhinacyada dagaalamayey ayaa amar ku bixiyey nolol ama geeri ay ku keenaan ciidamadu dadkii ka dambeeyey dhibaatadii iyo dilalkii ka dhacay degmadaasi Walaweyn oo ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose.

Waxa uu hadalkan ka jeediyey gudoomiyuhu kulan dhex maray saraakiisha ciidamada, gudoomiye Shuute iyo waxgaradka degmada Walaweyn, isagoona sheegay in lagama maar maan ay tahay in cadaalada la hor keeno dambiilayaashii falkaasi ka dambeeyey.

Waxa uu faraha ciidamada qalabka sida ee dowladda iyo waxgaradkaba in ay gacanta kusoo dhigaan dadka gaystay tacadiga ka baxsan bini aadanimada ee ka dhacay Walaweyn, waxaana dagaaladii ka dhacay degmadaasi ay sababeen dhimasho, dhaawac, barakac, boob hantiyeed iyo falal argagax leh oo ahaa in nolosha lagu gubay dad masaakiina oo aan waxba galabsan, kuwaas oo haatan maxkamaddu ku hawlan tahay sidii cadaalad ay ku heli lahaayeen qoysaskii ay ka baxeen dadkaasi la gubay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*