DAAWO:Somaliland oo sii daysay 50 qof oo lagu karantiilay duleedka Hargeysa

HARGEYSA(P-TIMES)- Somaliland ayaa fasaxday 50 qof oo lagu karantiilay duleedka galbeed ee magaalada Hargeysa, kadib markii looga shakiyey cudurka Coronavirus.

Dadkani oo ay kamid yihiin masuuliyiin xilal kasoo qabatay Somaliland, xubno ka tirsan xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland iyo dad shacab ah ayaa lagu sameeyey baadhitaano kala duwan.

Duleedka Hargeysa hotel ku yaala ayaa lagu karantiilay, waxaana la fasaxay maanta halka qaarkood oo la hadlay warbaahinta ay soo dhoweeyeen fasaxani maanta la fasaxay.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa sheegay in la sii daayey dadkani oo ka kala yimid dalka dibadiisa markii laga waayey cudurka Coronavirus.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*