DEG DEG:Dagaal qabow oo ka dhex bilowday Puntland & Somaliland

LAASCAANOOD(P-TIMES)- Iyadoo dhibaato xoogan uu haatan ku hayo Caalamka oo dhan cudurka Coronavirus oo sababay dhimashada kumaan qof oo ku kala nool daafaha dunida ayaa waxaa gudaha dalka iyo dibediisa ka socday maalmihii ugu dambeeyey wacyi galin iyo fariimo kala duwan oo loo jeedinayo shacabka.

Deegaanada Puntland, Somaliland iyo qaybo kamid ah Koonfurta dalka ayaa waxaa gaaf wareegaya dhalinyaro iskood isku abaabulay, kuwaas oo shacabka Soomaaliyeed ka wacyi gelinaya khatarta uu leeyahay cudurka Coronavirus.

Magaalooyin badan qaarkood ayaa lagu soo rogay xaalad bandow ah si looga hortago cudurka Coronavirus, halka dad kala duwan lagu karantiilay magaalooyinka Muqdisho, Garowe iyo Hargeysa si loo hubiyo bad qabka caafimaadkooda.

Kooxaha dhalinyarada ah ee iskood isku abaabulay oo magacyo kala duwan la baxay deegaanada dhaca Miyiga iyo tuulooyinka qaarkood safaro ku tagay si ay shacabka u gaadhsiiyaan fariimaha wacyi gelineed ee ku aadan cudurkani halista ah.

Deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn oo intooda badan aysan ka hawlgalin dhakhaatiir waa weyn kana jiraan baahiyo caafimaad oo aad u badan ayaa dhinacyada Puntland iyo Somaliland ay haatan kuwada loolamayaan siyaasad ahaan.

Wasaaraddaha Caafimaadka Puntland iyo Somaliland oo mid walbaaba ay huwan tahay siyaasada xukuumadeeda ayaa kooxaha dhalinyarada ah ku cadaadinaya in ay ka gadaan shacabka siyaaasadooda si waxqabadka dowladeed mid walbaaba ay ugu darsato liiska, taas oo ka dhigan in xurguftii siyaasadeed ee u dhaxaysay labada dhinac ay haatan u rogeen loolan Caafimaad oo ku aadan deegaanadaasi.

Fariimaha wacyi gelinta oo maamulkasta dhankiisa kawado ayaa magaalooyinka iyo deegaanada kala duwan ee la marayo lagu xardhay calanka iyo astaanta maamulka, waxaana shacabka ay wada gaadhsiinayaan labada maamulba fariimo isku mid si looga hortago cudurka Coronavirus.

Wasaaraddaaha Caafimaadka Puntland iyo Somaliland ayaa agab kala duwan ku wareejiyey dhalinyarada iskood isku abaabulay si ay bulshadooda uga wacyi geliyaan khatarka ka dhalan karta cudurka Coronavirus, waxaana hada la galay xaalad dagaal oo qabow oo mid walbaaba ku tijaabanayo awoodiisa si kan kale uu uga saaro meesha halka dhaqaale badana ay ku bixinayaan arimahaasi.

Tan iyo dagaaladii u dhaxeeyey dhinacyada Puntland iyo Somaliland ee ka dhacay gobolka Sool sanadihii 2007 ilaa 2018 waxaa socday siyaasado is bad badal ah iyo xurguf adag oo salka ku haysa ka talinta deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn oo mid walbaaba dhankiisa ka sheegto.

11 Comments

  1. Waxaa cajiib ah magacada aad wadato oo ee Puntland Times oo aad qaadatay waagii Cabdiwali Gaas Puntland hogaanka u qabtay balse markii xukunka looga adkaaday 2019 kii aad magacii aad sidatay laftigiisii aad mucaraadid ku noqotay adigoon garashadaadu kala saaari karin qof iyo qaran ama qabiil qaran.waa caqli xumi inan mucaarado magacii aad baxday markii qofkii ama qabiilkii aad jeclayd uu meesha ka baxay waxayna tusinaysaa qofwalba oo soo booqda page kan inaad tahay qalbi caruur caadifadaysan kana aradan aqoonta iyo edaabta suuban.waxaan kuu sheegayaa adeer Laascaanood, Buuhoodle iyo dhamaan Sool, Snaag iyo Cayn inay tahay Puntland kana howlagalaan dhamaan hay adahah dowlada Puntland.

    • Been baad adiga, Aabahaa, ka waxan qoray iyo waxan aad pusland ku sheegaysaaba sheegteen. Markii meel kasta oo geyiga soomaalida ka mid ahba sanka laydinka qabsaday ayaad camal ka dhigateen degaamada ssc oo iyaguna aan maciin idiin hayn. You fucking peach……!

      • Omar adigu Diaper baad u baahantahay ee wasakhda aad saydhinaysid jooji. Waxaad u muuqataa asaasaq kor iyo hoosba ka butaacaya. Xishoo oo figraddaada dhiibo adoon caytimin kolley shaqsi la ciilay baad u egtahaye

  2. Waa nin puntland dumenteeda lacag ku3qaata
    Laakiin inuu wax iskula haro ayaa haboon.
    Waa qoraa cuqdad ka buuxdo oo aan garan karin waxa uu qorayo in dad badan aqrinayaan

  3. Hiirad

    Ka maqaalkan qorey iyo adiguba Labo kala daran ayaad tihiin. Isna wuxuu yidhi wacyi gelin bey ku loolamayaan. Oo agab kala duwan ayay dhalinyaro is xilqaantay u dhiibeen. Waxa kaloo uu yidhi dhakhaatiortiina waaweyn malaha oo caawimaad badan ayay u baahan yihiin. Kolkaas wacyi gelinta oo ah tan ugu muhiimsan ee cudurka looga hortagi karo sow dadkii u baahnaa umey kordhin uun? Dadku wacyi gelinta wey u baahan yihiin. Iyagoo dayacan oon helin waxba ayaaba ka xumaan laheyd.

    Adna waxaad ku qabsatay inuu Puntland mucaaraday isagoo labada maamulba saluugay siduu isagu yidhi waxbey u wadaan. Waxaanad ku sii dartey SSC waa Puntland oo hay’adeheeda ayaa ka howlgala intaba. Been weyn baad xaartey sxb. Puntland iyadiibaa maanta ah sawir. Humaageeda uunbaa la arkaa. Intaanu cudurkani dhaqaalihii dunida iyo kii yaraa ee diniiqa ahaa e Puntland baabi’in ayay tahli kari la’eyd mushaharada shaqaalaheeda iyo ciidamadeeda. Imikuu dhaqaale badani ka joogsadeyna ka waran? Kkk Maxey SSC ka howl galaan, labadii Gobol iyo badhkey heysteen ba ma dabari karaane. Sxb humaag baa kuu sawiran.

  4. Haddan nahay shacabka Puntlan, Waxaan markhaati kanahay in Faarax Gaylan ku guulaystay inuu noqday cadow ka kid ah cadowyada ugu khatarsan ee wiiqaya nidaamka iyo midnimada dadka iyo dalka Puntland.
    Waxaan aad uga naxay markaan arkay magaca uu wato ee uu kufsaday iyo dhaqankiisa. Waxaan weydiinlahaa shacabka Puntland inay soo helaan websayt sita magaca Soomaliland oo isku dayaya inay u garnaqaan Puntland iyo Somaliland. Majiro mana heli karaysid. Lagama yaabo website gobolada waqooyi kajiraa inuu qoro in SSC ay ay shaqo ku leedahay. qaybo badan oo goboladaas ka mid ah oo Puntlan ka taliso saxaafadda gobolada waqooyi waxay weli ku doodayaan inay tahay Somaliland sabatoo ah qaddiyad bay u haystaan qudhunka iyo kala goynta dalka. Laakiin makasta aan waxba garanayn sida Faarax Gaylan waxaas way iskaga dhexyaacsanyihiin mana fahansana khasaaraha iyo dhibta waxa uu qorayaa kuhayo gobolka uu kasoo jeedo.

  5. @Jama awal adigu soo yarkii idoor liqe labaxay maadan ahayn ee marna gobta majeerteen Ku caayi jiray inaanay Sool iyo sanaag xorayn,goormaa Puntlander noqotay?

    • Webkaan qofkii mudo jooga waxuu noqon macalinka cilmi maaneedka.

      Hirar iyo mawjado ismaan dhaafsan ayaa is hardinaya. Dabayshii meel u jahaysan inta laga hortago ayaa jaho kale lob leexin. Dadku waa mid Shaar kale huwan ama mid boor isku qarinaya iyo mid aan ku dhicin in uu garab istaago waxa uu aaminsanahay.
      No consistency.

      At last “Ahmed Idoor” came out of the closet.

      One thing commentors dont appreciate is the fact that the shortest route between two points is a straight line. One would garner respect when one follows straight line and Express one’s view without beating the bush or hiding under camouflage or expressing themself In a Semi Transparent Silhouette.

      Find some guts in you and be yourselfs. No one is gonna crush throuh your screen and grab your neck.

      Disclaimer;

      By no means am i incouraging disrespect and foul mouthing others, region or clan.

      Jokes are ok but not the vile ones.

      Salaam to you all. If i remotely offended anyone forgive me. I dont real mean it in my heart. Am sorry idoor, am sorry majeerteen, am sorry dulbahante, reer mudug, reer bari, mareexaan, ogadeen, habar gidir and a my favorate ciise riyoole who gets the bulk of my loose mouth.

      Some how I never said much jokes about warsangeli. They are kind of quiet gentlemen. Kudos to you all somali folks.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*