Ethiopia oo ku dhawaaqday xaalad deg deg ah

NAIROBI(P-TIMES)- Itoobiya waxa ay ku dhawaaqday xaalad deg deg ah oo looga jawaabayo cudurka Coronavirus (COVID19), kaas oo kiisas kamid ah laga helay gudaha dalka Itoobiya.

Talaabadan ayaa timid, iyada oo tirada kiisaska COVID19 ay muujisay koror degdeg ah oo dalka ah sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay dowladda.

Itoobiya illaa iyo hadda waxay diiwaan gashatay 52 kiis oo la xaqiijiyey, iyada oo ay dhinteen laba qof halka ay ka caafimaadeen afar ruux.

Inkasta oo ay jiraan talaabooyin kala duwan oo ay qaaday xukuumadda hadana xogtu waxay muujinaysaa koror deg deg ah oo cudurrada COVID-19 ayaa lagu yiri bayaanka.

Xaaladaan deg dega ah ayaa waxaa ay qayb ka tahay dadaalada lagu xakamaynayo faafitaanka fayraska, iskuulada iyo jaamacadaha ayaa la xiray, iyada oo shaqaalaha aan muhiimka ahayn loo sheegay inay guryahooda ku shaqeeyaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*