Madaxweyne Denni oo Imaaraadka Carabta u mahad celiyey

GAROWE(P-TIMES)- Madaxweyne Puntland Saciid Cabdullaahi Denni ayaa uga mahad celiyay dowladda Imaaraadka agab caafimaad oo loogu talagalay xakamaynta iyo ka hortaga cudurka Coronavirus, kaasi oo Imaaraadku uu ugu deeqay Puntland.

“Waxaan uga mahad celinaya dowladda Imaaraadka gar gaarka bani aadanimo ee ay nasoo gaarsiisay oo maanta Boosaaso ka dagay, waa agab caafimaad oo loogu talagalay xakamaynta iyo ka hortagga Coronavirus” ayuu yidhi Saciid Denni.

Madaxweyne Denni ayaa shaaca ka qaaday in xiligan dunida oo dhan dagaal caalami ah ay kula jirto cudurka Coronavirus oo dhibaato xoogan ku haya dalalka caalamka, waxaana uu yidhi sidatan “Xiligan waxaa dagaal aduunka oo dhan kula jiraa halista Covid-19 oo si xowli ah ku fidaya, waana loo baahan yahay in la iska kaashado ka hortaga cudurkaasi aad baan ugu mahad celinaya dowladda Imaaraadka oo agabkan nasoo gaarsiisay xilli aad loogu baahan yahay”.

Puntland iyo dowladda Imaaraadka ayaa waxaa ka dhaxeeya xidhiidh wanaagsan, waxaana Imaaraadku uu agabkani gaadhsiinayaa maamul goboleedyada xidhiidhka wanaagsan uu kala dhaxeeyo sida Puntland iyo Somaliland oo uu ugu deeqay agabka looga hortago Covid 19

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*