Madaxweyne Farmaajo oo caafimaad u rajeeyey RW Boris

MUQDISHO(P-TIMES)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa caafimaad de gdeg ah u rajeeya raysal Wasaaraha UK Boris Johnson oo la xanuunsanaya cudurka Coronavirius.

Boris Johnson ayaa lagu dabiibayaa cisbitaal ku yaala magaalada London, waxaana uu ku jiraa qaybta daryeelka deg dega ah.

Inkastoo wararku sheegayaan in xaaladdiisu ay kasoo raysanayo hadana madaxweynayaal badan ayaa u rajeeyey caafimaad deg deg ah.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay dowladda Soomaaliya iyo dadkeeduba ay garab taagan yihiin raiisal wasaaraha iyo dadka Ingiriiska oo waqtigan adag ku jira.

“Waxaan ku ducaysanaynaa in aan u helno xal caqabadaha Coronavirus ku keenay dunida” ayuu yidhi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkan ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka, waxaana uu kamid noqonayaa madax badan oo Boris u rajeeyey caafimaad inuu helo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*