Qofkii ugu horeeyey oo Muqdisho ugu geeriyooday Coronavirus

MUQDISHO(P-TIMES)- Xubno kamid ah Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in qofkii ugu horeeyey uu Coronavirus ugu geeriyoodey gudaha Soomaaliya.

Ruuxa geeriyooday ayaa ka mid ahaa 8 ruux oo horay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay u shaacisay in laga helay Corona Virus.

Da,da ruuxa geeriyooday ayaa lagu qiyaasay 58 jir.

Ehelka ruuxa u geeriyooday Corona virus ayaa sidoo kale xaqiijiyay in maalmihii lasoo dhaafay uu isbitaal ku yaalla Muqdisho ku jiray ka hor inta aan loo wareejin Isbitaalka Martini oo lagu tala galay dadka qaba Corona virus.

Waa qofki ugu horeeyey ee cudurkan ugu geeriyooda Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*