TOOSHKA P/LTIMES: Sool gobol lagu baratamo oo loo baroor diiqo xiliga baaxa dega doorashada Puntland

GAROWE(P-TIMES)- Bur burkii dowladdii dhexe ee dalka kadib Soomaaliya waxaa ka tisqaaday maamul goboleedyo tiro kooban, kuwaas oo beelaha qaarkood ay ku midoobeen dhismayaashooda inta laga helayo dowladd midaysan oo dalka wada hanata.

Puntland oo kamid ah maamuladaasi ayaa waxaa lagu dhisay magaalada Garowe shir weyne ka dhacay sanadkii 1998-dii, waxaana afkaartooda ku mideeyey isimo, waxgarad, siyaasiyiin, saraakiil ciidan iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, kuwaas oo iskaga kala yimid deegaano badan.

Dhismaha Puntland oo lagu bilaabay shan gobol oo kala Bari, Nugaal, Mudug, Sool, Sanaag iyo degmada Buuhoodle ayaa bud dhig looga dhigay talo midaysan iyo go’aano adag oo si wada jir ah la iskugu raacay shirkii Garowe ee 1998-dii, waxaana hogaanka Puntland si kumeel gaadh ah loogu doortay xiligaasi alle ha u naxariistee Korneyl Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo masuuliyiin kale.

Dagaalo sokeeye, xiisado colaadeed iyo marxalado kala duwan oo ay madaxa la gashay Puntland waxaa la xaliyey arimahaasi oo idil halka colaado hor leh iyo dagaalo qabow ay ka bilowdeen qaybo kamid ah gobolka Sool, kuwaas oo hormuud ay ka ahayd xukuumaddii Daahir Riyaale Kaahin ee Somaliland ka arimin jirtay xiligaasi.

Dhaq dhaqaaqyo xoogan iyo dagaalo wakhti kala duwan qaatay waxaa ugu dambeyntii Puntland si awood ah looga qabsaday magaalada Laascaanood sanadkii 2007 15-kii bishii October, kadib dagaalo dhex maray ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Alle ha u naxariistee xiligaasi waxaa talada Puntland hayey General Cadde Muuse Xirsi oo ahaa madaxweynihii Saddexaad ee Puntland laga soo tago alle ha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf iyo ku xigeenkiisa Maxamed Cabdi Xaashi oo madaxweynaha Puntland noqday muddo dhowr bilood ah kadib markii Cabdullaahi Yuusuf uu noqday madaxweynihii dowladdii kumeel gaadhka ahayd ee Soomaaliya.

Isbadalo kala duwan, siyaasado jaah wareer ah, xukuumadd cusub oo la wareegtay talada iyo awood daro soo food saartay ciidamada Puntland waxaa Somaliland ay ku dhiiratay qabsashada deegaanka Gambadhe oo Laascaanood u jira 30 KM.

Dr. C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo xiligaasi madaxweyne ka ahaa Puntland waxa uu dhisay ciidamo kala duwan, waxaana xukuumaddiisii marar kala duwan ay weeraro ku qaaday deegaano badan oo ka tirsan Puntland sida magaalada Qardho oo sanadkii 2013 kacdoono shacab oo ka dhacay loo adeegsaday awood ciidan, Gal-gala, Gaalkacyo iyo degmada Taleex oo dad badan lagu laayey.

Dhismaha ciidamada iyo awoodooda oo sare u sii kacaysay marba marka kasii dambaysa ma aysan noqon kuwo laga faa’iidaysto oo lagu jabiyo cadowga duulaanka ku ah nafaha shacabka iyo deegaanada Puntland ee Somaliland, waxaase xusid mudan in Mr. Faroole iyo ku xigeenkiisii General C/samad Cali Shire ay kaalin wacan ka qaateen dagaalkii kooxda Al-shabaab ee abaabulka ugu jirtay dhibaataynta shacabka Puntland.

Hadaba sanooyin kale kadib maxaa dhacay? Faroole iyo madaxdii kale ee codadka xildhibaanada lagu siiyey soo celinta deegaanada maqan maku guulaysteen hadafkoodii?

Bilowgii bishii January ee sanadkii 2014 waxaa ka dhacay Puntland isbadal hor leh, waxaana talada Puntland qabtay madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas oo xildhibaanada Baarlamaanka Puntland mar kale ku beer laxowsaday odhaahdii soo celinta gobolka Sool.

“Laascaanood Faatixo laguma qabsan” waxa ay ahayd odhaah saameyn ku reebtay shacabka rajo badana galisay qalbiyo badan oo reer Puntland, waxaana uu Gaas balanqaaday in uu awood ciidan u adeegsan doono qabashada magaalada Laascaanood 7 sano kadib oo ay weli ku jirto gacanta cadowga shacabkeeduna fariimo iyo dhambaalo qiiro ah kala daalay dhagaha madaxda Puntland ee dhoohan.

Wax is badal ah oo la taaban karo lama iman Gaas marka laga reebo xaraash iyo beec hor leh oo uu galiyey dhulka Puntland, waxaana uu Imaaraadka Carabta u gacan galiyey ilihii dhaqaale ee ugu weynaa Puntland waana dekadda magaalada Boosaaso oo ah halbowlaha dhaqaale ee Puntland, hasa yeeshee waxa uu dhisay Jaamacadda Maakhir ee Badhan, wadada Ceel Daahir Ceerigaabo oo qaybo ah, wadooyin badan oo caasimada Garowe ah iyo dhismayaal kala duwan oo loo asteeyey xarumaha wasaaraddaha Puntland ee aaga madaxtooyada.

7-dii bishii Januray 2018 waxa ay ahayd maalin farxadeed Garowena waxaa kasoo dagay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isla daqiiqo kadib waxaa is badalay jawiga, kadib ruqaansi kale oo ay sameeyeen ciidamada Somaliland si ay uga dhabeeyaan hadalada qalbi dhiska ah ee xuduud beeneedka Somaliland ee Yoocadda, waxaana ay qabsadeen deegaanka Tukaraq oo halbowle dhaqaale u ahaa Puntland laga soo tago dekadda magaalada Boosaaso.

Waa jab kale iyo fashil soo wajahay wiilkii Faataxada ku halqabsaday waa mooral xumo iyo rajo fashilantay oo murugo u horseeday qalbiyadii shacabka Puntland ee C/weli Gaas aaminay.

Isku dayo kale iyo dagaalo ka dhacay Tukaraq bishii May Puntland waxaa laga qabsaday gaadiid dagaal iyo maxaabiis badan halka Somaliland gacanta lagaga dhigay iyagana gaadiid iyo maxaabiis kale, balse ciidamadu waa ay ku guul daraysteen in ay gaadhaan xataa Kontoroolka Tukaraq.

Sanadkii mugdiga iyo macalinkii Imaamu Nawaawi

Doorashadii ka dhacday caasimada Puntland ee sanadkii tagay 2019 waxa ay ahayd rajo iyo riyo lagu taamayey, waxaana safka hore ee musharaxiinta ku tartamayey jagada madaxweynaha Puntland kasoo muuqday saraakiil ciidan oo ay kamid yihiin Gerenal Khaliif Ciie Mudan, General Maxamed Siciid Morgan, General Asad Cismaan Diyaano iyo hal dhooro kale, kuwaas oo gaashaamka u darooray Somaliland iyo duulaankeeda balanqaadayna in ay gacan bir ah kusoo qaban doonaan deegaanada maqan.

Saddex wareeg oo adag oo doorashadii Puntland ay gashay waa naawilaada shacabku ahayd in uu soo baxo sarkaal ciidan si ciidamada kala qaybsan loo mideeyo deegaanada kala maqan loo xooreeyo, waxaase xaaladu is badashay kadib kooxada Aaran Jaan ay ciyaarta galabkii dambe kusoo galeen shax adag kulana wareegeen gollihii aqlibiyada Puntland ee Baarlamaanka hanti badan lana soo saaray macalin aan saamayn badan hore ugu soo yeelan siyaasada Puntland iyo taladeeda waa “Saciid Cabdullaahi Denni”.

Waa xubin fir fircoon oo kamid ah taabacsan kooxda Damu jadiid waana shakhsi u muhiim ah Aaran Jaan maadaama uusan ahayn qof leh aragti siyaasadeed iyo aqoon durugsan oo ku qotonta marxalada ay haatan ku jirto Puntland.

Waa uu isku badalay dilaal siyaasadeed waxa uu Imaaraadka u gacan galiyey Garoonka Boosaso, shirkaddii xooga Korontada iyo maxjarka xoolaha ee magaalada Boosaaso, waxaa weli qaybo ah wadadii Gaalkacyo iyo Garowe, waxaa gu’doon galay deegaano badan oo ka tirsan Puntland, waxaa bur burtay wadadii Boosaaso iyo Garowe waxaa Somaliland ay ku dhiiratay qabsashada magaalada Buuhoodle oo ah goob ka caagan Somaliland, dilal, qaraxyo iyo weeraro ayaa lagu bilaabay ciidamada amaanka, waxgaradka iyo haldoorkii indhaha shacabka wixii kasoo hor jeesta ama dhaliishiisa sheegana waa mid uu xidhay isaga ama loo hanjabay.

Macalinkii siyaasada ayuu bartay haatan waxa uu samaystay urur siyaasadeed la baxay KAAH, kaas oo uu u qorshaystay in uu mar kale hogaanka ugu qabto Puntland.

Gobolkii dayacnaa ee Sool waa mid uu haatan u baroor diiqayo xafiisyana uu uga furay ururkiisa degmada Boocame iyo deegaanada Laamiga ku teedsan ee Puntland ay weli kusii sugan tahay.

La soco qaybaha dambe
W/Qoray Abdirahman Jama

8 Comments

  1. Sool gobollade kale ee geyiga Woqooyi Bari kama fiicna oo kama fadli badna. Cidda keli ah ee u baratanta waa jabhadda SNM oo danaheeda ugu awr kacsata magaca SSC. Puntland dan gaar ah kama leh Sool ee waxay ka sii afeefanaysaa oo ka taxadaraysaa eedaha dhaqameed ee hadhoow uga iman doona in haddii Sool toos Puntland looga fasaxo qummaati loo gumeysto oo loo gumaado sida lala damacsan yahay. Waa xaqiiqo doqoni magarato ah tani.

    Runtu waa tan ee iga hooya. Dhulbahantuhu iyaga dhexdooda ayaa aanooyin hore iyo loollan hoggaan dhaqameedka beesha salka ku haya aawadooda reero ahaan ugu kala jabay oo shimbirkoodii dilay. Waxaa ka buuxa kuwo badan oo ay Isaaqu abtiyaal u yihiin oo neceyb gaamurai oo Majeerteenka ku aaddan maanka lagaga dhaqay ee ay ugu sii darsantay cuqdadda ay qawleysatada khiyaanada “khaatumo” loogu magac daray alliftay ku sii sumeeyeen ee isla Majeerteenka ku aaddan.

    Hartiga kale talo ayaa kaga caddaatay sida laga yeeli karo tolkoodan sida xun u sii kala dhimanaya ee ay SNM-tu ka heshay fursad ay sha’niga tolweynahan iyo Puntlandtooda ku carqaladeyso. Xataa Absamaha ayaa ku daalay dib u mideynta Dhulbahante oo al ‘aana weli ku hawllan. Puntland waa eed ka carar ee Sool waxay ku tahay hanqaraarac aan lug ka go’day u dhutinahayn.

  2. Warsangaliga waxaa iyaga na sidaas loo mariin habaabiyay reerka Ugayslabe oo ay Isaaqu maanka ka haystaan sida Jaamac Siyaadka, Barkadka iyo Bahararsamaha Dhulbahante ee ay Isaaqu teer iyo xilligii gumeysiga dusha ka haysteen oo aanooyin xun ka galay reerahii Dhulbahante ee Daraawiisheed. Ilaa maantadan ayay xisaabtaasu ka muuqataa sida ay Dhulbahantuhu ugu kala qaybsan yihiin waddaniyaddooda Puntland iyo u dabadhilifeynta maamulka SNM ee ay Isaaqu ku daneysanayaan.

    Goobo badan oo hore ayaan anigu xaqiiqadan shaaca ka qaaday oo aan ku nuuxnuuxsaday oo la igu colaadiyay. Laakiin waxa aad qarsataa way qudhunsadaan oo anigu runta iyo xaqa kama gabbado sidayda ba. Waxaanan la tirsanahay dadka habka cilmeysan u mara xallinta khilaafaadka ragaaday ee bulsho sha’nigeeda ka curyaamiyay. Dadka qurbaha wax ku soo bartay ayaa iiga markhaati ah in ay ajnabiga kale cilmi baaris iyo daraasaad qayaxan taariikhda ku falanqeeyaan oo qaladaadkii dhacay sida ay yihiin kaga faalloodaan oo xal kaga keenan halka ay sartu ka qudhuntay. Hartiga SSC isku ma heli karaan in ay Soomaaliya isku tiriyaan oo ay Puntland oo ay geyi iyo bulsho ahaan ka tirsan yihiin na inkiraan.

  3. Boodhari,

    Laba bog baad markale badhadhac ku soo malmaluuqday! Xaqiiqdu waxay tahay in Sool gobol Somaliland ka mida yahay, dadka degana Somalilanders yihiin dhulkoodana si xoriyad leh ugu nool yihiin. Hadii aad taa rabto inaad wax ka bedesho dee soo qaado adigu qori oo dhulka aad xaashida ku qoratay qabso. Hadii aanad taa samayn karin dee Sumal dhufaan ah baad tahee shut up!kkk
    Tolaay yaa Daarood, Tolaay yaa Harti iyo blaa, blaa, blaa walee inaanay rag kaa kaxaynayn ee jooji baroorta.kkk

    • @Dabacayuunoow,

      Maandhe anigu dadka saaxiga ah ee uu maankoodu qumman yahay ayaan wax ku darsadaa ee iidoor wagaash marka uu soo kabbado ama marqaamo meelahan ku daacdaacsada lama qabsado. Duulka waallida cass la buka ayuu dal “Somliland” la yihaahdaa dhimirkooda ka jiraa. Reer waalankaaga la qabso oo shaadhka cad ha inaga wasakheynin khara ee!

      • Dabacayuunoow,

        Maanta runta dhabta ah ayaan dhakada kaa saarayaa ee inta aad ka naxdo nafta ku waa. Waagii la is wada baranayay waan isu kiin qariyay xaqiiqdii. Anigu hayb ahaan hanad Nugaal ka soo jeeda ayaan ahay iyo aararka Garoowe ka taliya. Ayeeyaday ayaa reer Sanaag ah oo kalgacalkeeda ayaan tolkaygan difaaca adag uugu soo jiray. Waxaan islahaa hawraartaada ayuu ka garan doonaa ee doqon baad igu noqotay. Oo lillaahi ah.

  4. Majeerteen iyagaa xasarad lasoo doontay dhulka Somaliland,una gacan haatiyay Hartiga Somalilanderka ah ee dalkooda wax ka dhistay 1991,qaybna ka ahaa shirkii beelaha Somaliland (Ex Woqooyi) Ku go’aansadeen lasoo noqoshada dawladnimadoodii ay heleen 1960,waxayna kala kulmeen ceeb,magac xumo,wiirsi,dadkoo ay is bareen.

    Waxa jirtay xataa In SNM & SSDF Ku heshiiyeen in Somaliya marka la xoreeyo ee la rido rajiimkii dalka haystay dalku Ku noqdo sidu ahaa 1960,ayna is-raacaan dadkii Soomaaliyeed ee Ingiriis ka xoroobay,kuwa Talyaani ka xoroobayna is-raacaan,waana ka baxeen,hungureeyeenna dhulka Somaliland.

    Hadda in caqligu shaqeeyo,lagana dheeraado fidmo,colaad,qabyaalad,xasarad ayaa muhiim ah.

    Dhulbahante iyo Harti Woqooyi waa dad awalba is-watay markay la midoobayeen Koonfur,mana jirto cid kala qaybin karta dalkii Soomaaliyeed ee ka xoroobay boqortooyadii Ingiriiska 26 Jun 1960,lanasoo noqotay 1991 dawladnimadeedii,lehna xuduudeheedii gumeystuhu ka tegay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*