Wakhtiga la aasi doono marxuun Nuur Cadde oo la shaaciyey

MUQDISHO(P-TIMES)- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde oo dhawaan cudurka halista ah ee Coronavirus ugu geeriyooday magaalada London ayaa waxaa la shaaciyey waqtiga la aasi doono.

Qoraal kasoo baxay qoyska marxuumka ayaa lagu xaqiijiyay in Nuur Cadde la aasi doono maalinta bari oo Jimco ah isla markaasna lagu aasi doono qabuuro ku yaala magaalada London markii saacada UK tahay 04:00 galabnimo, halka xiligaas ay Muqdisho ku beegan tahay 06:00 Maqribnimo.

Sidoo kale qoraalka qoyska ayaa waxaa Ummadda Soomaaliyeed looga codsaday inay u soo duceeyaan Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya inuu Alle Janada ka waraabiyo sidoo kalena u tukadaan salaad Janaazo qaa’ib ah.

Allaha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde ayaa u geeriyooday cudurka halista ah ee Coronavirus oo kusii faafaya dalal badan oo ku yaala Caalamka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*