Wasiir katirsan Xukuumadda Puntland oo runta ka sheegay xaaladda Xaduudaha Puntland.

GAROOWE(P-TIMES) – Wasiirka Warfaafinta ee Puntland Col, Cali Sabarey oo la hadlayay warbaahinta goor dhaw ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in ay xiran yihiin xaduudaha Puntland, isagoo sheegay in uu isagu soo arkay xaduudaha dhanka Waqooyi ama Somaliland ee kufuran Puntland oo si caadi ah u shaqeynaya.

Mr, Sabarey ayaa sheegay in ay furan yihiin dhammaan xaduudaha Puntland, isagoo sheegay in ay xooga saarayaan sidii ay ula tacaali lahaayeen dhammaan xaaladaha deriskooda laga sheegayo, wuxuuna sheegay in ay Soomaaliya oo dhan ku jirto khatar guud.

Guddiga kahortaga Xanuunka COVID19 ayuu sheegay in ay ku howlan yihiin sidii wax kasta loo diyaarin lahaa, isagoo sheegay in diyaargarowgu ilaa hadda wanaagsan yahay, aysana jirin wax kiisas ah oo laga helay deegaanada Puntland.

Shacabka ayuu kula taliyey in ay qaataan talooyijnka Caafimaadka iyo kuwa guddiga Amniga oo uu sheegay in ay muhiim tahay waqtigab, si looiga hrtago faafida Xanuunkan, balse wuxuu sheegay n ay wali jiraan dad badan oo dhaysalanaya fariimaha Caafimaadka.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Dhabancad aya dhawaan sheegay in ay xiran yihiin Xaduudaha Puntland, balse amarkaas ayaa noqday mid aan ka hirgalin meel kamid ah xaduudaha Sanaag, Nugaal, Mudug oo la kala wadaaga Somaliland, Galmudug & Itoobiya.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa Isniintii todobaadkan sheegay in ay xiran yihiin Xaduudaha Puntland, taas oo ay dad badan u arkayeen mid xaqiiqo ah, balse wasiirkiisa Warfaafinta ayaa ka fashifay xaqiiqada ku wajahan xaduudaha, oo uu sheegay in aysan jirin wax xiran.

 

21 Comments

  1. Karaash & Cali Sabaray xaalkoodu 20 sano waa ka carar, kusoo noqo, kasii kasii carar Somaliland & Puntland.kkk Maxaan cunaa. Punland waa in ay lumayaashaa dib ugu soo mastaafuriyaan dhulkoodii!

    • Yoocada
      Kkkkkkkkkkk ma been to caruurta lagu sseexin jirey baad weli qabtainey soconeyso.
      Aboowe, tabarPuntland ku Xiri karto Xuduudkaas balaadhan ma heyso. Ciidankii iyo shaqaalihi bey mushahar u la’dahay. Deni iyo Wasiirku adey kugu seexinyaan beenta qaawan.
      Ninkaas wasiir ku sheega ah ee runta ku sheegiya bilaash u aflagaadeysey.

  2. AYNU HURDDADA KA TOOSNO OO HIMILOONO

    Adduunyadu si xawli leh ayay isu beddelaysaa oo waxay khubaradu saadaalinayaan in waxii ka dambeeya marka safkan caabuqa Cov-19 laga gudbo uu caalamku sidiisii hore in badan is ka beddeli doono. Waxaa iyana isbeddelkan gadaal ka riixaysa cimilada oo sii kaliilaysa. Waxaa saadaashaas ka mid ah in waxsoosaarka beeraha iyo biyaha ay dhimmi doonaan oo ay cunnadu iyo biyaha saafiga ahi gabaabsi iyo qaali ba noqon doonaan.

    Si kasta oo ay aad u wanaagsanaan lahayd in aynu Soomaaliweyn ahaan mandiqaddeenan waasaca ah ummad ahaan qummaati iskugu waheshanno oo aynu waxsoosaarka beeraha iyo biyaha anaga oo mid ah haqabtirkooda iska kaashanno ayaa waxaa xaqiiqo jirta ah in aanay Soomaalida irirnimada cabsani sawirkaas guud u muuqanin oo ay waxyaabo kale oo waaqiciga dhabta ah ka baxsani u cad yihiin. Macnaheedu waxaa weeye in ay Daaroodku hurddada ka toosaan maadaama aanay Soomaalida irireynaysa iskuhalleyn iyo isku aaminaad toona lahayn.

    • Subax wanaagsan
      Arrimaha Allah noo sahlo, Alla ha naga badbaadiyo Cudurka Coronvirus, Ummada Muslimka ah iyo dhamman Caalamka oo dhan.
      Puntland iyo Dhammaan Soomaalida oo dhan waxaan u rajaynaya khayr, barwaaqo iyo aayatiin wacan, dhibta Allah ha ka saaro, qalbigooda Allah haysku soo dumo.
      Midnimo iyo Guul

    • Boodhari, asc, oo maga jaceyl iyo nolol baad sidataa, Halyeygii Boodhari, markaan magacaaga arkay, baan is idhi, waa taa Jaceylkii soo noqday. Halkaad ka fed kudisay, meesha qabyaalad iyo siyaasad toona ma kolin, ee cudur xun iyo caabuq a’an oo Somali iyo cid kale toona aqoon baa laga sheekeynayey, waa maxay Irir & Daarood iyo sheekadani, waa tii 1991, adeer wax Irir la yidhaadho iyo wax Daarood la yidhaahdo oo talo iyo kala dambayn lehi ma jirto, xaqiiqda Somalia maaşta ka jurta walaalo hoyo wada dhashay Ayaan war isu hayn, adna hawo iyo huuhaa baad shirka la timid, adeer naga baandhee, oo keen wax kaa soconayaa, 1980,1990 waa lasoo dhaafay

  3. Daaroodku geyiyada mandiqadda Soomaaliyeed uugu baaxadda weyn barriga iyo baxar ba ayay runtii ku fadhiyaan oo kheyraad aan la qiyaasi karin loogu galladay. Inta aynu nacasyada naga dhashay iyo nacabka ku xamaalanaya iska xoreyno aynu shimbirkeena nooleysanno oo sha’nigeena iyo taladeena masiiriga mideyno si aynu dhulkeena baaxadda leh min NFD ilaa Jubbooyinka ilaa Kililka iyo ilaa Puntland
    waxsoosaarkiisa aan la koobi karin iskaga kaashanno oo isku filnaansho taam ah ka gaarno. War aynu himiloono oo hankeena sare uga qaadno heerkan dulliga ah ee aynu hadda ku sugannahay. Daaroodku ha fahmeen in aanay Rabbi mooyaanee cid kale wax uga baahnayn. In ay midoobaan oo ay qorshe horumarineed oo qoto dheer ee geyiyadooda isu furaya oo waxsoosaar xoog leh ku saleysan ayuun baa nolol macaan iyo mustaqbal sugan ka xiga.

  4. Dhibka ugu weyn soomaaliya ka taagan waxaa wada waa reerkaas isaaq ah oo doonaya in ay ka sad bursadaan qabiilada kale.
    Wax aan jirin bey ku andacoonayaan oo isu waalayaan..

  5. Dadka somaliyed hadu helo Dawlad dhexe oo dhex=dhaxad ah iyo Mamulgobaledyo sharci ku dhisan oo shaqaynaya somaliya dhamanted waxay gari lahayd Horumar & Biseyl Dawladnimo,waxay kale oo kutilabsan lahayd in laso afmero,Xarakada Allshabab,nasib daro Dadka somaliyed oo aan isku Dann ahaan aya mesha ka sobaxday,waxa dhacday masulinta Qaranka in aaysan ku faraxsanan mamulgobaledyada kana dorbiday marka hore in aay shaqada kabilaban burburinta mamulada waqti badan sodhisna in dhulka lala simo oo zero laga sobilabo nidam sino ah oo siyasadeysan la’alifo waxa kafa’ededysatey koxda alshaba.

  6. madaxda puntland shacabka waxay u maaweelinayaan sidii caruurti!!.marhore ayay dhaheen xuduudihi waanu xirnay oo wuu hirgalay amarki xukuumada.iminkana way wada furan yhn.(BEENTAADA HORE RUNTAADA DAMBE AYAY U DARAN TAHAY)bulshoy kaca oo sidana isku dhaama

  7. @Abdiweli,

    Marka hore adiga iyo Ugaaskeena Mudane Xade aad baan idiin salaamayaa oo waan idiin ka guddoomay farriimihiinii qaaliga ahaa ee aydun bog hore iigu dhaafteen.

    Jaalkeen Abdiweli su’aashaada kore ee Darood iyo Irir-Samaale waa mid da’ weyn oo runtii buugaga dhan u baahan in laga jawaabo. Waxaan marka hore ka billaabayaa in ay dadka baabkan Irir-Samaale duuliya ay ku kala baxaan baabkan isaga ahi waayo doodo kulul ayaa ka socda iyo aragtiyo aad u kala fog fog.

    Laakiin jaah kale ayaan wax yar idiin ka bidhaaminayaa. Marka taariikhda Soomaaliyeed qummaati loo darso waxaa bayaan uga cad in cilaaqad tolnimo oo aad u qoto dheer ka soo dhexeysay qowmiyadda Direed ee asalka ah iyo qowmiyadda Daarood. Abid lama hayo colaad la xusi karo ee ka dhex qaraxday. Waxay xaqiiqadu tahay in ay beelaha Direed aad u jecel yihiin oo una qaddariyaan beelaha Daarood oo ay aad u kala dambeeyaan. Marka ay deegaan noqoto u fiirsada in ay beelaha Direed xiiseeyaan in ay Daaroodka oodwadaag la noqdaan. Waxay xoogga saaraan in ay xididaan oo ay talada masiiriga ah wadaagaan. Xeerka u dhexeeya na waxuu labadan qowmiyadood oo is dhalay iskugu gunnudaa si aan Soomaalida kale lagu nisbeyn karin xaqiiqdii. Waxaa dareenkaas la wadaaga beesha Gabooyaha oo Daaroodka waheshada deegaan ahaan. U fiirsada iyana in teer iyo qabtii ay Daaroodku beelaha Direed gabbood iyo gaashaan uga soo ahaayeen duulaanka iyo xasuuqyada ay kuwa Irir-Samaalnimada “la wadaaga” ku soo qaadayeen. Haddeertadan ayay Ciisuhu iyo Samaroonku iyo beelaha kale ee Direed cod sare ugu muujiyaan in hoggaanka dalka Soomaaliya Daaroodka loo dhiibto oo lagu halleeyo.

    (sii daalaco)

  8. Gunaanadka waxaan ku khatimayaa in aynu anagu marka hore siyaasaddeena iyo bulshadeena mideyno oo talada masiiriga mid ka yeelano. Waxaan hubaa in ay beelaha Direed iyo Gabooyaha iyo xataa kuwa kale ee la yaso oo giddigooda Daaroodka la dhaqani toos u haybsan lahaayeen oo uguna biiri lahaayeen nadaamka siyaasadeed ee ay Daaroodku dhistaan. Straatijiyaddani waxay toos u qaawin lahayd oo gooni u takoori lahayd kuwa magaca Irir-Samaalaha ku ugaarsada ee qaska iyo labka ummadda Soomaaliyeed ka dhex wada. Taasaa aniga ii la muuqata straatijiyadda ugu wanaagsan.

  9. @Boodhariyoow dhulbahante amaba warsangali baa tahay baa u maylaynayaa haduu eebe idmahayo.

    War kor ubax oo Dhabayacada warkeegaa hadaadaan iska dhaafin waa Ku dawkahaysaa hadii eebe idimahayo.

    Maamulkii maakhir & khaatumo waa sidaa uyagleeli lahaydeen waa inaa raadisaan haduu eebe idinmahayo.

  10. @Haji Dabshid,

    Halyeyga Dabcasar oo ay kabahiisu kaa fadli badan yihiin marna ha isku dayin in aad magaciisa faca weyn isku soo rarto. Dabcasar waa halgamaa sharafta, sha’niga iyo midnimada Soomaaliyeed u soo taagnaa oo in uu naftiisa ku waayo u heellannaa. Adigu se falsafaddiisa qaaliga ah lidkeeda ayaad tahay oo waxaad hoos noogu celisay in aad Hartiga sii kala lafa gurto sida cantarabaqashkaaga laga dhadhansan karo. Anagu aqoonyahannada iyo ahul cilmiga ayaynu doodaha iyo haasaawaha la wadaagnaa ee maandhe musaskaagii SNM iyo USC iskaga laabo dabshid yahoow ummaddeena kansarka ku noqday.

  11. @Haji Dabshid,

    Haddii aad cilmi iyo aqoon kaashanayso waxaad garashadeeda lahaan lahayd in hanaanka dowliga iyo dhaqaalaha caalamigu uu sharad gundhig ah uga yeelayo horumarka taamka ah in dad dagal mise dal wadaagaayi aanay wax xuduud ah (wax muuqda iyo wax aan muuqanin ba) dhulkooda iyo dadkooda kala dhex dhigin ee ay qummaati ugu mideysnaadaan.

    Maamullo badan oo geyi keli ah ka dillaaca waxa ay soo kordhiyaan ba waa xuduudo aan loo baahnayn, sharciyo is diiddan, canshuuro is wada burinaya, kharash xad dhaaf ah iyo khilaaf joogto ah. Intu ba waxay horseed u noqdaan ragaad, colaado iyo horumar l’aan baahsan.

    Daaroodka geyigan Puntland Rabbi ku toleeyay nasiib gaar ah ayay u yeesheen tolnimadoodaas iyo dagalkoodaas baaxadda weyn ee qaniga ah. Kuwa u ololeynaya in tolkan iyo dhulkoodan barakeysan reero loo sii kala qoqobo waa kuwa sidaada xaasidka ku ah ee ka xun fadligaas uu Eebbe ku galladay. Hartiga iyo Puntland abid kala qaybsami maayaan ee inta ka naxaysaay nafta ku waaya.

  12. Haji Dabshidoow dooddaas nacasta ah anigu kula gali maayo laakiin waxaan kuugu soo gaabinayaa Dhoobadaareed waxuu ku dambeeyay halkii uu calafkiisu ku dambeysiisay. Waxaad ogaataan in ruux walba irsiqa uu meherad ka kasbanayo Ilaahay uga qoondeeyay oo uusan ama korodhsan karin ama iska dhimmi karin. Qalad kasta oo dhacay nolosha calaf baa wada.

    Midda ugu muhiimsani waxaa weeye nimankan hoggaanka Puntland iyo xataa Soomaaliya ba isku harddinaya waa shakhsiyaad naftooda iyo jeebabkooda matalaya si kasta oo uu magac ay beeli leedahay dusha ka huwan yahay. Waxaa shakhsiga waaxidka ah mar kasta ka sii muhiimsan oo kana muqaddassan qaddiyadda guud ee masaaliixda wadarta ka talinaysa. Inta cawaanta ah ayaa dowladnimada u arka uu kuna soo kooba nin beel magaceeda wata oo jago meel ka haysta, laakiin sidaas ma aha xaqiiqada dhabta ahi. Dowladi waa shacabka isku baheystay oo isku gacan saartay iyo danahooda iyo aayahooda wadareed ee isku wada xiran ee ay iskaga haqabtiri karaan oo keli ah isku duubnidooda guud.

  13. @Prof Abdiweli,

    Gacalkaygoow waan kaa guddoomay oo in aynu maskax iyo maan inoo dhaxal ah wadaagno oo aynu isku nuday nasab ah ka soo wada unkannay ayaad murtidaada miidda ah ku caddeysay oo aan aad ugu faraxsanahay xaqiiqdii.

    Caaqil, faro yaryar iyo faro waaweyn ba ugu dhignay oo way soo taagan yihiin uun. Waxaasaa dowladnimo iyo qarannimo laga filayaa bal yaabkan iyo amankaaggan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*