Xifaaltanka Somaliland kula jirto Somalia oo xididaha u siibay xadhkihii dhaqaalaha Somaliland

HARGEYSA(P-TIMES)- Dawladda Soomaaliya Iyo Madaxda Fly Dubai iyo Air Arabia ayaa Ka Wadahadlay Sidii Shirkadahoodu Dulimaadyo Toosa Uga Bilaabi Lahayeen Magalooyinka Muqdisho Iyo Garoowe.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorshaynaysa in magaaladda Muqdisho ay Duulimaadyo toos ah ay ka bilowdo shirkadda Diyaaradaha Ee FLY Dubia, halka shirkada Air Arabia na ay ka Bilaabayso Garoowe marka ay dhammaato xayiraadda ay saartay Somalia Duullimaadyada caalamiga ah ee cudurka Corona Virus awgii.

FLY Dubia iyo Air Arabia oo hore u istcimaali jiray garoonka Hargeysa Ka hor inta aan Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, Kala Noqon Ruqsada diyaaradahaasi Eedaymaha loo cuskaday ayaa ahaa inay FLY dubai iyo Air Arabia u hogaansameen Amarkii xukuumada DFS oo dhigayey inay dawladu joojisay Duulimaadyadii caalamiga ahaa mudada Aduunku la leedleedayo cudurka Covid19.

Dhanka kale Eriska Diyaaradaha Fly Dubai Iyo Air Arabia ayaa salka ku haya Kooto uu Rabo Madaxweyne Muuse Biixi inuu ugu Xidho Duulimaadyada Caalamigaa Wakiilka Ethiopian Airlines Abdiqafaar Maxamuud Ciise oo uu abti u yahay, Damiinka Diyaaradana uu ku qoranyahay Isla Madaxweynaha oo damiintay wiilka 2012.

Warqada lagaga joojiyay duulimaadyada labadan shirkadood oo aanu ogayn Maareeyaha civil aviation Somaliland iyo ku xigeen kiisu, waxaa Qoray Agasime waaxeed ay isku qoys yihiin Madaxwayne Muse Biihi oo uu amar ku siiyay, markii aanu la xidhiidhnay Mareeyaha iyo ku xigeen kiisu waxay noo sheegeen inaanay wax war ah ka haynin.

Dawladda Soomaaaliya ayaa udirtay qaar kamida mas’uuliyiinta wasaaradda Duulista iyo Hawada wadanka Emirates ka si ay madaxda shirkaddahaas iyo Dawlada Emaaraat ka ugala xaajoodaan sidii FLY Dubia iyo Air Arabia Duulimaadyo uga bilaabi lahayeen Garoonada.

Aadan Cadde ee Caasimada Muqdisho iyo Caasimada Puntland ee Garoowe. Xili Aduunku Loolan Ugu jiro Soo jiidashada Duulimaadyada Caalamiga ah ayay Xukuumada haysa Talada Maamul ee Somaliland Waxa Uleh Ahmiyada Koowaad Xifaaltanka ay kula Jirto Somalia iyo Ganacsiga gaarka ah ee Galin ku Taajir, Taasoo Minja Xaabisay Ruqsadii Diyaaradaha Caalamiga ah.

Xanta siyaasada Caalamka oo ahaa inaanu Xidhiidhka dawladaha imaaraadka iyo Somalia ahayn mid wanaagsanaa mudooyinkii danbe waxayse Arintani irid cusub u furaysaa is dhexgaI Horleh iyo Isfahan Dhaqaale oo dhexmara Labada dal, waxaana meesha ka baxaya Wada Shaqayntii Somaliland iyo Imaaraatka.

Haddii dawladda Federaalku ku guulaysato qorshaha ay ku doonayso in ay Muqdisho keento FLY Dubia Air Aribia na Garoowe wuxuu suuragal ka dhigayaa in Imaraadka Carabta iyo Dawladda Soomaaliya xidhiidhkoodu soo hagaago islamarkaana uu meesha ka baxo xidhiidhka Danaha Dhaqaale ku saabsan ee hadda kala dheexeyey Imaaraadka xukuumada Somaliland.

8 Comments

  1. Qoraaga faalladani bilaash ayuu iskugu karaama seejiyay waxaas uu soo waqtigiisa qaaliga ah ku khasaariyay waayo wax aan jirin iyo wax jira ayuu isku jimeeyay. Jamhuuriyadda Soomaaliya waa waddan rasmi dunida uga jira ee caalamka laga wada garanayo, laakiin “Somaliland” dal iska daa ee xataa maamul goboleed Soomaaliya gudaheeda rasmi uga jira ee loo aqoonsan yahay ma aha xaqiiqdii.

    Imaaraadka iyo Itoobiya dakadda Berbera ayay dan ka leeyihiin iyaga oo ogsoon in ay Soomaaliya hanti qaran u tahay. Qawleysatadan ah hadhaagii jabhaddii SNM ee Hargeysa gafanaha ka noqday in aanay iska daa dhul dal lagu tilmaamo ee dagal isku buuxa xataa haysanin waa macruuf. Xassan Xoolo oo irirnimo ugu qaraabakiilayay ayuun baa deeqaha Soomaaliya in ka mid ah gooni ugu saxiixay mooyaanee wallaanay xilligan soo ba gaareen.

    Beats Logic And Common Sense How Any Sane Person Could Even Compare An Existing Entity (Somalia) With A Totally Non-Existent Nothingness (like “Somaliland”).

    • The level of insanity that Bush-baby Biixi and his likes entertain is as new to humanity as is coronvirus. He says, and made himself believe through repetition, that a country called somaliland, and a country called somalia actually exist side by side. Even the most potent drug can not induce such lunacy

    • Comrade

      I wonder what Bush-baby Biixi and the other nitwits of his kind consume. We as puntlanders should borrow some of those stuff from them and indulge in utopia. I mean Just to poke at what that world looks like.

      PS; lol@decadequote

  2. Webkan Puntland times, wuxuu ku bilaabmay si wanaagsan oo dhexdhaxaadnimo iyo xaqiiqo ku dhisan, illeen waa soomaali ah , markiiba wuu isu bogay oo istabceeyey, oo dawladdiisia puntland kasoo horjeestay, isaga oo dhanka jeebkiisa ka doorbiday, wuxuu imminka marayaa, inuu qoro wax kasta oo Puntland ama Somaliland ayo Jubbaland wax yeelaya sida uu isleeyahay, dawladda been beenta ku dhisan ee Wardhiigley ka talisana buun buuninaya, waxaanu ogayn equationka xisaabta dadka Somalia, oo Jubbaland, Puntland Iyo Somaliland ka yihiin 75%, SSDF,SNM, SPM. Somalidu waxay ku maahmaahdaa meesha aad nin ka dooratay nin kale ayaad kaga tagtay, bal wiilkan xarriifka tuulada ah aan eegno bilaha iyo sannadaha soo socda jidka uu hayo meesha uu geeyo,

  3. Shirkadaha duulimaadyada UAE iyagaa go’aansaday joojinta duulimaadyadii ay Ku tegi jireen badi wadamada caalamka,waxase Somaliland u mamnuucday iyagoo Ku kadsoomay amarkii dawladda fadhiidka ah ee Xamar,una hogaansamay mooryaan Xamar fadhiya oo diyaaradaha ugasoo hanjabaya.

    Rukhsadda waxa siisay Somaliland ee Xamar ma siin,magaaloiyinka ay ka degtona Xamar maahayn iyo Somalia ee waa Somaliland.

    Shirkadda diyaaradaha Itoobiya ayaa kasbatay Dawladda iyo shacabka Somaliland,xaqiiqadana xasuusisay maafiyada la waardiyeeyo ee N&N.

    Siriqdii Deni Ku dhacay iyo siday Pudland isu dhiibtay faallo ka qora Somaliland dhaqaale xumona masoo waajhinee.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*