XOG: RW Kheyre oo Is karantiilay 14 maalmood mudo ku siman & M/weynaha oo ku amray talaabo cusub.

MUQDISHO(P-TIMES) – Warsidaha PuntlandTimes ayaa ka ogaaday Xaafiiska Raysalwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre in uu maanta ku wargaliyey Lataliyaashiisa in aysan kulmi karin mudo ku siman 14 maalmood oo uu yahay Karantiil, waxayna sheegeen in ay sababtaas ka dambeysay markii la xaqiijiyey Kiiska cusub ee laga helay gudaha Muqdisho oo ahaa Shaqaale katirsan wasaaradda Caafimaadka, gaar ahaana Guddiga kahortagida Cudurkan oo Raysalwasaaruhu qaabilay maalin kahor.

Warsidaha ayaa ka ogaaday Lataliyayaasha Raysalwasaaraha in uu talaabadan ka dambeysay, ka dib markii ay sidaas kula taliyeen dhakhaatiirta caafimaadka iyo guddiga ka hortagida cudurkan oo sheegay in ay lagama maarmaan tahay cid kasta oo ay Ra’iisulwasaaraha iyo Shaqaalaha Caafimaadba is arkeen ay gasho Karantiil mudo ku siman 14 maalmood.

Baaritaan caafimaad ayaa lafilayaa in lamariyo Xildhibaano ay ku jiraan xubno katirsan gudoonka baarlamaanka Soomaaliya oo la xaqiijiyey in ayla kulmeen shaqsiyaadka laga helay xanuunkan, waxaana xubnaha qaarkood ay maantaba bilaabeen in ay joojiyaan la kulanka saaxiibadooda, cabsida ay uga qabaan in ay bulshada kusii dhex-faafiyaan xanuunkan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la xaqiijiyey in uu ku wargaliyey Wasiirkiisa Koowaad Xassan Cali Kheyre, in uusan qeyb ka noqon karin kulamadii madaxda dawladda Faderaalka ay maalinlaha uga yeelan jirtay Aqalka Madaxtooyada xaaladaha dalka, taas oo si toos ah xalay loogu wargaliyey.

Shaqaalaha Madaxtooyada ayaa la fasaxay, waxaana maanta la xaqiijiyey in ay jireen dad laga qaaday baaritaanada koowaad ee xanuunkan la xariirta, iyadoo qaarkood oo ka shaqeynayay dhinaca guddiga Doorashooyinka Qaranka la sheegay in laga helay xanuunkan.

 

4 Comments

  1. somali rabiyow ugargaar dalalki caalamka ugu tunka waynaa ayaa iminka tacbaan ah maxaad moodaa somaali ilaahay xaalkeeda ogyahay.rabiyow noo gargaar barbarna naga madhi musiibadan.

  2. War ninyahow adiga iyo Farmaajo iyo professor Yaxyagiiba iyo Fahad Yaasinba bal in yar naga xerooda oo is karantiila. Kkk

  3. A. A. Xade,

    HA HA HA HA HA HA!

    Ugaas salaan sare marka hore. Firixdii baad qosol iiga dhammeysay wallaahi.

    Priceless.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*