Brazil oo gashay kaalinta labaad ee dalalka uu kusii faafayo cudurka Coronavirus

NAIROBI(P-TIMES)- Dalka Brazil ayaa diiwaan geliyey koror kale oo weyn oo ah tirada dadka uu ku dhacay cudurka Coronavirus, isagoona ka sara marwy dalka Ruushka oo ku jiray kaalinta labaad.

Dalka Braziil ayaa waxaa laga diiwaan galiyey 330,890 infekshan iyo 21,048 dhimasho ah.

Tirada maalinlaha ah ee dhimashada ayaa ka saraysa 1,000 afartii maalmood ee lasoo dhaafay.

Madaxweynaha garabka midig ee reer Brazil Jair Bolsonaro wuxuu si is daba joog ah u dhaleeceeyay talo bixinta caafimaadka bulshada, wuxuu dhaleeceeyay talaabooyinka xirida iyo hoos u dhigida halista Covid-19.

Sida laga soo xigtay tiro koobyada Jaamacadda Johns Hopkins ee Maraykanka waxaa la diiwaan galiyey in ka badan 1.6 milyan oo xaaladood iyo ku dhowaad ​​96,000 oo dhimasho ah halka dowladds Russia ay xaqiijisay 326,488 cudur iyo 3,200 oo dhimasho ah.

Cudurka Coronavirus ayaa weli kusii fidinaya dadka Caalamka, waxaana maanta laga ciiday dalal badan oo Islaam ah kuwaas oo dadku ay ku tukadeen salaada ciida guryahooda sababo la xidhiidha cudurka Corona oo sii faafaya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*