Ciidamada dowladda la wareego cusub & Xubno la dilay

MUQDISHO(P-TIMES)- Ciidamada dowladda Somaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgalo culus ka fuliyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirasn Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalka hogaaminaysa ciidamadaasi ayaa waxa ay sheegeen in intii ay howlgalka ku jireen ay dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab sidoo kalena ay la wareegeen deegaano iyo fariisimo dhowr ah oo ay ku sugnaayeen.

Taliyaha Guutada 22-aad ee taliska qaybta 27-aad ee ciidamada xoogga dalka Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xasan Ibraahim ayaa sheegay inay la wareegeen deegaano ay kamid yihiin, Afcad, Ceel-bacad iyo Aboorey, kuwaas oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Sidoo kale taliyaha waxa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in ciidamada ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab ee laga fulinayo deegaanada yo degmooyinka gobolka Hiiraan ilaa laga saarayo Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaanada howlgalka laga fuliyay ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan isla markaana ciidamada dowladda ay weli wadaan howlgalo kala duwan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*