DAAWO: Miyey kulmeen Madaxda sare ee Puntland & Yaase waan-waanta ka dhex-wada ilaa hadda?

GAROOWE(P-TIMES) – Saacadihii u dambeeyey si weyn ayaa loo faafiyey wararka la xariira in ay kulmeen madaxda ugu sareysa ee Puntland oo mudooyinkii u dambeeyey u dhaxeeyey khilaaf ku wajahan xagga Sharciga, gaar ahaana Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka oo isku hayay arrimaha awoodaha ay kala leeyihiin,si gaar ah Madaxweyne kuxigeenka ayaa u diiday wareegtooyin magacabid oo kasoo baxday dhanka Madaxweynaha Puntland.

Labada dhinac xariirkooda ayaa wanaagsanayn, waxaana tan iyo markii uu bilowday isku dhacooda 7dii Feb 2019-kii, uu ahaa mid jaban oo marba ay imaanayeen arrimo ay ku kala aragti duwanaayeen, balse tanaasulka ayay kusoo dhaafeen sannadkii lasoo dhaafay oo ay wax badan soo wada mareen.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan isbedel kusameeyey Taliska ciidanka Madaxtooyada, wuxuuna shaqada ka qaaday Taliye kuxigeenkii hore, tas oo keentay in Madaxweyne kuxigeenku uu diido, uuna ku doodo in Madaxtooyadu ay ka dhaxaysa labada masuul amniga cida loo dhiibanaya ay tahay cid ay ku wada kalsoon yihiin.

Taasi, waxaa ka dambeeyey isku shaandheyn golaha Wasiiradda ah oo uu soo saaray madaxweyne deni maalmo kahor, laakiin Madaxweyne kuxigeen Axmed Karaash wuu diiday sharciyadooda, qoraal uu u diray baarlamanka ayuuna ku sifeeyey in wareegto kasta oo soo baxda aana lagala tashan ay tahay mid been abuur ah oo aan sharciga qeyb ka aheyn.

HALKAAN KA DAAWO

Dadaalo ay garwadeen ka noqdeen guddoonka baarlamaanka Puntland ayaa fashilmay, ka dib markii ay xakameyn waayeen labada dhinacba oo ay Warbaahinta hadalo iska dhaafsadeen, taas dad badan ayaa u arkayay halis weyn oo kusoo wajahan Puntland.

Guddoonka, waxay ugu dambeyn garowsadeen taladii ay mudanayaal katirsan baarlamaanka Puntland soo jeediyeen bar-bilowgii khilaafkan oo ah in golaha baarlamaanku madashooda kusugaan khilaafkan, haddii kahor la xaliyana ay tahay wax wanaagsan, haddii kale ay sharciyadda ku kala saaraan marka uu furmo kalfadhiga baarlamaanka Puntland oo furmaya bartamaha bisha nagu soo wajahan ee June.

Warar hoose oo laga helay xagga Guddoonka iyo xildhibaano ku howlanaa qadiyaddan sidii xal loogu heli lahaa aya sheegaya in markii ay xal ka waayen ay la kaashadeen Isimadda dhaqanka ee gobalka qaarkood oo kusugan magaalada Garoowe.

Mid kamid ah xubnaha ugu dhaw ee guddoonka ayaa ii xaqiijiyey in ay la hadleen labo kamid ah Isimadda gobalada Sool & Nugaal, oo ay kala hadleen sidii khilaafkan xal loogu raadin lahaa, ayna hadda rajo ka qaban in ay la kulmaan labada dhinacba oo ay kala hadlaan sidii khilaafka loogu dhameyn lahaa si hoose.

Ururada bulshada rayidka ah oo la kulmay labada masuul-ba waxay u sheegeen in ay xal diyaar u yihiin, inkastoo laftirkoodu ay sheegeen in waxa laysku hayaa uu yahay Khilaaf maamul, tasna xalkeeda ay ka sugayaan madaxda sare ee Puntland.

Isku dayga bulshada rayidka ah ayaa ahaa in Madaxweyne Deni u sheegay in uu xariir la sameyn doono kuxigeenkiisa oo ay ka wada hadli doonan sidii khilaafkan loo xalin laha, sida ay warbaahinta u sheegeen.

Waxaan xaqiijinay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in ay labada masuul ee u sareeya Puntland kulmeen 24kii saac ee lasoo dhaafay, sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin katirsan labada xaafiis ee Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka, sidaas oo kale waxay sheegeen in ay socdaan dhexdhexaadinta Isimadda oo aan wali labada dhinacba si buuxda ula kulmin.

Sharci-yaqaanada ayaa rumeysan in haddii khilaafkan aan loo helin xal waara oo xagga sharciga ah ay imaan karto in ay labada dhinac isku qabsadaan qodobada Dastuuriga ah, gaar ahaana qodobka 80ad oo labada dhinacba ay siyabo kala duwan u fasirayan, kaas oo ka hadlaya awoodaha Madaxweyne kuxigeenka.

Ma jirto maxkamad Dastuuri ah,  23 sanno oo ay dhisan tahay Puntland, taas oo kala saari lahayd muranada la xariira arrimaha Dastuuriga ah, waxaana dad badan ay rumeysan yihiin in ay tahay meelaha ugu badan ee ay tahay in deg deg loo dhameystiro 23 sanno ka dib, laakiin Ajendaha kalfadhiga 46aad ee baarlamanka aya lagu asteeyey in ay qeyb ka tahay.

19 Comments

  1. Waxaan maanta halkan ka furayaa baab aan aaminsanahay in loo baahnaa in teer iyo gumeysigii qaab cilmiyeysan looga doodo. Waa baabka ku saabsan taariikhda madoow ee uu Ingirisku dhaxalsiiyay beesha reer tolkeen ah ee Dhulbahante oo aan u arko in haddii la isla falanqeeyo uu noqon doono xal waara oo lagu furddaamiyo is la jaanqaad la’aanta iyo is maan dhaafka xidideystay ee teer iyo gumeysigii beeshan iyo tolweynaheeda kale ka dhex taagnaa.

    In ay Isaaqu beeshan maanka ka qabsadeen dharaar cad sideeda ayay bayaan ugu muuqataa. Waxaa meel kasta laga dhugan karaa qaabka ay iidoorku kuwa beeshan ka dhashay uga hadlaan, iyaga oo marba leh “anaga dib noogu soo cesha” iyo “iska soo erya” iyo hadallo la mid ah. In uu nin iidoor ahi Hartiga kale ku yiraahdo nin Dhulbahante ah “iska soo erya oo anaga dib noogu cesha” waa hadal xaqiiqdii maanka iyo maskaxda ka weynaaday. Bal idinku qiyaasa Harti oo maamulka “Somaliland” la daba taagan “Nimankaas Habar Yoonista Sanaag anaga nagu soo cesha oo iska soo erya”. Miyay taasu abid dhici kari lahayd?

    Maxay haddaba ku dhacday in ay iidoorku Dhulbahantaha uga hadlaan sida dad ay iyagu gumeystaan oo cagtooda ku hoos jira ee aan meel kale loo oggolayn?

    Maxuu yahay dareenka ay iidoorku u adeegsadeen in ay Dhulbahantaha maanka kaga xakameeyaan oo sidan ugu dulleystaan?

    Maxaa loo la’yahay nafar Dhulbahante ah oo 60kaa sano ka damqada maankaa ay iidoorku beeshan ka muujinayeen muddadaas oo dhan?

    Habkee bay Daaroodku u mari karaan in ay tolkoodan maan iyo bulsho ahaan ba gumeysigan gaamuray uga xoreeyaan?

    • Walaal hadaan kuu kala saaro dhulbahate iyo habaryoonis isku midmaaha 1 hadaan ku hormaro habaryoonis niman aaminsan soomalilanimada iyo isaaqnimad caare iyo ciidamadiisu qardho ayey kalahayeen soomalilan waa in aan xoreynaa ee ma dhihin waa goayna oo maamulkalaan raacaynaa 2 dhulbahante ma aaminsana khaatumo. puntland daroodnimo iyo harti midna dhib anay isgaarsiina cidi reer tolkey umageysan

    • Hadaad wax garanaysid jees wuu kula hadlay iyo mudanayaasha kale meeshana waxaa kajira ilka Abeeso hoos kaxiriirsan siciid dibi, aaran jaan iyo Somaliland na waxay heesh cad kugaleen.
      1: inay kooxda danlayda puntland kashaqeeyaan kala geyenta iyo kala fogeyenta beelaha Harti iyo in nacayeb laga dhex abuuro iyo in qaabkasta oo xumayen ah loola dhaqmo Beelaha gobolada Cayen,Sool, Sanaag, High-land iyo Galbeedka Gobolka Bari, riwaayado maaweelahana lagu dhexwado qorshaha fog ee kuwa aan kor kusoo sheegay ilaa ay kuqancaan inaysan puntland kasii mid ahaan karin,ilaa ay kuqancaan inaysan maamul gaar ah noqonkarin, ilaa ay kuqancaan inay Somaliland kamid noqdaan.
      2: iney Somaliland u isticmaasho xeeladkasta oo ay kusoo xero galin karto ama ay ku sasaban karto cid kasta (Shaqsi,Koox ama qayeb kamid ah beelaha Dhulbahante iyo Warsangali) oo puntland wax katabta ama kacarooda intii lagu xadgudbo ama xuquuqdooda laduudsiiyo ama lacunsuriyeeyo sida (Garowe unukaa leh).
      3: iney kooxdan danlayda ee puntland iyo Somaliland ay kawada shaqeeyaan inuusan dhicin isku soo dhawaansho iyo isfam soomaalida dhex-mara iyo deganaansho siyaasadeed oo kuqotoma qadiyad midaysan ee soomaalinimo iyo wax wada qabsi si loo gaaro hormar caam ah.

  2. Boodhari war hooyada was ee dhulos ka hadh miskiin 31 ba tahay. Tolka was meesha Dulbahante maro ba ku xasbantahay adigo ah laangaab waros ah.waana ogtahay wa waxa la oyaaysid. Bintiland waa lagu kala tegaya was hubaal. Adigu meel hubso

  3. Boodhari ina cali waraabe marka uu leeyahay iska soo erya wuxuu ogyahay xiriirka ka dhexeeya somaliland iyo madaxweyne Siciid Deni. Inaga oo og in Deni somaliland u doodayey isagoo fogaynaya Dowlada fedralka ah, markaa wax qariiba maaha inuu sidaa u hadlo. Dhulbahante cid ka sareysaa iyo cid gumaysan kartaa ma jirto hadalada dadka cuqdada qaba ee aad ka mid tahay u caayi mayno tolakayo MJ. Waxaanu leenahay ilaahii dhamays idinka dhigay hadaysiin dhaqo. Amiin

  4. @Jeeska,

    Saaxiib marka hore “Somaliland” wax loo yaqaanno dunida laga ma yaqaanno. Dal dunida rasmu uga jira ma aha oo maamul goboleed Soomaaliya rasmi uga jira ma aha. Haddaba weedhaada qummaati u caddayso aynu doodda kula daaddihine.

    “Somaliland” waxay noqotay magac-u-yaal Isaaqa lagu macneynayo sida “khaatumo” iyo “ssc” loogu maldahday beesha Dhulbhante. Waxani waa “euphisms” aan toos wax loogu nisbeyn karin. Haddii aad ka waddo Siciid Deni iyo Isaaqa ayuu xiriir ka dhexeeyaa no macnee waxa uu yahay iyo waxa uu ku saleysan yahay iyo halka ay Dhulbahantuhu xiriirkaas ka soo galayaan oo ka khuseeya.

    Ujeeddada aad ka leedahay noo balballaari saaxiib.

  5. Anigu waxaan u arkaa ciyaarta Karaash wado waa tii ay Jubbaland ka wadeen Xiddig iyo Seeraar, waana mid Villa Somalia laga soo agaasimay. Waxaans arrintan dallaal ka ah Dhoobo-daareed. Waxay u dhowdahay inay dabadheeraato sababtoo ah qolada Villa Somalia laga soo diro waxaa ku maqan dayn iyo qaan. Waxaan maqli jirey, ‘Waa qaan Marreexaan, oo waa qaaxo kugu maqan’. Ulama jeedo in Farmaajo matalo Marreexaan.

    Adduunka xaggee lagu arkay madaxweyne ku-xigeen awood leh. Waa sida shaagga kaydka ah (spare tyre). Doorkiisu
    waa inuu si kumeelgaar ah usii qabto xilka haddii madaxweynuhu safar aado amase geeriyoodo amase ay ku dhacdo dhib uu waajibkiisa la gudanwaayo. Dastuur ahaan waxaa ka awood weyn guddoomiyaha Baarlamaanka.

    Hashu haddii ay maqaarka diidayso, meelo daldaloola ayey ka daydaydaa. Karaash wuxuu marmarsiinyo ka dhigtay taliye ammaan-sugid oo la beddelay! Sow ma dhici karto in Deni helay macluumaad ku saabsan khatar soo wajihi karta ammaankiisa shakhsiyeed iyadoo loo soo marayo taliyaha la beddelay, taasna ku lug lahayd Villa Somalia, iyo aragagixisada, isla markaana Karaash wax ka ogyahay?

    Arrintan iyo arrimaha loo ekeeysiiyey gargaarka ee laga bilaabay Cayn iyo Sanaag waa isku xiran yihiin; sheekadii Gedo ayaa meesha kasoo uraysa.

  6. P-times waar waa idin sidee dee? Deni & Karaash baa nagu waasheene naga baandheeya! Sala calee!kkk kkk kkk

  7. Sc. BOODHARI ama dhamaantiin. SSC lagama qabsan Dhulbahante iyo Majeerteen ee waxaa laga qabsaday siyaasiyiin reer Puntland ah, oo weliba Majeerteen ah, Puntland u jooga inay JARANJARO uga dhigtaan Federalka.
    Qof inuu ka Daba hadlana ma ogola, MAXKAMAD SARE, XEER ILAALIYE, BARLAMAAN XOR AH, IYO XISBIYO BADAN intaba waa waxay ka midaysan yihiin inaysan hir gelin. Intaa waxaa u dheer Musuqmaasuq, EEX, IYO NIN JECLAYSI.
    qofkii wax qaldan tilmaama waa ALSHABAAB, AMA DIB U SOCOD.
    hadana waxayba ku Dareen ISKU DIR IYO KALA DILID DADKII IYO XATAA ISIMADII.
    Waa in lagu qayliyaa weliba Tv-yada.
    Puntland sidaan ma sii ahaan karto.
    Ilaahow Soomaali xaqa tus.
    Aamiin.

    • @Haliye,

      100% waa sax sidaas aad wax u sharraxday oo waan kugu raacsanahay. Maalin dhowayd ayuu saaxiibkeen Arar runta iga asiibay mar uu igu tilmaamay in aan ahay “independent minded”.

      Haddii aynu dhammaantayo xaqa iyo runta wax ku saleyno oo kuna cabbirno runtii naga fursan mayso in aynu caadifadda reereed ka weynaano marka aynu arrimaha masiiriga ah ka faallonayno sababta oo ah Yowmul Qiyaamaha ayay xujo nagu noqonaysaa haddii ay afkeenu iyo quluubteenu is waafaqi waayaan marka aynu wax ka warramayno.

      Sideeda ba shakhsiga siyaasiga ah waxaa ka sii fadli badan oo kana muhiimsan danaha wadareed ee bulshaweynta.

  8. Waa iska caddahay in Dhulbahante, iyo Marreexaan oo Daarood ku abtirsadaa ay ku adeegsadaan qabiillo iyo Qawmiyado kale. Mareexan waxay lakala safan yihiin Kenyan, Ethiopian, Jubbaland, Alshayaadiin, Villa Wardhiigley iyo Galmudug. Intaba waxaa kudhinanaya wiilal Mareexaana. Bal fiiriya dhulkooda ba’a, waxa, iyo colaadda aan dhammaan oo kajirta. Intay caabudwaaq isku laayeen ayaa Habar Gidir kala cruisey waa Wegerdhac dhexdooda!!!!!
    Dhulbahante maalin layiri control ka Garowe magaalada xoogaa 1km halagasaaro maryocalasta kaarabiinka sidata oo ay sootubeen waa la’ogaa. Yay usoo buteyneyeen? Majeerteen baa nagusoo duuley ayey lahaayeen. Haddayba xataa dhul Dhulbahante dego tahay, saw Pubtland kama mida aha? Maxa hadda nooleeyihiin Puntland lawada leeyahay? Sow taad barqada diideen in xataa controlka magaalada laga saaro, oo dhibkaad abuurteen askariga ciidanka kamid ahaa kudhintay. Haddaad kugoodiyeysaan Isaaq baan keenaynaa, oo madhul majeerteen yaad keeneysaan? Mise Isaaq baad nagumeyso leedihiin? Noosheega waxaad kuhaysataan oo aan muuqan annagu waxxan aragnaa kaliya dhulkinnii oo laydinku gumeydanayo oo aad raalli katihiin. Ogaada Isaaq iyo Majeerteen wax dhiba oo kadhexeeyaa majiraan, colaad dhextaallaana kajirta. Markaad aragtaan oo qof Majeerteena oo Isaaq lahadlaya ama wax uu ku ammaano dheegaya waad hinaastaan sidii laydin qabo. Haddaad watkeyga kaxuntihiin fadlan dib ufiirsha xaaladdaad kusuguntihiin. Meelfiican oo maqaamleh yaan idin lajeclahay ee xumaan igama aha.

  9. Faysal mawaala caloosha isaaq ayuu kahadley iyo daarood kuwaalati xumadiiisa hada farmaajo waxaa u ladiriyaa puntland iyo jubaland dhaqaalaha maca soomali uuku sooqaatana waa waxa uu rabö in uuku dumiyo

  10. Boodhari
    Waan ku salaamey. Doodaada waa mid ku saleysan aqoon durugsan, dadka halkaan soo gala waxay u badan yihiin dad aan kula jaan qaadikarin marka laga reebo dhawr qof.
    Arrinta dhextaal Dhulbahante iyo Majeerteyn waa very complicated and complex case.Waa in marka hore laraadiyo the root causes of this misunderstanding and conflict si xal loo helo…..
    Majeerteyn iyo Dhulbahante inkasta isku isir yihiin waxa kala fogeynayaa waa kala duwanaanshaha dhaqanka.. Sidaas awgeed wey adag tahay in Labadaas reer isku wax u wada arkaan.. Kala duwanaanshahaas waxaa ka faaiideystey Isaaq oo leh ujeedooyin guracan.
    Hadaba xalka muxuu yahay…

  11. @Aqoonyahan Abdirazak Abdirazak,

    Saaxiib waan kaa guddoomay salaantaada sharafta xambaarsan oo waxaan adigana hawada kuu soo dhigayaa salaan gobeed oo akhyaarta ilbaxda ah u khaaska ah.

    Warka ba adiga ayaa soo afjaray oo waynu koobannahay inteena isku mowjadaha wax ku duuliya oo diiradda aqooneed iyo xaqiiqooyinka dhabta ah arrimaha ku dheehana. Waa sababta aalaa dhalisa ismaandhaafka ee keenta isku dhaca joogtada ah. Waxaa ugu daran kuwa aan arrimaha kala saari karin oo kala seeri karin ee aan kala garan karin heerka ay mar ba dooddu marayso ee laga hadlayo.

    Anigu aad baan wallaahi ummaddeena Soomaaliyeed leyl iyo nahaar uga murugoodaa oo hadafkaygu waa uun mid keli ah; in aynu ummaddeenan ambatay uu mid keen ba gunta hoose iyo juffadiisa ka soo dhiso ilaa aynu heerka qaran ku kulanno. Qaar badan baa sidaas si ka duwan u arka oo u qaata in uu qofku “qabyaaladeynayo” oo “qabiileyste” yahay. Waa sababta aan ugu doodo in cilmi iyo aqoon arrimaha laga soo abbaaro si xalal waara oo dhab ah loogu helo.

    Mahadsanid Ustaad Abdirazak.

  12. Oodi Ab ka dhow hore ayaa loogu maahmaahay. Dhulbahante waa Qabiil weyn oo mug iyo miisaanba geyiga ku leh. Cid dhalan rogi kartaa ma jirto umad dhan oo maskaxda ka xadi karta. Soomaali hadeynu nahayna geyi heyi ayaynu isku Dhaqan u nahay. Kolkaas dadka deegaan ahaan dega Somaliland, DDSI iyo Jabuuti Illaahay isku Dhaqan ka dhigey. Waana dabiici. Kunsanadood hadaad dhaqankooga tirtira is tidhaahdaan ka masaxi kari meysaan. Idinkuu baa ku wareeraya.

  13. SALAAMU CALEEKEKUM

    Xal ma jidho, ilaa meesha laga saarayo, AF-QUSHUUSHLE, KARAASH.. Nabad ma jidho. KARAASH waa in la tuura, se PUNTLAND u nabad gasho… Sidee loo tuuray DHOOBO DAAREED, waa in KARASH loo tuura.

    BOQOR DENI, waa in shaqadiisa looga dambeeya oo aan la khaskhashin. BOQOR DENI, wa in lagu dabo-faylaa…Se horumarka PUNTLAND horayugu socoto.

    WA BILAAHI TAWFIIQ

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*