DAAWO:Madaxweyne Denni oo diiwaan galiyey urur siyaasadeedka Kaah

GAROWE(P-TIMES)- Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Denni ayaa maanta si rasmi ah isaga diiwaan galiyey urur siyaasadeedka Kaah.

Madaxweynaha ayaa xarunta ururka waxaa kusoo dhoweeyay guddoonka kumeel gaarka ah ee ururka iyo xubnaha ururka, wuxuuna kadib u gudbay qaybta diiwaan gelinta halkaasi oo uu madaxweynuhu si rasmi ah isu diiwaan geliyay maanta xubinimada urur siyaasadeedka Kaah.

Hirgelinta nidaamka xisbiyada badan ee Puntland waxaa uu kamid ahaa qorsheyaasha iyo siyaasadda madaxweyne Deni, waxaana ay dowladdu muddo 7 bilood ah kusoo dhistay guddiga doorashooyinka kumeel gaarka ah oo wakhti yar shaqooyin muuqda ku qabtay maadaama ay is diiwaan geliyeen 17 urur siyaasadeed.

10 Comments

  1. Xismi siyaasadeed ma ahan waa urur siyaasadeed sida ka muuqata magaca ururka.
    Ururka Kaah, Kaah Association baa ku qoran meel kalena waxaa ku qoran Kaah Political Association oo mac aheed yahay Ururka Siyaasadda Kaah.
    Haddii ujeedkooda xisbi siyaasadeed yahay waa in ay dhahaan Kaah party Xisbiga Kaah erayga political meesha ma soo kelaayo.
    Aniga waxaan u qaatey in ujeedkooda yahay urur siyaasadeed hadhowdii ku biiridoonaan xisbiyada ka furan Xamar.

  2. Somalia kama jiraan xisbiyo siyasadeed sababtoo ah weli si rasmi ah urur sharuudihii buuxiyey ma giro si logu diiwaan geliyo xisbi

    lakiin waxaa jira ururo siyasadeed

  3. Waxay u muuqataa,in arimaha socda u eg yihiin.
    In gaarigii laga hormariyey faraskii jeedi lahaa.
    Wax badan ayaa, ja horeeya,in xisbi la iska diiwaangaliyo.
    Xisbi wwa urur leh xeerar iyo nidaam la soo ban dhigay,oo iyo cida ogaanka u ah,lago doorto.
    Maantay Deni baa is-diiwan geliyey,waxaa ber ku xiga in uu yahay gudoomiyaga xisbigan,kuwo kale oo ka mid ahna waay iman.
    Dadka ku Nool mandiqadan,siiba gobolka Bari,doorashooyinkii la qabtay,1964 iyo 1967 waxa dhacay in si aad u cadaalad daro,kuraastoodii ay qateen,xildhibaano san degenayn degaankaasi,
    waa in aysan soo noqon cadaalad daradasi,dhacay mudo ka badan Qarni barkiis.
    Guul Puntland iyo Soomaaliya guud ahaan.

  4. Wax Xisbi la yidhaa oo Soomaaliya guud ahaan iyo Soomaaliyaba ka Jiraa ma jirto ayaan anigu qabaa. Xisbigu iskama yagleelmo uun. Marka hore waa in Ururo lagu dhawaaqaa. Ururo badan baa is diiwaan gelin. Waa inuu Jiraa Xeer iyo Shuruuc ama Qawaaniin kala saareysa sidey Xisbiyo ku noqon karaan. Ka dibna la tartansioyaa si ay uga soo baxaan Xisbiyo ka tira yar tobaneeyaha is diiwaan gelin doona. Waa in xisbigu taageerayaal iyo matelayaal ku leeyahay Gobol kasta. Hadii kale Fowdo iyo waxaan loo joogin ayay dhaleysaa arintani. Reerwalba Xisbi ayuu furan oo xaajadu jaantaa rogan ayay isku bedeli.

    Kolkaas waa Ururo lagu shaabadeeyaa imika. Hadhow wixii kasoo baxa shuruudaha Xisbi lagu xidho oo dhan loo Ansixiyaa Xisbinimo.

  5. Soomaaliya meesha ugu daran oo xisbiyo siyaasadeed ka suurtagelikarin waa Puntland.
    Dadka waxay u maleeyaan nabadda ka jirta Puntland in ay keentey xadaaradda mandhiqaddaas ka jirta. Waxaa nabadda keeney degaankaas waa dhaqan soo jireyn ah isimada ah welina Puntland ku caanomaaleysa. Haddiise dhaqankaas la siyaasadeeyo oo waxa reer galbeedka u yaqaan one man one vote lakeeno waxaa loo tegayaa dacarta iyo foolxumada mandhiqaddaas.
    Wallaahi barqo cad baa meydadka waddooyinka la dhigayaa.
    Waxaa ila haboon in Puntland ku socoto nidaamkeeda isimada Puntlandna laga dhigo degaan Daarood. Wixii xubnaha saamiga federaalka ay ku leeyihiin ay wada tashtaan xubnaha ay u dirsanayaan.

  6. War waxaa la joogaa qarnigii DNA da,ee fikradaha danbeeya,ee biniaadamko ka tagay waa hore oo ah gab beeleed iyo kaabo qabiilo waa wax aan shaqaynayn,ee umaddan dhan walba,ka hartay dunida baa qaar leeyihiin isimo iyo deegaan,qabiil leeyayahay ha laga dhigo,waa fijrad aad u liitada oo salka ku haysa aqoon la’aan.
    Isimo ama kabo qabiil waxa loo yaqaan dal iyo nidaam dowladeed waxba kama yaqaan.

  7. “Ahmed shiine iyo
    Abdirizak Abdirizaak” waxay bidhaamiyeen marxalado keeni kara guuldaro ku timaada xisbiyada badan. Shaqsi ahaan aniguna waan la qabaa walaacaas ay qabaan.

    Xisbiga qaran ama Kan gobol ma aha tukaan laga furo suuqa dhexdiisa.

    Xisbigu waa in uu leeyahay sharciyo u ah laf dhabar. Waa in uu leeyahay xubno u matala dagmooyinka wadanka. Oona dagmo kasta ka kasban karo saldig balaaran oo ah taageerayaashiisa. Taageerayaashaas (registered party members) oo u codeynaya shaqsiga hogaaminaya xisbiga.

    Hindise shisheeye ee aan aqoon loo lahayn oo guuldaro ku dhamaanaysa ayaa la rabaa in umada lagu jaha wareeriyo 30-donka sano ee soo socota. Waana sababta aan uga soo horjeedo sheeka-daan ah xisbiyada badan.

    Wax bay noqon lahayd hadii 2-xisbi kaliya la diiwaan galiyo oo halkaas ku yaraato is an dhaqanka ka dhalanaysa xibiyada badan. Waxaa shaki ku jirin in qoys kasta furanayo dowr xisbi. Waxa arki doontaan xisbigii reer madax daanyeer iyo xisbigii reer madax deero iyo sodomeeyo kale oo lamid ah. Taasuna waxay dhalin tafaraq
    iyo tanasul la’aan aad u baxad weyn oo beelo hada ah walaalo ayaa dhexdoodu ka dhalan cadaawad dhaxal gal noqota oo dhowr fir socota.

    Xisbiyada badan waa dabin(khiyaamo) reer gaalbeed ee umada puntland iyo guud ahaan umada somaaliyeed lagu kala fogeynayo.

  8. Waxaan kaloo ku raacsanahay Abdirizak Abdirizak in reer puntland aysan waxnana dheereyn qaabaailada kale ee somaaliyeed ee ku hungoobay jaha wareerka dhexdoodo ka dhashay. Waxa kaliya ee reer puntland badbaadiyey waa dhaqankii oo aysan ka tagin. Taasna waxay kala mid yihiin somaliland. Somaliland waxay ku caana maashay dhaqanka. Faaiido la taaban karo kamaysan dhaxlin xisbiyada badan. Waa in puntland tusaale ka qaadato oo cashar ka barato dariskeeda ah somaliland si ay ugu dhicin dabinka shisheeye

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*