Dagaal ka dhacay jiidaha hore & Saldhigo la weeraray

MUQDISHO(P-TIMES)- Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in ay weerareen saldhig ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo, waxaana dagaalkaasi oo socday muddo uu sababay khasaarayaal kala duwan.

Dadka degmada qaarkood ayaa waxa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha kala gaaray maadaama ay ahayd xilli habeen ah oo aan wax badan la ogaan karin.

Taliyaha amniga magaalada Buurdhuubo Nuur Kediye Ibraahim ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay inay ka hortageen weerarkii ay kusoo qaadeen Al-Shabaab deegaanka isla markaana ay khasaare gaarsiiyeen sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uusan jirin wax khasaare ah oo dagaalkaas kasoo gaaray ciidamada xoogga maadaama ay markii horeba ciidanku hayeen xogta tilmaamaysa in xubno Shabaab ah kusoo wajahan yihiin.

Degmooyin badan oo ka tirsan gobolka Gedo oo ay hore ugu sugnaan jireen ciidamada Jubbaland ayaa waxaa hada gacanta ku haya ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana mararka qaar ay weeraro kala kulmeen ururka Al-Shabaab.

Xiisado siyaasadeed iyo dagaalo ayaa ka taagan gobolka Gedo, waxaana dhamaantood ay bilaabmeen markii dowladdu ay ciidamo gaysay halkaasi.

1 Comment

  1. Kenya Ayaa Diyaarado Ku Dukhayneeysa Shacabka Soomaaliyeed.

    Maxaytahay Sababta Ay Dowlada Soomaaliya U Weerareeyso, Magaalooyinka Iyo Gobolada Nabdoon??.

    *Sida Shabeelaha Hoose?
    * Shabeelaha Dhexe?
    *Hiiraan?
    * Gedo?
    * Jubda Hoose?
    * Muqdisho?
    * Bakool? Iyo Baay?
    Iyo Waliba Meelo Badan Oo Ay Nabadi Kajirto?

    Magaalooyinka Ay Ciidamada Shisheeye Xoogga Kuhaystaan”
    Ciidamada Soomaaliya Kama Dagaalamaan!! Laakiinse
    Magaalooyinka Shareecada Islaamka Lagu Maamulo” Ayay (Habeeyn Iyo Maalinba) Dagaal Joogto Ah Iyo Barakicin, Kuhayaan??.

    Waayaabe Nimanku Soow Mulimiin Ma’ahan??.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*