DEG DEG: Axmed Karaash oo diiday magacaabidii Golaha Wasiiradda ee xalay Siciid Deni magacaabay

GAROOWE(P-TIMES) – Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa goor dhaw soo saaray wareegto uu ku cadeynayo in aysan sharciyad aheyn golihii wasiiradda ee uu xalay magacaabay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ka dib markii uu sheegay in aan lagala tashan.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay in ay Puntland waqtigan ku jirto xaalado adag oo dhanka Ammanka & Caafimaadka ah, wuxuuna sheegay in talaabada la qaaday labaal-maray gabi ahaanba Dastuurka Puntland oo ogolaanaya in lala tashado.

“Xeer, Xeer hoosaad & wareegto kasta ee fulineed oo kasoo horjeeda Shareecaa Islaamka & Dastuurka Puntland waa waxba kama jiraan” ayaa lagu yiri wareegtadan.

Mr Karaash ayaa sheegay in wareegtada Madaxweyne Deni ee latashiga lagu xusay ay tahay been abuur-cad oo lagu xadgudbay Dastuurka Puntland, isagoo sheegay in talaabadaas ay muujinayso ku tubashada qodobada Dastuuriga ah, gar ahaana qodobka 80aad, farqadiisa 5aad iyo qodobka 81aad farqadiisa 2aad.

22 Comments

  1. SALAAMU CALEEKUM

    War Dameer ka Ul Uga saara GAROOWE.ninkaas VILLA SOOMAALIYA fariintii looga soo diray..

    Dhoobo Daareed meesha maray waa in la Mariya…

    Carabta ku maahmaahda: (اضطر الحمار وجيبوتي حمار ثاني)

    Aaway…Dhabancad… ha la siiyo Madaxweynaha Ku xigeenka isaga BOQOR DIINI la jaan qaadi Kara…

    BOQOR DIINI yaan laga xanaaJin.. ha lala shaqeeyo..

    WA BILAAHI TAEFIIQ

    • Karaash waa Iska hadloow ina igare yaaba la tashanaya meeshan waa puntland maaha tuuloyinkii dhulbahante hu isku daba yaaci jireen King dani AYAA KA TALIYA HADAAD AMARKIISA DIIDANA HALI DHOOBO MARAY AYAAD MARIN.

  2. yaab!,

    waan la tashaday iyo laylama tashan!,

    deni & karaash khilaafkiinu waa ka dareey,

    jaranjar ayaa la saaran yahay waana ninkii kasoo dhaca jaranjartaa,

    ninkii reeyaa ayaa reerka u hadhi miyaa xaalkiinu?,

    nin aduunyo joogow maxa aragti ku laaban!.

  3. Sharciga iyo tastuurku haduu dhigayo in uu madaxeynuhu la tashado kuxigeenkiisa waa muqadas in uu madaweynuhu latashi saeeyo.

  4. SALAAMU CALEEKUM

    CALIIZHA…

    Thank you… waad I saxday.. Haa waxaan ula jeeda.. BOQOR SACIID CABDULLAHI DENI..

    Thank you CALIIZHA..

    I support Dr. FAR OOLE
    I support Dr. Abdi Wali Gas.
    I support Dr. Said Abdullahi DENI

    Why…. because I am great supporter of PUNTLAND..

    VIVA PUNTLAND
    VIVA PUNTLAND
    VIVA PUNTLAND

  5. Sooma jeesta karaash waanu kuu sacabtumeynayaa ,waanu kuugu hambelyeyneynaa sidii geesinamada leh ee maleeshiyaadkii kaa amar qaadanayey aad duldhigtay madaxtooyada majeerteenia .
    Waa in aad meesha afgembidaa ama guulkasoo hoysaa oo aad xasuuqdaa kooxda araanjaan sidaana lagu kala yaaco

  6. CALIIZHA

    Ha qaldamin… Vice President is ceremonial position. Vice President is powerless when the President is in home. Vice President can exercise power when the President is out of PUNTLAND in condition that he has full mondotary authorization from the President.

    DHULBAHANTE waa cawaan waxna qorin.
    Waxana akhrin..

    WA BILAAHI TAWFIIQ

  7. Walle dheglaa salagle!
    Arrintu latashi ka weyn.

    Waxaan filayaa latashiga dastuurka ku xusani waa ogeysiin uun, ee ma aha inuu tasdiiqiyo amase diido madaxweyne ku-xigeenku. Maxay macne ah oo sameynaysaa jagada madaxweynenimadu haddii tallaabo kasto ku-xigeenkiisu veto saaro.

    Jagada Madaxweyne ku-xigeenka sideedaba waxaa la yiraahdaa fifth wheel oo wuxuu u taagan yahay inuu sii qabto xilka haddii madaxweynuhu geeriyoodo amase duruuf kale awgeed xilka gudanwaayo.

    Sida Deni u magacaabay xilal kale iyadoo tii hore la isku haysto, waxay tusaysaa sida uusan il uga faashanayn Karaash.

    Waxaan u maleyn in Deni fahamsan yahay in Villa Somalia steerinka gadaal uga hayso Karaash. Haddii ay sidaa tahay waa inuu meeshaa ka baxaa — mooshin ama afcas hadday huriweydo.

  8. Ciid Mubaarak gidigiinba.

    Siday xaaladu u egyahay, Deni wuxuu goostay in uu Karaash ka takhaluso gar iyo gardoroba. Ciidiina waabey usoo degdegtay.

    Gudoomiya Baarlamaanka iyo kooxda uu wato ee leh waxbaanu dhexdhexaadineynaa waxey u muuqdaan in ay Karaash la meereysanayaa Illaa iyo ay mooshin ka keenayaan oo ay xilka ka xayuubinayaan.

    Anagaa Lana odhan jirey waanu Isla meereysanaa. Shoodhe Somaliland iyana ismeereyskii wey ka garaaduate garowdey imika.

    Filku waa musalsal. Wuu inoo soconayaa. Part 1 baa dhamaatey. Qeybtii labaad baa soo gashey. Ta sadexaadna filo eharaaraha fooda inagu soo haya. Tolow qeybta 4 ma gaadhi doonaa mise halkaas ayaa lagu kala baxayay.

    Gaalada waxey tidhaa taas oo kale short series.

  9. Karaash toos ayuu uwashay waxuu leyahay ninkii dhulbahanye ah aniga bes aya magacabi kara diidina kara o ninka beshisa anaka masuul ah hayee adiga dhulbanahye bes miyaad metashaa mise rer puntland o dhan sidiila shegayey ninkan villasomalia ayala dhex guuceysa hadey run noqoto o talada qaadayo waan hubaa inu iska huleeli doono. Lakiin inlala taahado xaq ayuu uleyahay asagana madhihi karo ninkan rabo ayan keensan

  10. Wareegtada labaad uu soo saarey Deni waxay muujineysaa in Karaash uu sii socdo by any means.
    Waxaan kuu aqaan reerka Majeerteyn weliba Ciise Maxamud iyo Cusmaan Maxamud gar iyo gardaro waxay isugu raacaan si indho la’aan ah.
    Waxaan maqley in Karaash ay la hadleyn odayaal Ciise Maxamuud ah kana dalbadeyn in uu si dhaqso leh uga dulqaado ciidamada uu keeney duleedka Garowe.. Waxay ku yiraahdeyn ninka aad is heysaan magaalada uu ka soo jeedo waa Qardho ee halkaas ciidamadaada la aad. Waxay ku yiraahdeyn lama rabno Garowe wax dhibaato ah.
    Haddii uu Karaash ka dhigo adeego dalabka Ciise Maxamud waxaan shaki ku jirin in uu dhacayo gadaal sanado badan laga sheekeeyo ay suurtagal tahay in uu Karaash ku dhinto dagaalkaad Dhulbahantana uga dhammaato Puntland.

  11. Karaash Puntland ma ku maribaa mise xaq ayuu u leeyahay Puntland in uu xil ka qabto Laguna ixtiraamo.

    Reer Puntland labo mid hasoo galeen. In ay Karaash ixtiraamaan oo sida Dastuurku dhigayo uu Deni ula tashado si dhab ah. Iyo iney dee warka dhiisha ka cadeeyaan oo ay yidhaahdaan adeerow meesha marti baad ku tahay ee iska fadhi oo mushaharadaada guro, iskana aamus. Hadii kale iska tag oo shidadaada nala dhaaf.

  12. Dhamaan dadka Muslimiinta ah inta ciiday hambalyo ayaan leyahay & ciid mubaarak.

    @Caliizha adiguna hambalyo kuu gaara hawada ka qabso. Farxad ku ciid xaajiyo.kkk

  13. Acww Somali Maxamed ciid mubaarak
    Illahay dhib hanaga hayo.Arrintani waxay cadayn u tahay in Federal system qabiilka ku salaysan we Malez keenay Gabre fuliyay MJ kaliyana ay ugu baxdo lasoo dahmaayo.Federal waa wax isku darsi,sidaa darteed Karaash marti ma ahan sidoo kale Ciise Maxamuud xaq uma lahan in ay yiraahdaan inagaa leg Garawe waa caasimada Puntland Puntland yaan MS dhib u horseedin waa khasab dadtuuri ah in uu la tashi sameeyo hadduu diido la tashiga Deni wuu qaldan yahay.
    Ta ah villa Somaliya ayaa wax ka of uma malaynaayo just MJ un baa lagu abaabulaa Hawiye iyo MR taana dad badan ayaa fahansan been in ay tahay

  14. War nimanyahow Majeerteen arrinta qaboojiya oo ka dhiga, Gacmo Geeljireed hoos baa loo dhaqaa.

    Oo sida aad Jubaland Hartinimo ugu joogtaan, halgaana wax isugu quuro oo
    “Xeer Hartiyeed” arrinta ku dhameeya. (Xeer Ciise)

    Tankale, Axmed Karaash Gaas ayaay wada shaqeeyeen oo aan filayaa in aay is fahmi kaan oo ah nin reer Mudug ah oo ka daacadsan nimankan Gaagaaban ee reer Bariye ha loo diro.

  15. Dadka qaarkood waxay u hadlayaan oo aad moodaa in ciid labaad u dhalatay.

    War fidno lama jeclaado. Fidnadii puntland ka dilaacda waxay saameyn somaali oo dhan.

    Tan kale hadii puntland lagu kala tagayo waxaa kala tagin ilma harti. Khasaaraha ugu weyna waxay soo gaarin labada bahood oo yar oo lahaystayaal noqonaya. Cidii dhaxashana kama faiidimeyso oo har iyo habeen harsan mahayaan, ilaa iyo inta ay dalow ka wada dhacayaan.
    Tan ku xigtana waa Somali oo dhan oo kala hayaanta.

    Qaar xabashi ayaa dhaxlin. Qaarna Kenyan iyo cidii kale ee calaf u galo.

    Markaan wax indha indheeyey waxaa ii muuqtay ama u badan tahay in majeerteen kaliya ka badbaadayo inta somali sheegata.
    Shaki’na kuma jiro in majeerteen soo celinayo magacii hore ee dhulkooda loo yaqaaney oo ahaa majeertenia maadaama aysan jirin cid dambe ee ay xulufo yihiin.

    Sababta fikirkaas igu dhalisay waa wax aan xaadir u ahayn in aan ka faaloodo wakhtigaan lagu jiro.

    Somaliyey waxaa kheyrku inku jiraa in aad midowdaan oo garbaha isqabsatan inta aad fursada haysataan. hadii kale sidii cali-beysteeynka America ayaa xeryo niliku xareyn.

    Hadii aad u haysataan in uusan jirin qorshaha niliku xareynayo xeryaha waxaad ka lidataan xoolaha. Bal eega badiina iyo maraakibts iyo ciidamada shisheeye ee kor hoganaya. Waxay sugayaan markii lagu dhawaaqo in Somali tahay “NO MAN’S LAND” oo cidba qaybta ay awood u hesho qabsato.

    Ethiopia iyo Kenya ayaguna ma ka gaabimahayaan kuwa bada jooga oo daxalkood wey ka helin ninka bakhtiyey ee loo yaqaaney somali.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*