“Deni & Karaash, waxay balan-qaadeen in ay kulmi-doonaan”

Mas’uuliyiinta dalladda ay ku mideysan yihiin ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland ayaa dadaal ugu jira sidii ay u xallin lahaayeen khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaabi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash).

Labada hoggaamiye ayaa ku kala booday kala qeybsiga awoodda iyo maamulka, wuxuuna ismaandhaafkooda soo xoogeysanayay isbuucyadii lasoo dhaafay.

Gudoomiyaha dalladda bulshada rayidka ee Puntland Feysal Axmed Warsame oo BBC-da u waramay ayaa rajo ka muujiyay in ay ku guulstaan waanwaan ay ka dhex wadaan labada mas’uul.

Kulamo ay la kala yeesheen ayuu sheegay “inay labaduba ku muujiyeen sida ay diyaar ugu hiyiin inay soo afjaraan farqiga u dhaxeeya”.

“Annagu markii hore shir baan yeelannay, haddii aan nahay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, waxaana go’aan ku gaarnay inaan arrintaas galno, markii aan u tagnay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka labadaba waxaan kala kulannay soo dhaweyn iyo qaddarin. Waxaan ka wada hadalnay in xiisadda la dajiyo oo ay iyagu wadahadlaan, sidaasna waxay nooga ballan qaadeen inay heshiiyaan,” ayuu yiri Faysal.

“Waxaan u sheegnay inay yihiin madaxdii lasoo doortay oo looga fadhiyay inay horumar gaarsiiyaan siyaasadda iyo dhaqaalaha Puntland.”

‘Dood maamul’

Guddmoomiyaha dalladda ururrada bulshada, Faysal Axmed, ayaa sidoo kale sheegay in Deni iyo Karaash ay ka filayaan inay maalmaha soo socda soo gabagabeyn doonaan “ismariwaagooda”.

“Ujeedkeennu wuxuu ahaa inaan isu soo dhaweyno oo gacanmaca isu galinno, laakiin maadaama ay maamul iyo dowladnimo jiraan, iyaguna ay odayaashii xukunka hayay yihiin, waxay naga ballan qaadeen inay kulmi doonaan maalmaha soo socda, oo iyaga uun ay isu imaananayaan maadaama doodda u dhaxeysa ay tahay mid maamul oo aysan ahayn mid shakhsi ahaan ugu dhaxeysa.”

“Baraha bulshada ayaa isku sii diray”

Dhinaca kale wuxuu Faysal sheegay in khilaafka u dhaxeeya labada hoggaamiye ay saameyn ku leeyihiin baraha xiriirka bulshada.

“Khilaafku ma aha mid cusub oo wuxuu soo dhici jiray intii ay xireen maamulladii madaxdii hore ee Puntland, sidaasoo ay tahayna way socdeen dowladnimada iyo nidaamku. Laakiin caqabadda aan annagu hadda aad u dareemeynay waa arrinta baraha bulshada – oo cidna aysan xukumin – oo aan isleennahay waxay qeybta ugu weyn ka qaadanayaan labada oday isku dirkooda.”

Khilaafka labada mas’uul ee ugu sarreysa Puntland ayaa bannaanka yimid kadib markii 14-kii bishan May uu madaxweyne kuxigeenka kasoo horjeestay magacaabista taliyaha iyo taliye kuxigeenka madaxtooyada Puntland oo uu magacaabay madaxweyne Deni.

Mudane Karaash ayaa sheegay in aan lagala tashan magacaabistaasi.

“Waxaan qoonsaday [magacaabista] taliyaha madaxtooyada. Madaxtooyadu waa meel naga dhaxaysa oo aan u wada shaqo tagno, wada joogno, wada maamulno. Madaxweynuhu markuu wiilkiisa keensaday, wiilkii aan anigu keenayna uu meeshii ka eryay, marka dee meel la isku haleyn karaba ma ah,” ayuu BBC-da u sheegay Axmed Karaash.

Xafiiska madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni oo aan u bandhignay eedeymaha loo jeediyay ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo.

Balse waraysi uu maalin ka hore madaxweyne Deni siiyay telefishinka BBC Somali ayaa waxa uu ku sheegay in asagu uu leeyahay go’aanka magacaabista xilalka.

“Nidaamka dastuurka ah ayaa waxa uu na farayaa marka la magacaabayo golaha wasiirrada iyo waxyaabaha la midka ah in laga wadatashado oo aan talo weydiiyo, laakin go’aanka uu madaxweynuhu leeyahay,” ayuu yiri Siciid Cabdullahi Deni.

Isfahanwaaga labada mas’uul ayaa meel adag gaaray kadib markii 22-kii bishan uu madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni magacaabay wasiirro iyo wasiirro kuxigeen, kuwaasoo uu sheegay inuu kala tashaday madaxweyne kuxigeenka.

Hase ahaatee, Axmed Karaash ayaa beeniyay in lagala tashaday magacaabista wasiiraddaasi.

12 Comments

  1. Aniga iyo akhyaarta dhabta ah ee aynu mareegtadan xerta ku nahay aynu jihada laga soo abbaarayo ku kala geddisanaano ee hadafka iyo halganka badbaadinta dagalladeena iyo dalkeena maan iyo mowqif ba waynu ka simannahay xaqiiqdii. Labo qodob ayaan boggan iyaga oo mukhtasar ah soo dhigayaa.

    1. Kan dagalladeena iyo tolkeena ka dhashay iyo kan meeshan qariibka ku ah waxaan xasuusinayaa in aad looga fiican yahay in ay raggu dumarka sidooda mar kasta tirsadaan oo hadallada aan munaasabka ahayn iyo aflagaaddada is daba taagnaadaan. Ninkii dood halkan soo dhiga kan ku raacsani ama ha muujiyo ama se ha aamuso, kan dabuub ka qaba se si ilbaxnimo iyo anshax wanaagsan lagu suntay ha ugu raddiyo. Aan ahayn sow ma aha, akhyaarta kale bogga ha u banneeyo.

    2. Kuwa (haddii ba ay ka dhab tahay) afka beesha Dhulbahante ku hadlaya ee la dawakhsan in Deni iyo Karaash uu khilaaf soo kala dhex galay maankooda gurracan dib ha u saxeen. Waxa uu khilaafku ka dhex taagan yahay waa shakhsiyaad siyaasiyiin ah. Ma aha beelaha ay ka soo jeedaan. In markaasi ama beelaha islaameed la iska jaa’ifeysto ama dhiilo colaadeed la isugu habar wacdo jaahilnimada ugu xun ayay runtii ka tarjumaysaa. Hawraarta baabka khuseeya ha lala beegsado oo ha lagu koobo.

  2. Sideeda ba dowladnimadu ma aha nadaam isir, hayb, mise caqiido ku saleysan. Waa nadaam ismaamuleed ee ay wadaagaan dad dagal mise dal ku wada dhaqan. Nadamkani waxaa gundhig iyo tiirar ba u ah baahiyaha, duruufaha, iyo danaha aadminimo ee ay dadkaasu ka wada siman yihiin oo xayaatadooda isku guntaya – miyi iyo magaalo ba.

    Haddaba, beelaha Puntland isku baheystay iyaga oo xataa wax Soomaalinimo guud ka sokeeya aan wadaagin ayay heli karaan oo haleeli karaan in ay isku maamulaan nadaam dowli ah ee ay tayadiisu aad u sarreyso oo dhammaantood anfaca, waayo muhiimaddu waa haqabtirka baahiyaha, duruufaha, iyo danaha aadminimo ee ka dhexeeya. Haddii se ay dhacday in ay wax Soomaalinimada ka sokeeya wadaagaan kun jeer ayay uga sii sahlan tahay oo uguna sii fiicantahay in ay dowladnimadaas nolosha ugu heer sarreysa ku gaaraan oo ay bashbash iyo barwaaqo ka wada dheefsadaan.

    Nadaamla dowliga ayaa ku laazimaya in ay dhan walba iska kaashadaan oo ay waxna iskugu darsadaan. Jagooyinku waa astaamo ee macno dhab ah kuma fadhiyaan. Muhiimaddu waa iskaashiga bulsheed iyo wax wada qabsiga wadareed ee dadka nadaamkaas isku baheystay. Dib iyo dheef ba way u wada siman yihiin.

  3. Puntland taxadar taxadar taxadar ahaada.. Fahad Yaasiin iyo Alshabaab iskaashanaya waxay soo wadaan qarax ismiidaamin ah oo lala beegsanayo mas’uul ka mid ah mas’uuliyiinta Puntland. Markani bartilmaameedku waa xildhibaanada, wasiirada, wasiir ku xigeenada, gaasimaayaasha dayacan oo aan feegjignaan qabin.
    Wararku waxay nagu soo gaarayaan in Fahad Yaasiin iyo Alshabaab adeegsanrabaan dad dhulbahante ah sidii kal hor dhacdey wiilkii yaraa ee diley Sheekh Cabdulqaadir Gacamey AUN. Waa in aad loo feejignaadaa It’s a matter of short time in operation kaan laga fuliyo shan magaalo mid ka mid ah Boosaso,Garowe, Burtinle, Galkacayo iyo Garacad….. Weliba diiradda waxay aad u saaraan tahay magaalada Garacad iyadoo ladoonayo in lacarqadaleeyo dhismaha dekadda Garacad….

  4. @Abdirazak Abdirazak,

    Saaxiib sida aan garanayo Fahad Yaasiin waxuu ka dhashay beesha Reer-Aw-Xassan oo waa nin siyaasadda miizaan weyn ku leh. Sida aan hubo Reer-Aw-Xassanku reer tolkeena Ogaadeen ayay sida qaalibka ah oodwadaag yihiin oo Daaroodka aad ayay runtii u jecel yihiin oo una qaddariyaan. Soomaalida uugu muslimsan ee uguna xasaradda yar na waa lagu tiriyaa.

    Sidaasi aawadeeda ayay aniga ii cuntami la’dahay in uu Fahad Yaasiin haba yarato ee maleegayo dhibato Puntland lagu waxyeelleeynayo sida aad taxadarka noogu galisay. Ma wax aynaan ka war qabin oo shakhsigan ku saabsan baa jira? Reer-Aw-Xassanku waa culimo aanay waxaasu ka suuroobin ayay aniga i la tahay saaxiib. Bal wax noo sheeg adiga oo ku mahadsan.

  5. Karaash oo kama danbeystii Deni Kaatunkiisa Dhunkan doona. Personally. Eesh calaa. Bravo. Belo Belo. Kkkkk

    Deni gacanbaan u taagey. Imika wixii laga bilaabo ma Jiro doono Nin danbe oo Kursiga kula fadhiisan doona.

    Waxaba wadada ku qulquli. Kkkkkk

  6. Haddii ay cidi beesha Dhulbahante hoostaas ka soo hurinayso sida uu malahaygu yahay waa Farmaajo oo sida igu maqaalaha ahi ay reer abti u yihiin. Waxaan isleeyahay abtinimada ayuu ugu awrkacsanayaa in uu Puntland iyo Jubbaland daakhilka ka soo curyaamiyo maadaama ay caqabadda ugu weyn isaga ku noqdeen.

    Farmaajo maadaama uu noqday damiir laawe ay tolkii soke ee uu ka dhashay ba qorigii iyo waxiisii la sheegi jiray sidooda iska tuureen waxaan aaminsanahay in ay ka tustay kaartada ah Hartiga dhexdooda isku jabi oo Dhulbahantaha abtinimo ku beerxalawso oo ku hiyikacso berisamaadkii dowladdii kacaanka ka soo maray.

  7. War jiraaba cakaaruu iman.

    Waar markaan is iri wax qor waaba fadhinwaayey meesha QADHMUUN keeda, waayo KALLUUN KALLUUN baa iiga soo uray! DARAAWIISHTU nin kalluun dabato ah isma fahmi karaan oo waxna ma wadaagi karaan ee meesha nagu kala kaxeeya.

  8. Deni iyo karasha waa labada masuul ee ugu xil sareeya puntland. Waxayna xilka ku heleen rabitaan dadweyne. Waxay ahayd in ay isu noqdaan garab iyo gaashaan oo shaqada culus ee sicibku garbaha u saaray ku mashquulaan oo aysan wakhtiga qaaliga ah ee shicibka aysan lumin.

    Is-xagxagashadaan dexdooda taala waxay ka marag kacaysaa in midkoodna shaqo subuxii usoo toosin.

    Waxay heleen wakhti fara badan oo midba fiirsado midka kale fikirkiisa iyo ficilkiisa iyo fiiradiisa iyo fariisinkiisa.

    Hadii ay ahaan lahaayeen nashquul maysan heleen wakhti ay ku mashquulaan ficil doocileed fashil u horseeda.

    Waxaan labadoodaba ku leeyahay

    GROW UP AND ACT ACCORDING TO YOUR STATUS. OTHERWISE RESIGN BOTH OF YOU. WE CAN CALL FOR ANOTHER ELECTION IN NO TIME AND GET A BETTER REPLACEMENT.

  9. Deni iyo karaashow fariintan ka fakara.

    facay baan feerey ma aha wax lagu faano oo cidna farxad gelin meyso hadeysan salka ku hayn firfircooni iyo fiijignaan falaarta ku fiiqaysa fidnada iyo ficilada foosha xun ee ay fulayadu ka fuliyaan wadanka.

    Looma baahna falxumo iyo fadhiwaa siyaasadeed ee fadlan fiiro dheer u yeesha in aydan sababin firxad ku yimaada fir wadaagta puntland

  10. SAYID BOODHARI

    dan ha u galin kuwa is leh wax baad khaldi kadhaan.

    Shaqsiga ay khaldaan awalba caaqibo ma lahayn oo waa calaan cawska cuna.

    Waan ogahay in halkaan iskugu habar wacdeen kii maskaxda ka jiranaa iyo kii caloosha ka jiranaa iyo kii quluubta ka jiranaa

  11. SALAAMU CALEEKUM

    Anigo waxaan qabaa in khilaafkaani uusan xal Lahayn… Ilaa meesha laga saaro Afkhushuushleey .. KARAASH..

    Waayo, KARAASH.. ma aha nin ku duulaya fikirkiisa..

    KARAASH.. waxaa dabada ka riixayaa XAAR FARMAAJO iyo kooxdiisa.

    Ninkii nacaska ahaa oo lumay.. oo la soo helay.. ayaa yidhi: (MAXAA LA I SOO HELAA, BERRIBA WAA LUNMIN).

    Hadda maxaad heshiishsiisaan berriba khilafaadku waa soo noqona..

    Xalka waarra.. Waxaa weeye.. KARAASH oo meesha laga saaro.. oo madaxweyni ku xigeena loo magacaabo WASIIR DHABAN-CAD..

    PUNTLAND horumar, Kala dambeen beey u baahan tahay..

    PUNTLAND doesn’t need political uncertainty, instability..

    PUNTLAND needs political stability, tranquility and permanent peace.

    VIVA PUNTLAND
    VIVA PUNTLAND
    VIVA PUNTLAND

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*