DHAGAYSO:Galmudug oo ku dhawaaqay dagaal cusub & Wasiir Fiqi oo shaaciyey

DHUUSAMAREEB(P-TIMES)- Xili ururka Al-Shabaab uu ka fuliyey qaybo kamid ah gobolka Mudug weeraro kala duwan ayaa waxaa arimahaasi ka hadlay wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Al-Shabaab ay haystaan deegaano badan oo kamid ah Galmudug ay ku nool yihiin dad badan oo ku sugan dhibaatooyin kala duwan, kuwaas oo loo diyaariyey qorshe amaan oo xoogan.

Waxaa uu sheegay inay Galmudug oo kaashanaya ciidamada dowladda ay la imaanayaan qorsho amni diyaarna u yihiin inay la yimaadaan qorshooyin lagu sugayo amniga.

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa shaacisay in diyaar ay u tahay inay bilaawdo howlgalo ka dhan ah ururka Al-Shabaab, kuwaas oo looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug.

Al-shabaab oo ku sugan qaybo kamid ah Galmudug ayaa weeraro iyo qaraxyo waxa ay ka fulisaa gobolka Mudug, waxaana qaraxii ugu dambeeyey ku dhintay gudoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland iyo ilaaladiisii.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO CODKA

2 Comments

    • Ma Hooyadaa baad dhabtaa, mise aabahaa baa ku Dhabi jiray, wallaahi adiga ayaa wacal u dhow, magacaaga baaba not sheegaya

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*