Dowladda federaalka Somalia oo ku dhawaaqday in beri ay tahay Ciid

MUQDISHO(P-TIMES)- Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay goor dhoweyd in maalinta beri ah ay tahay maalinta koowaad Ciidul Fidriga.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay munaasibada Ciida, halka ay ku boorisay in ay si nabadgalyo u Ciidaan.

Culimada Soomaaliyeed qaarkood ayaa iyaguna shaaciyey in maalinta beri ah ay tahay Ciid, waxaana kamid ah culimadaasi Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Magaalooyin kamid ah dalalka Soomaaliya, Ethiopia iyo Kenya ayaa laga oogay takbiirta Ciida, kadib markii bisha laga arkay magaalooyinka Kismaayo, JigJiga iyo Nairobi.

Kolkii hore ayaa loo badinayey in maalinta beri ah aysan ahayn Ciid, waxaana shacabku ay isla dhex marayeen in maalinta Axada ah ay tahay maalinta Ciidu.i

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*