Gaalkacyo oo dagaal ka dhacay & Saldhig ciidan oo la weeraray

GAROWE(P-TIMES)- Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in iska hor imaad culus uu ka dhacay Koonfurta magaaladaasi Gaalkacyo.

Iska hor imaadkani ayaa dhex maray dablay hubaysan iyo ciidamada DANAB ee dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana dagaalkani uu yimid kadib markii dablaydaasi gubaysan ay weerareen saldhig ay leeyihiin ciidamada dowladda ee DANAB iyo laamaha amaanka gobolka Mudug.

Inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi ayaa waxaa hadana la sheegay in ciidamadu ay xidheen qof lagu tuhmayn in uu qayb ka ahaa weerarkaasi.

Baadhitaano ayaa la sheegay in lagu wado shakhsiga laga shakiyey, kuwaas oo la xidhiidha halka laga soo abaabulay weerarka.

Dhawaan ayey markii Al-shabaab ay qarax ku dileen gudaha Gaalkacyo gudoomiyihii gobolka Mudug, halka weeraro kala duwan ka fuliyeen isla gobolka kuwaas oo masuuliyadooda ay sheegteen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*