Ilaalo Axmed Madoobe oo arin aan la filayn ka sameeyey Kismaayo

KISMAAYO(P-TIMES)- Ciidamo ka tirsan ilaalada madaxtooyada Jubbaland ayaa xalay guri ku yaal magaalada Kismaayo kala baxday Aamino Shukri Ibraahim oo ka tirsanayd golaha is bedel doonka Jubbaland.

Golaha isbedel doonka Jubbaland ayaa waxaa madaxweyne u ahaa Cabdirashiid Xidig oo la heshiiyay Axmed Madoobe, balse waxaa heshiiskaas diidan qaar kamid ah xubnihii Xidig hogaanka ka dhigtay markii hore kuwaas oo ay qayb ka ahayd  Aamino Shukri.

Lama oga ciidamada madaxtooyada Jubbaland halka ay la aadeen Aamino Shukri, hasa yeeshee eheladeeda ayaa sheegay in weli aysan garanayn warna ka helin halka lala aaday gabadhooda.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli tiro dhowr jeer ah uu madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ku cel celiyay in wada hadal uu ku qanci doono cid kasta oo ka aragti duwan si xal loogu helo khilaafka ka jira Jubbaland.

2 Comments

  1. Axmed Madoobe Shaqadii (Ina Ileey) Reer Jig-Jiga Kuxasuuqay’
    Miyuu Kismaayo Kawadaa??

    Jeel Ogaadeen?? Ayaa Barina Kismaayo Lagu Arkidoonaa
    Hadii Aysan Soomaaliyi Axmed Madoobe Iska Xoreeynin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*