Kiisas hor leh oo laga helay Somaliland & Dhimasho dhacday

HARGEYSA(P-TIMES)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi Xergeeye oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 18 qof oo hor leh laga helay cudurka Coronavirus, taas oo tirada guud ee dadka laga helay cudurka ka dhigaysa 121 qof.

Waxa uu sheegay in hal qof oo dhimasho ah uu kusoo biiray kiisaska cudurka saasna ay ku tahay dhimashadu 9 qof.

Tirada dadka cudurka laga helay ayaa kala ah 9 rag ah iyo 9 dumar ah, kuwaas oo kasoo kala jeeda goboladda Togdheer, Daad Madheedh, Awal halka inta soo hadhayna ay ku sugan tahay magaalada Hargeysa sida uu sheegay agaasimuhu.

Mr. Xergeeye ayaa sheegay in 17 qof ay yihiin dadkaasi Somalilanders halka qofka soo hadhayna uu yahay muwaadin u dhashay dalka Bangladesh, waxaana uu xusay agaasimuhu in dadka la baadhay maanta ay dhanaayeen 40 qof lagana helay cudurka 18 qof.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*