M/weynaha Puntland oo magacaabay Wasiiro & Wasiir kuxigeeno.

Garoowe: 22 May 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.45 ee 22d May 2020 kuna saabsan magacaabid Wasiiro iyo Wasiiro Ku xigeeno ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo

Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

1. Waxaa Eng. Cabdullahi Cali Xirsi (Timacade) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo dalxiiska

2. Waxaa Eng. Maxamuud Xaaji Saalax loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda

3. Waxaa Cabdi Ibrahim Warsame (Qawdhan) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda

4. Waxaa Ismaacil Saleeban Geelle loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDRta

5. Waxaa Axmed Siciid Ismaciil (Qolombe) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Biyaha, Tamarta iyo Macdanta

6. Waxaa Saynab Ismaciil Maxamed loo magacaabay Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Deeganka, Beeraha iyo Isbadalka Cimiladda

7. Waxaa Maxamed Axmed Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha

8. Waxaa Cabdiqani Axmed Ismaciil (Deero Dile) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Xirirka Caalamiga ah iyo Horumarinta Dhaqalaha.

7 Comments

  1. Intii Karaash u watay waa la xaraashay!kkk kkk kkk Waa laysu awood sheegtay.

    Xalay Garoowe waxaa ka dhacay dood siyaasadeed ay ciyaar-yahanada Puntland dhinaca siyaasada uga ciyaara serie A ka qaybgaleen. Karaash serie C la ciyaar baa la dhahay oo albaabkaba lagama furin!

    kkk kkk kkk

  2. Adeer Axmed Karaash Garoowe isagaa oday iyo madax ka ah, waa nin Puntland qadarin iyo magac ku leh, Macalin Siciid Deni waa laga gar leeyahay laakiin gari ma gasho garina kama baxdo dadkii oo dhan waa ka tala diiday, wadanka taladiisii wuxuu u gacan geliyay koox yar oo qawlaysato ah, dastuurka buu ku tuman Farmaajona wuxuu ku eedeeyaa inuu dastuurkii ku tuntay oo macangag yahay.
    MAROODIGU TAKARTA SAARAN MA ARKO EE KAN KALE MIDA SAARAN BUU ARKAA.
    Ilaahay Soomaali xaqa ha tuso.
    Aamiin.

  3. Wasiir ku-xigeennadu ma kuwo cusub baa? Immisaa ah reer Sool & Cayn? Ma dhici kartaa in ay tahay xeer-jababka lala galay Karaash?

    Qoladii ku doodaysay Qowdhan baa lagu beddelayaa Karaash, sow ma cadda inay wadeen propaganda?

    Deni waa bani’aadam oo khalad waa gali karaa, waxaanse ku ayidsannahay go’aanka adag ee uu ka qaatay iyo sida uu sutida ugu hayo Farmaajo aammusane afagarooc iyo faataadhugle Khayrre.

  4. Waxaan aad uga xumahay waxa macno la’aanta o Starbucksyada lala fadhiyo iyo dowladnimada in la isku qaldo. Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku wey is qaban karaan sababta u ah dan iyo hawl baa ka dhaxeysa lakiin danta umadu waa muqadis in la wada shaqeeyo. Macno weyn ma laha in qabiil lagu ordo markii la is qabto hanaan iyo sharci dowladnimo o loo siman yahay baa Puntland yaala. Qabiilka iyo macno darada suuqa lala ordayo waa iska macno la’aan.

  5. Kkkl dhulbahante waxaan u bixiyey QAWLAYSATO waa qabiil aan ka aqli yar sabiga kana hunguri badan shurwaaga kana fulaysan deerada.iddoor oo hantiyey sool iyo ceerigaabo Ina jeedaan majeerteen bay jileec Kyi naxariis bideen ogaadana dhib iyo lugooyo bay puntland la joogaan maray hubka la goostaan maray idoor soo raacaan maray dadka isku diraan dhexdoodana heshiis maaha DENI ha ka tashado xargaha ha loo jaro canshuur ma bixiyaan dhibaatada way la jomgaan camey halagu tubaako qaato

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*