Madaxweyne Waare oo ka hadlay dil wadareed ka dhacay G. Shabellaha Dhexe

MUQDISHO(P-TIMES)- Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si kuluul uga hadlay dhacdo lagu dilay 8 dhalinyaro ah, kuwaas oo ah dhakhaatiir laguna dilay deegaanka Gololeey ee degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Waare oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu ku sheegay in uu aad uga xun yahay dilkaas, hayeeshee si rasmi ah ugama hadlin talabada ay qaadayaan maadaama falkaasi uu ka dhacay deegaanada Hir-Shabeelle.

“Waxaa isoo gaaray khabar naxdin leh: in la laayey 8 dhalinyaro ah oo ka shaqaynayey caafimaadka degaanka Gololeey ee degmada Balcad. Waxaan Illaahay uga baryayaa naxariis iyo in kuwa gar darada ku dilay asagaa caadil ehe maalinta qiyaamo uga gooyo xaqooda” ayuu yidhi Madaxweyne Waare.

Dad isugu jira siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan gollaha shacabka ayaa si kuluul waxa ay uga hadleen dil wadareedka loo gaystay dhalinyarada ka hawlgalayay xarun MCH ah oo ku taala deegaanka Gololeey ee degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*