Mid kamid ah wasiiradii uu ku dhacay cudurka Coronavirus oo war cusub kasoo kordhay & Madaxweyne Denni oo…..

BOSASO(P-TIMES)- Wararka aan ka helayno madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe ayaa sheegaya in diyaarad gaar ah ayaa loo dalbay Wasiirka Deegaanka Puntland Prof. Ismaaciil Diiriye Gamaadiid oo ka tirsan gollaha xukuunadda Puntland, kaas oo xaaladiisa caafimaad wax looga qaban kari waayey gudaha Puntland.

Wasiirka ayaa waxaa hore ugu dhacay cudurka Coronavirus, hasa yeeshee waa uu ka bogday balse waxa uu kaga tagay dhaawac la xidhiidha dhanka Sambabada.

Dhaawacan uu ku sababay cudurku wasiir Gamaadiid ayaa waxa uu waxyeelo u gaystay xubnaha neefta qofka sahla sida ay sheegeen dhakhaatiirtu, waxaana uu dalbaday diyaarad uu ku tago magaalada Muqdisho si uu ugu sii gudbo dalka Turkiga si xaaladiisa wax looga qabto.

Shirkaddaha Diyaaradaha ayaa diiday dalabka wasiirka, waxaana madaxweynaha Puntland uu amar ku bixiyey in la diyaariyo diyaarad khaas ah oo qaada wasiirka.

Bukaanka ayaa 48-kii saac ee lasoo dhaafay ay diideen in ay Muqdisho geeyaan diyaaradaha rakaabka ah, balse madaxweynaha Puntland ayaa amray in duulimaad gaar ah loo kireeyo, taas oo ka qaadaysa wasiirka Garowe gaynaysana Muqdisho halka loo diyaariyey safar Turkiga si wax looga qabto xaaladiisa caafimaad.

Mr. Gamaadiid ayaa kamid ahaa xubnihii Qardho gurmadka u tagay balse cudurka kasoo qaaday, waxaana muddo uu karantiil ku ahaa gurigiisa halka uu cudurka ka bogsaday saamayna uu kaga tagay dhanka sambabada.

4 Comments

  1. Wasiirka wasarada Beraha & warabka puntland Dr.Ismaciil Diriye Gamadiid(Ismaciil dhagaweyne) ilahay ha cafiyo,waxuu aha nin shaqadisa uhelan oo firfircoon waxan huba in uu aha nin shaqadisa yaqan oo wax wen uso qabtay mamulka puntland ilahay cafimad sareca hasiyo,Madaxweyne Saciid Danni wa kumahadsan yahay in uu Diyarad khas ah ukiriyo si cafimadkisa ulatacalo ilahayna ha kuguleyo Aamiin.

  2. Ac. Waa laga fiican yahay arin caafimaad oo private ah inaad war ka dhigto, wax faa’iido ah oo qofka akhrista ah ka helayana ma jirto. Qofka bukaanka ah cafis weydiiso waa bil Ramadan.
    Ilaahow xaqa na tusi.
    Aamiin.

  3. Asc wasiir gamadiid Allah cafimaad tama siiyo waxuu ahaa nin aqoon iyo waayo aragnimo leh waa raganimo diyaar khaasa loo dalbay

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*