Muuse Biixi oo war cusub kasoo saaray deeqaha dowladda loo soo mariyo Somaliland

LAASCAANOOD(P-TIMES)- Madaxweynaha Somaliland oo maanta hadal ka jeediyay sannad-guurada 18-May oo ku beegan 1991-dii markii maamulkaasi ku dhawaaqay gooni goosadka ayaa mar kale ka hadlay mowqifka Somaliland ee ku aadan wada xaajoodka dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in hadii la doonayo wada hadal dhab ah oo dhex mara Somaliland iyo dowladda Soomaaliya ay marka hore shardi tahay in sidii laba dowladood oo daris ah loo wada hadlo.

Madaxweyne Biixi ayaa wuxuu sheegay in Somaliland aysan wax wada-xaajood ah la geli doonin dowladda Soomaaliya, inta mas’uuliyiinta Xamar joogta ay Somaliland ugu yeerayaan magaca “gobollada waqooyi ee Soomaaliya” taasina ay tahay xaqiraad sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wada hadalka labada dhinac ka hor ay tahay in laga heshiiyo Ajandaha laga wada-hadli doono, isagoo xusay in mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya aaminsan yihiin in midnimo oo keliya laga wada hadli karo halka Somaliland aaminsantahay in kala go’ oo keliya laga wada hadlo.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dhinaca kale soo jeediyay in dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ay maxkamad caalamiya isla tagaan, haddii wada-hadalka lagu heshiin waayo si ay u kala saarto.

16 Comments

  1. Halkan waxaan hambalyo mug iyo miisaan leh uga dirayaa Jamhuuriyada Barakeysan ee Somaliland. Dhamaan umada Somaliland ku Dhaqan, ciroole iyo caruurba. Madax iyo mijoba. Waxaan idin leeyahay guuleyst dafkeygoow. Sanadkan sanadkiisana Illaahay bashbash iyo barwaaqo ha’inagu gaadhsiiyo. Maansha Allaah.

    • ASC.
      Amiin,Amiin ducada loo diray reer soomaalilaan.Laakiin soomaalilaan waa gobal ka mida soomaaliweeyn.Kana sii mid ah maamul gobaleedyada soomaaliya.Taas weeye xaqiiqada dhabta ahu.Soomaalilaan waa maamul gobaleeyd ka midka kuwa soomaaliya.
      Intaasu cay iyo ceeb midna ma aha ee waa siday xaajo tahay.

  2. @@ Axmed:

    Meeshan ma ahan meel laga aaminsan yahay Jamhuuriyad la yiraahdo Somaliland ee ma weeysey meel Quraafaadkaa laga aaminsan yahay ood waxan ku malmaluuqdo,?!

  3. Gobanimadan iyo dul qaadkan waxaa laga helaa oo kali ah, Mareeg uu Daarood leeyahay.

    Bal car Qofoow booqo oo fikir Soomaaliya lagu ammaanayo ku qor Mareeg uu Iidoor leeyahay.

    Gunnimo careeysan oo aanan dheg la qabto lahayn ayaa indhaha kaaga dhaceeysa!! Kkkk

  4. Dadku iidoor mada aha wadankuna somalia mada aha anigu oo isaaq ka dhashay waxaan leeyahay walaalahayga somalia isku tashada oo dawlad mida noqda markaysomalia LA hadal istidhaahdo ay shan ka agkacayaan madaxweyne keliya yeesha walaayaal oo ciidan iyo lacag keliya yeesha oo iska daaya putland,jubaland,shabeleland,muqdisholand,gedoland

  5. Hambalyo hambalyo hambalyo 18may maalinta Qaranka Jamhuriyada Barakeysan ee Somaliland waa maalin kuweyn quluubta shacabka sharafta leh ee gobta reer Somaliland, Geediga Wadaay Geediga Wadaay Geediga Wadaay guushuna way dhowdahay, ciidamada Qaranka geesiyaasha Cadowga birta ka Asla Hambalyo ayaan iyagana u dirayaa. Guul iyo Gobanimo Somaliland 4Ever.

  6. RIWAAYADA ISAAQLAND WAA GEBOGEBO HEESTII UGU DAMABAYSAY AYAA SOCOTA MA MAQLI DOONTAAN, INSHAALLAH, BILOWGA 2021ST WAX LA YIRAAHDO ISQLAND, MUUSENA WAA OG YAHAY, WAALWAALATAYE XERADA GAL…

  7. @Somali Galbeed.
    Ma meeshii ayaa ku cuncunaysa Cuqdadii iyo xinkii iyo Xaasidnimadii dad aan ogahay La jiifaan,bal maxaad ku haysataa dadkaa sharafta leh ee wanaagaas samaystay hadaad i wax qabsan kari weydo dadka ha xasdin, iskadaa xasadka dadkanu waa dad somaaliyeed waana Ramadaan dhiigu yaanu kugu karin nacaybka yaan lagaa garan waa iga talo. Marlabaad Guul iyo Gobanimo Geediga Wadaay Geediga Wadaay ciidamada Qaranka geesiyaasha Cadowga birta ka Asla Hambalyo. Dhegaha ugu rida inaanay dhacayn midnimo dhegaha ugu rida.,, Somaliland 4Ever

  8. Xade

    Cuqdada iska dhaaf oo na soo hambalyee. Saasey raganimadu ku jidhaaye.

    Kan kalee magaceyga soo qaatey ee ihiida kaa hoos hayaana waa copy.

  9. @ Ahmed
    Mujaahid gudoonta Salaan happy 18 may all the Somailander, Nala Wadaag Farxada iyo wanaaga iyo barwaaqda Alah na siiyey, maanta oo kale waxaa Shuban iyo cuqdad iyo Niic meel kasoo Indhaxun kuwii uurka ka bukey ee Xaasidnimadu biyo dhigatay Ilaahay Ishooda haynaga Duco Ducufada indhaha wada godan. Geediga Wadaay Geediga Wadaay dhegehana ugu rida inaanay dhacayn midnimo dhegaha. Happy day, proud to be Somalilander, SL forever.

  10. Gaadh Haye

    Hambalyo gidigeenba. Horumar iyo hore’u socod ayaa inoo balan.

    Sxb la soco magaca Ahmed ee cobiga lagala daalay waa iska badalayaa imikana waxaan kusoo galayaa naaneysteyda Shiine.

  11. Web kan puntland ayaa Iska leh web kiina la aada hambal yadiina maxaad anaga naga soo doonteen ma hadal raadis baad tihiin mise jaabuusiin ayaad tihiin labadaa midkaad tihiin bal ii sheega diciif nimadiina se puntland oo dagaal idinka dhexeeyo ayaad webkooda warka soo doonaysaanhhh

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*