Puntland oo baaritaano ku samaynaysa dadka ka yimid dalka dibadiisa

GAROWE(P-TIMES)- Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa maanta hubin iyo baaritaano ku samaysay 10 qof oo reer Puntland ah, kuwaas oo diyaarada Daallo Airline ay keentay Garowe.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo gudanaysa waajibaadkeeda ka saaran bad qabka muwaadiniinta reer Puntland ee kasoo laabanaya dalka dibadiisa iyo kuwa dalka jooga ayaa maanta hubin iyo baaritaano ku samaysay in ka badan 10 qof oo diyaarada Daallo Airline ay ka keentay dalka Kenya.

Agaasimaha waaxda Caafimaadka guud ee wasaaradda Caafimaadka Dr. Cali Diiriye ayaa warbaahinta kula hadlay garoonka waxaana uu sheegay “ inay ka wasaradd ahaan maanta garoonka u yimaadeen sidii loo hubin lahaa badqabka dadka garoonka ka soo dagaya, waxaana dhamaantood ka xaqiijinay inay haystaan warqad baaritaan oo cadaynaysa inay ka badqabaan Covid19.”

Waxaan dhamaatood sidoo kale garoonka gudihiisa kooxda caafimaadka ay ka hubiyeen xaaladooda waqtigan, waana ku faraxsanahay in dadkan ay wada haystaan warqada cadaynaysa inay ka badqabaan xanuunka”.

Tan iyo intii dalka laga helay kiisas cudurka Coronavirus ah gudaha Soomaaliya ayaa waxaa baaritaano lagu samaynayey dad badan, kuwaas oo laga baaray cudurka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*