Puntland oo ku eedeysay dowladda federaalka inay colaad ka hurineysa Somaliland

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Deni, ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay ku lug leedahay falal sababi kara dagaal ka dhaca gudaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaannida ee Somaliland.

Waxa uu sidoo kale ku eedeyay inay cadaadis ku saareysa Somaliland qorshayaal ay rabto inay wax kaga baddelato, kuwaas oo aan u “wanaagsanayn daganaashaha Soomaaliya”.

Deni ayaa eedeyntani jeediyay mar uu wareysi siinayay telefishinka laanta af Soomaaliga ee BBC-da.

”Waxaan maqleynaa iney xukuumadda waxyaabo badan si hoose u waddo, oo ah waxyaabo weliba sababi kara iney dagaallo dhacaan”, ayuu yiri Deni.

Mar BBC-du ay madaxweyne Dani weydiisay waxa ay yihiin waxyaabaha dagaalka horseedi kara ee ay dowladda Federaalku waddo ayaa waxa uu yiri, ”Waxaa ka mid ah oonu ognahay in iney gacan dhaafto maamulka Somaliland oo ay qabaa’ilka toos ula hadleeyso oo ay dadku ka horkeeneyso dowladda{Somaliland}”

Waxa uu sheegay in Puntland ay soo dhaweyneysa heshiis laga gaara qaddiyadda Somaliland, balse waxa uu sheegay in dowladda federaalka ay “wadato qorshe aan la isku raacsanayn oo ay rabto inay Somaliland wax kaga bedelato kuwaas oo aan la isku afgaranin una wanaagsanayn wada noolashaha”.

Deni wuu ka gaabsaday inuu faahfaahiya waxa ay qorshayaashaasi yihiin. Muran dhuleed ayaa u dhexeeya Puntland iyo Somaliland

”Inaga ma rabno inaan qaadano doorka ay leedahay dowladda Federaalka laakin waxaan diyaar u nahay inaan qeyb ka ahaano inkastoo aysan jirin wax talo ah oo nala weydiiyay balse haddii taleedeena loo baahdo doorkeena waan qaadanaynaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Deni.

Khilaafka

Waan isku daynay in aan jawaab ka helna dowladda federaalka oo ku aadan eedeyntani, balse wali inooma suraglin.

Khilaaf xooggan ayaa u dhexeeya dowladda federaalka iyo Puntland oo ku aadan arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka ,amniga qeybsiga kheyraadka.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhawaan ugu baaqay dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada inay hagaajiyaan xiriirkooda kana wada shaqeeyaan hagaajinta amniga iyo dardargelinta qabsoomidda doorasho kalsooni lagu qabi kara oo aan daba marin xilligii loogu talagalay.

Wadahadallada

Madaxweynaha Somaliland, ayaa dhawaan sheegay in Somaliland ay cadow u aragta dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadalkan ka jeediyay sannad guurada 18-ka May oo ku beegan xilligii Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, isla markaana tahay dal madax bannaan.

”Xamar waxaanu u aragnaa cadaw sababtoo ah waxa ay diidan tahay qaranimadeena”.

Waxa uu sheegay in mar walba mowqifkooda yahay mid cad oo ay iyaga iyo Soomaaliya yihiin labo dal oo deris ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in Somaliland ay tahay gobol ka mid ah gobollada Soomaaliya, iyadoo dhawaan madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed cabdullaahi Farmaajo uu raaligelin ka bixiyay tacaddiiyadii uu xukunkii Maxamed Siyaad Barre ka geystay waqooyiga.

Waxaa jiray in wadahallada u dhexeeya labada dhinac oo sanadihii dhawaa ka dhacay dalal ay ka mid yihiin Turkiga iyo Jibuuti.

Wadahadallaadaasi ayaa hakad ku yimid dhowrkii sano ee la soo dhaafay iyo labada dhinac uu mdiba kan kale ku eedeynaya dib u dhaca wadahadallada.

Ra”isal wasaaraha Itoobiya, Aby Axmed ayaa bishii Febraayo magaalada Addis Ababa ku kulansiiyay Famraajo iyo Biixi. Wax faahfaahin dheeraad ah kama soo bixin waxa ay ka wada hadleen.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday labada dhinac inay sii wadaan wadahadallada.

XIGASHO: BBCSOMALI

18 Comments

  1. waxaan maqli jiray”wixii xun ba xaawo ayaa leh”,!!!,

    rabiyow somali sidaan {xaaladaha ay iminka ku sugan yihiin} dan uma aha ee rabiyow quluubtooda midee,beerkooda burcad isu madhi,rabbow kayeel kuwo dalkooda,diintoda iyo dadkooda Anfaca,Aamiin yaa rabi.

  2. War Dani mental hospital geeya tolow.Ma sidaan buu ahaa?shacab qalab loo geeyay oo waliba la isku waafaqay baa iska horkeen noqday?Waa Buhoodle ogaada.Caqliga Dani waa kaa CEEB KA WEYN MA JIRTO.Waa ogaa dhagi garoob in aanu caqli ku hayn meesha
    Earlier election is the way to save Land of Punt

  3. Futaadada iyo Afka balaqsan meelah laaa aad xaaraan cudaddedsan oo ninkale xiniinyaha u sida thy deni xiniinyaha loo Aqadaa adiga rag kala u qadaa

  4. Waxa Deni ka hadlayo ma aha deeqda coronoviruska ee la geeyey Buuhoodle ama Sanaag. Wuxuu ka hadlayaa Villa Somalia oo isticmaalaysa dollarka sunta ah ee Qatar, ay dhexgashay Beesha Dhexe ee Somaliland iyadoo ka faa’iideysanaysa khilaafka soojireenka ah ee ka dhexjira beelo hoosaadka beeshaas. Miyeydnaan maqal suldaan ku doodaya in isimadu mas’uul ka yihiin dadka reer Somaliland ayna muhiim tahay in laga qaybgaliyo wadahadalka Somaliland iyo Dowladda Federalka. Dad badan oo beeshaas ah ayaa aamisan inay ku noolaadaan nidaam federal ah oo ay toos ula wadaagaan Soomaalida kale halkii Hargeysa looga talin lahaa.

    Beeshaasi dhexdeeda colaadda ka jirta waa mid aad u qotodheer. Haddii dagaalkii 1994-97 oo kale uu mar kale dillaacana waa musiibo usoo hoyatay Soomaali weyn.

    Waa arrinkaas waxa uu Deni ka hadlayaa, waana arrin Puntland saameynaysa. Puntland raalli kama aha, danina uguma jirto dagaal reer Somaliland ka dhex qarxa.

    Mafiada Villa Somalia waxay naf bideen siyaasaddii qaybi oo xukun.

  5. Caliizha C/

    Ciid Mubaarak kolka hore. Kolka xigtana Aamiin baan ka leeyahay ducadaada.

    Wixii xunba xaawaa leh waa maahmaah qadiimi ah. Laakiinse marbey sax tahay odhaahdu. Farmaajo doorkan isagaa Habartii xumeyd oo dhab ah. Isagaana Booskaas iskiis iska camirtey. Taajkaasna isa sudhay. Ama talo xumo ha heyso ama towfiiqdu ha weydaarato’e.

    Xasan Sheekh Culusow wixii la doonana halaga sheego ee wuxuu isku taxaluujiyay inuu wax uun sameeyo oo ka midho dhaliyo wixii lagu heshiiyay.

    Farmaajo’se waxbuu kharibay. Ma ula kas ayuu u kharibey mise xaajo ayaa ka khaldantay? Allaahu aclam. Waxaana taas ugu wacan dadkiisiiba lama hadlayo oo juuqba wuu odhan waayay.

    Inkastooy sidaas tahay, inaga Illaahay wuxuu caqliga inoo siiyay waa ineynu wax ku cabirno. Nafaheena iyo ka qoysaskeena iyo ka dadkeenaba ugu fikirno. Wax kasta oo lagu cibro qaatana ficilka ayaa ugu haboon. Waayo qofka daacada ah weedhiisa iyo ficilkiisu wey isa shabahaan. Khaayinku’se ficilkiisa ayaa ka duwan weedhiisa oo isaga oo kuu dhoola cadeynaya ayuu dabna ku qabadsiinayaa. Laakiinse khaa’inku caqligiisa ayuu kaashadaa oo si aanan loo garan ayuu kun shax kuu degaa si aad ugu jaho wareerto meesha lagaa soo hujuumay. Marmarbuu xitaa dabinkuu kuu dhigay ogaan kuula dhacaa si’aanad isaga u tuhmin. Dabcan waa dabin uu dhigee isagu khatalmi maayo.

    Hadaba Farmaajo ficiladiisa ayaynu ka aragnaa in shido oo dhami dhankiisa laga soo hirinayo. Maamulada jira oo dhan mid ka nabdooni ma Jiro. Dagaalna ma iclaamin, doodna ma furin, digniina ma bixin. Dabkiise huryay. Wixiiba waxay noqdeen, qaar qoorta dhiibta, qaar qeylo ka dhamaatay iyo qaar qoryohooda cabeystay.

    Midbaanse u qirayaa isaga maanta. Waayo, nimaan juuqba odhaneyn waxaas ayuu dhahay ku eedeyn kari meysid. Sidaa’se xaajadu maaha, waayo dee inaga ayay nusqaan inagu noqoneysaa hadaynu iska indho tirno ficiladiisa.

    Imika iyo GUNAANAD. Xaawi waa Farmaajo. Farmaajona waa Xaawo. Kuli fitna Cinda. Kuli Fitna Xaawo. Kuli Fitna Farmaajo.

  6. Ahmed Shiine.
    Qoraal kaa ayaa ,runtii marwaati ka ah,in qabyaalade ku madax martay.
    Deni waa shaqsi aan cidina difaaci karin,tan iyo intii uu noqday madaxa maamulka dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya waxa uu ku caan baxay iska hadle,aano hadaladiso micna saas lahayn.
    Deni iyo xulufadiiso waa maamulkii ugo liitay Puntland.
    Tii Puntland buu war ka tuuray,maxa maamulka la baxay Somaliland,oo marwalba oo raga raba in ay,fariistaan kursiga maamulka Puntland ay ku ay hadal in Somaliland dhul ka haysato ayeyna soo celinayaan.
    horta dhul Soomaali kala haysataa ma jiro,ee Magaalada laas caano iyagaa si madaxvanaan ugo biiray maamulka la baxay Somaliland.
    Gunaanadkii Soomaaliya oo dhan ayaa la midaynayaa.
    oo gobolada waqooyi iyo gobolada Koonfureed ayaa,ayaa dalka loo qaybin.
    Waa arin aad uga fiican,waxa hadda jira,ee Deni iyo kuwa dib u Socodka ah,ee waqooyi iyo Koobfur ba ay caga jiidayaan waa taasi,oo arimaha lago rajo waynyahay in xal waara uu Soomaalida guud ahaan u keeno.Arimahaan waxaa taageersan,UN ka,maraykanka iyo AU ka.

  7. SALAAMU CALEEKUM

    Wariyow xaal qaado… Warku siduu yahay iyo sida loo yidhi ha la so qoro.

    Hadii kale waxaan u aragnay mid lagu jaafadaynaayo BOQOR DENI.

    Hadalka hadii aad dhinaca ka soo qaado.. so micnihii isbadelimaayo.

    WARIYOW XAAL QAADO

  8. Abdullahi Elmi

    Waar Ina Cilmiyoow waxna waa tidhi, weedhna maad odhan?

    Su’aalo kooban baan kuu soo qadimayaaye si xayi ah ugasoo jawaab.

    Waxaa tidhi waxa la’isku darayaa Woqooyi iyo Koonfur. Arimahaasna waxaa taageersan UNta, Mareykanka iyo AUda. Yeelkadeed oo haba la’isku daro. Cidii doontaana ha taageersanaato.

    Su’aasheydu waxay kusoo gororeysaa, hadii uu go’aankaas Caalamku gaadhey, Farmaajona horjooge looga soo dhigtey, amase Farmaajoba curiyay, beesha caalamkuna ayiday oo ay ku raacdey, miyaaney aheyn in uu Farmaajo Dadkiisa Soomaaliyeed cod dheer ugu sheego Federaalku wax ina kaafiyaya maaha, danteenuna kuma jirto Soomaali ahaan, sidaas daraadeed waxaan go’aansaday in aan ka takhaluso oon Koonfur iyo Woqooyi dib iskugu daro, sidaaseynuna ku badhaadheynaa ee ila qaata?

    Haduu mabda’aas aaminsanaa intaanu xilka qaban horteed, miyaaney cudoonaateen inuu ku ololeeyo fikirkaas oo uu xilka ku hantiyo? Miyaaney taasi siiseen waajib ama mandate uu ku fuliyo fikirkiisaas?

    Aamusnida Farmaajo maxaad ku micneyn kartaa?

    Eedeynta Qabyaalada intaanad igu eedeyn si taxader leh uga fikir doodeyda. Si waafi ahna iiga soo jawaab su’aalahaas isku sidkan.

  9. MD Denni goormuu nowdey afhayeenka somaliland, meeshii loo ignadey ee puntland baa kala daadsan oo maalinkasta gudioni yaashii gobolada la laaya, ee maxaaa afaaraha somaliland iyo awaamiirtaas aana quseyn galiyey, yaabka yaabkiis, orod oo gaalkacyo iyo bosaaso iyo magaalooyinka lagaa soo doortey matal oo dantooda ka hadal.

  10. Ifafaalaha ma fiicna.. Ilaahow wixii dhib ah naga heey…
    Soomaaliya waxay ku socotaa meel halis ah.
    Saadaashu ma wanaagsana waxaa muuqda dagaalo, dhaqaale xumo, isdhexyaac, hogaan la’aan iyo sirsiro u qarsoon gaalada oo rabta Soomaaliya Cusub. Waa maxay Soomaaliyada Cusub?
    Lasoco qoraalkeyda dambe.

  11. Waa wax la yaab leh,in Deni oo Baarlamaankii Puntland baabi’iyey,oo ka dhigay,shaabad uu sito.
    Dakadii Bossaso,si aad fateexad u ah,lacag kaga qaatay,DP World.
    Waa waadadii Gaas oo san biyo lago darin.
    IIlaadad madaxtooyada Garowe ma wax sharci ku dhisan ma sha,waayo?
    Haddba shaqsigii yimaada baa maleeshiyaad beeshiisa ah soo dhoobo,maalintoo tagana,waa kala tagaan.
    Sow arinto kuma haboonayn in tiro yar oo ilaala ah,oo si sharci ah u shaqeeya oo ann beel lago qorin In ay ilaalo.
    ka noqdaan madaxtooyada.
    In darajo been ah la siiyo iyana sax ma aha.
    Hadda Puntland qalalaase ayaa ka taagan,Deni iyo u dhaxeeya Kraash.
    Nidaamka qabaa’ilka ee lago dhaqmo,dhibaatooyinkauu keeno ayey ka midtahay in wax walba ay shaqayn waayaan.
    Arimahaas darteed,syuu Deni doonayaa,in uu indhaha shacabka Puntland ka jeediyo duruufaha haysta,oo uu dowlada federaalka iyo in uu Somaliland ka hadli si,aan sax ahayn.
    Deni sidii mar su’aalihii uu ka diday oo ka baxay Baarlamaanka ayaa loo baahanyahay in la xisaabtamo,waana in dhgax walba hoostiisa la eegaa.
    Waa in sida ugo dhasiyaga badan arinta Dakada Bossaso looga doodaa,si furan,la sheego in (one Dollar) aysan DP world ilaa iminka aysan bixinin si loo horumariyo Dakada.
    UAE dhaqaalheedii waa bur buray,(Cronavirus) yaa u sabab ah.
    Deni iyo Gaas waa in baaritaan madax banaan lago sameeyo arita Dakada Bossaso iyo musumaasuqii ka dhacay.

  12. maydaan fahmin Dani waxa uu ka hadlay .
    muhiimku waa waxa dawlada fadarlaku Somaliland kaga badaltay ee uu tabtay hadana uu fahfahi ka bixin wayay
    waxa dawladu somalliland kaga badalatay hadan idiin shago waa xuduudka dhaar ilaa la so gadho buhoodle iyo dagmada badhan oo farmaajo dalbaday shirkii adisababa inay Somaliland ka tanasisho buhoodle iyo badhan farmaajana ogolado in inta hadhay Somaliland afti laga qado dhawaan cidanka fadaralka la kanaya buhoodle inta buhoodle ka sokaysa Somaliland baa toos u racayaan sida dagmada widhwidh dhinaca kale dagmada badhan cidanka fadaralka la waragaya wixii ka sokaya waxay racayaan Somaliland sidaa ayaa Somaliland aftida loga qadaya hadaba ta uu ka hadlaya Dani waa taas cidanka fadaralka marka badhan la kano waxay toos u wararayan ama qabsanayaa gobalka Bari taas ayuu Dani ka qaylinaya cidanka ithopiya ee bada loo tababaray waxaa la gaynaya Bosaso anuu runtii in Somaliland afiti laga qado aad baanu soo dhawaynaya lakiin in cidamo xabashi ah la gayo bosaso raali kama ihi farmajo wuxuu raba inuu inta kale oo aan fadaral ahayn madaxwayne ka ahaado ithopiyana waxay rabtaa inay bada la waragto dhawaan baa fadarlku ku dhawaaya aftida Somaliland wadahadalka hoos buu ka socdaa .

  13. @qalaaye 11

    Waxaad ku hadlayso carruurtana looguma sheekeeyo. Sida aad wax u qiyaasaysana lama fahmi karo. Matalan, marka aad leedahay inta Buuhoodle ama Badhan ka sokeysa, markaas xaggee ka qiyaastay oo adigu fadhidaa? Haddii aad tiraahdo inta Buuhoodle ka sokeysa, waxay noqonaysaa waqooyiga Mudug. Marka aad wax tilmaamayso waxaa lagu qiyaasaa jiho (waqooyi, koonfur, iwm).

    Tan kale, maxay tahay aftida laga qaadayo reer Soomaaliland? Ma gooni-isutaag baa mise wax kale? Haddii inta waqooyi ka xigta Buuhoodle iyo Badhan la raaciyo Somaliland, oo ayna ku codeeyaan inay goostaan, marka sidaas baa loo kalagoynayaa Dhulbahante iyo Warsangali miyaa?

    Ciidan federal baa la geynayaa Buuhoodle iyo Badhan! Mooryaanta Xamar iyo Baydhabo laga soo uruuriyey yaa u aqoonsan ciidan federal? Reer Buuhoodle iyo Badhan ma ciidan la’aan baa haysa? May Xamar iyo Baydhabo wax ka qabtaan ammaankooda? In Gedo la joogo miyaad moodday?

    Waxaad tiri Itoobiyaa Bosaaso la gaynayaa! Bosaaso ma meel cidla’ ah baa? Waxaad tiri Farmaajo raalli kama aha Itoobiyaan Boosaaso la geeyo. Xoogaa dadnimo iyo waddaninimo ayaad u baarbaaraysaa. Yaa keenay Itoobiyaanka dalka?

    Haddii ay la tahay adiga iyo inta kula midka ah in wixii dib-u-heshiisiin iyo dastuur ahaa ee lasoo waday 30ka sano la tuurayo oo Soomaali u wadahadlayso hab ku salaysan mustacmaradihii Talyaaniga iyo Ingiriiska (Waqooyi vs Koonfur), taasi waa sida ay jeclaan lahaayeen adiga iyo doqonka afgarooca ah ee ku shaqeynaya riyada iyo khiyaaliga reer Muqdisho iyo Hargeysa.

  14. War cidna kala ma go’nayn awalba,ee dadka waa Soomaali,si xal waara looga gaaro,dhibaatada ka jirta,Soomaaliya ayaa,Maraykanka,AU,UN ka,EU da iyo EGAD ,ayaa wada qorshe looga baxayo,maai qabaa’ilka ku dhisan,taasi oo ah,in dalka Soomaaliya asaas looga dhigo,in dib loo yagleelo,dowlad si buuxda dalka oo idil u maamusha,iyadoo arimaha wada hadalka ee iminka la bilaabay dhawaan,sal looga dhigayo,labaddii gobol ee Ku midoobay qaranimadii 1960 kii ee ahaa,gobolada waqooyi iyo gobolada Koonfureed.
    Waxa la filayaa si dhaqsiya ah arimahaasi loo guda galo,oo Soomaaliya ay dib midowddo.
    Waxaa ka mid qorshaa,in balaayoin Dollar,oo barnaamijyo,lagoo horumarinta kaabayaasha dhaqaala Soomaaliya ay barbar socoto heshiis kaasi dhawaan la guda gelidoono,nidaamka kan maamul goboleedyada,ku dhisan hab beeleedka,waa ka bedeli gabi ahaan.
    Arimaha Soomaaliya,halkaasi ay ku biyo shuban,mar aan sidaasi dheersyn haddii ALLE idmo.

  15. Qalaaye 11

    Sxb Arinka ha qaloocin

    Waxaynu Farmaajo ka baryayno oo dalkeena Ku saabsani ma jiraan,mana jirto in Somaliland arimeheeda gudaha,dhulkeeda inay gorgortan ka gasho taako kamid ah.

    Wuxa keliya aynu isku mari la’nahay waa sidii loo kala bixi lahaa ee loo noqon lahaa laba dawladood oo siman hadaba Somaliland ayaa dawlad u qalantee,waxase ka maqan keliya Aqoonsi caalami ah.

    Midda aftida,Somaliya waa midday ka cararayso,waxayna dadka Buuhoodle,Sanaag Bari eed sheegaysaa kamid yihiin dadka iyo dhulka Somaliland,waxayna kamid noqonayaan dadka aftida laga qaadayo ee Reer Somaliland,marka ay timaadona waxa kasoo baxaya Dawlad madax-bannaan oo Somaliland ah,waxase ka horaysa arimo dhawr ah.

    Deni faro-gelinta Federaalka ayuu ka hadlay,waana wax jira,lkn Somaliland way isaga filantahay,mana Ku dhacayso dabinkooda,mana weerarayso shacabkeeda intaanay u muuqan khatar dhàb ah,una muuqan mayso inay ka xuntahay kaalmada igu sawirta ah ee Federaalka Xamar ee xasarada ah.

  16. Salaamu Caleekum

    PUNTLAND waxaa naqdin Kara oo wax ka sheegi Kara nin reer PUNTLAND ah..

    BOQOR DENI waxaa madaxweyni ka yahay PUNTLAND.. PUNTLAND waa state. PUNTLAND ma aha Dawlad Dhexe..

    Marka PUNTLAND waa qabiilaysantahay sida GALMUDUG.. HIIRSHABIILE.. KOONFURTA GALBEED…

    Marka kuwa wax ka sheegayaa PUNTLAND sida A XADE, HANUUNIYE, NABAD OO CAABUDWAAQ.. Sida cayaayaanka Daarood.. DHULBAHANTE, LEELKASE, AWRTABLI waxaan idin leenahay… hagardaamada ka daaya PUNTLAND..
    XAAR FARMAAJO 6 BILOOD bàa u dhiman.. Dibna ugu soo noqona maayo xukunka..

    XAASHAA, WARSANGALI buuryadhi xaaraanta ahayd waa iska jadhay..

    WARSANGALI, PUNTLAND wax buu ku leeyahay.. They are stonger Partners. Xaqooda waa on ay ka helaa.. Waayo , wax beey ku leeyiheen.

    DHULBAHANTE, PUNTLAND waxba ka laha.
    Waa cayaayaan waxba ku Lahayn. Dhib mooye aan anfac Lahayn.

    Marka QORI IYO QAACIISA WAA IN LA ISLA TUURAA.

    PUNTLAND have enough resources, enough manpower skill. PUNTLAND needs good leadership same as BOQOR DENI. PUNTLAND needs to improve Job creation for the youth. PUNTLAND needs to upgrade the infrastructure projects to boast and attract foreign and local investors.

    The most investment projects for PUNTLAND are:

    1. Service provisions.. such Seaports that can fit to users (Ethiopa). In condition that Gra’ad Seaport must the international standards .
    RO AND RO Service (Containers).
    2. Fish Resource – catching, cleaning, salting and packaging and storing) that meets the inernational stanadrs. This Sector can job more 20,000 youth and can return of more USD 500 MILLION. good example.. see ICELAND.
    3. Livestock Supply whether live or chilled meet… Please look Pakistan abd India and Australia.. they jave special chartered flights to cater fresh and chilled meats.
    4. Mineral Resources .. black golden.. I am sure it is plenty in PUNTLAND.

    Ku bickaaso ishii bugtaay..
    Ku bickaaso ishii bugtaay..

    BOQOR DENI waa in la raaca hadii la rabo in PUNTLAND guulaysato.

    WA BILAAHI TAWFIIQ

  17. Baraawiini:
    Kulay in aad nacastahay,qoraal kaaga ayaa laga garan.
    Deni waa waxa uu yahay cidba ma muuga.
    Waxa uu caan ku yahay,in uu iska hadle yahay.
    Waa marqaati ma doonto,.wixii uu sameeyey.
    07 November 2019. ee uu maalin cad weeray Baarlamaankii Puntland.
    Dakadii Bossaso,Deni iyo Gaas waa la ogyahay wixii musumaasuqa ahaa oo ay ka sameeyeen,markii ay si shrac dara ah ah,DP World uga iibiyeen in xirato Dakada oo san ilaa hatan san hal Dollar ka soo gaarin DP World.
    Runto waa cadahay Deni iyo maamulkiisa waxa lago tilmaami karaa,koox sida Mafia yada u shaqaysata.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*