Puntland oo shaacisay in ay hoos u dhaceen kiisaskii cudurka Coronavirus

GAROWE(P-TIMES)- Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland ayaa saaka oo Khamiis ah warbixin kasoo saartay xaaladda cudurka COVID-19 ee deegaannada Puntland iyo kiisaskii u dambeeyay ee la diiwaan geliyay.

Warbixin lagu daabacay bogga wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in baadhitaanadii u dambeeyay lagu ogaaday in hoos u dhac uu ku yimid kiisaska la xidhiidha cudurka Coronavirus ee deegaanada Puntland.

Warbixinta wasaaradda ayaa lagu xusay in mudadii u dhaxaysay 22-28-kii bishan May xanuunka laga baadhay dad gaadhaya 87 qof, kuwaas oo 8 kamid ah laga helay cudurka kuna kala sugan goboladda Mudug iyo Nugaal.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in tirada guud ee bukaanada laga helay cudurka ay haatan gaadhayaan 178 qof, kuwaas oo ay ku jiraan 6 bukaan oo u geeriyooday iyo 15 qof oo ka bogsaday cudurka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*