Qarax ka dhacay agagaarka madaxtooyada Somalia & Faah Faahin kasoo baxaysa

MUQDISHO(P-TIMES)- Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax saak ka dhacay dhabarka dambe ee Barxadda Iskaashatada gaadiidlayda degmada Xamar Weyne, halkaas oo u dhow madaxtooyada Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku geeriyootay qarax halka uu dhaawac kasoo gaadhay hal qof sida ay sheegeen goob joogayaal goobtaasi ku sugan.

Labada qof ee ku dhintay qarax ayaa mid kamid magaciisa lagu sheegay Jaabir, waxaa uuna ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada amaanka ee dowladda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid la dhigay wadada dhinaceeda ahaana qorshe abaabulan oo ka dhan ah amaanka magaalada Muqdisho.

Ma jiraan weli wax war ah oo kasoo baxay taliska booliska Soomaaliyeed iyo lamaanaha amaanka gobolka Banaadir oo ku aadan qaraxaasi iyo cid ka dambaysay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*