Saraakiisha ciidamada dowladda oo ku hanjabay in Kenya ay u jawaabi doonaan

MUQDISHO(P-TIMES)- Xilli labadii habeen ee lasoo dhafay ay diyaaradaha dagaalka Kenya duqeymo culus ka geysteen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Gedo ayaa waxaa arintaas si cara leh uga hadlay saraakiisha ciidanka xoogga dalka eek u sugan Gedo.

Khasaare nafyo iyo maaba leh ayaa dad rayid ah kasoo gaaray duqeymaha diyaaradaha Kenya ay labadii habeen ee lasoo dhaafay ka fuliyeen, deegaano ay ka mid yihiin, Cows-Qurun, Kaakuma, Lafa-Geri, Buusaar iyo Faxfaxdhuun oo kawada tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Korneyl Xasan Aadan Biixi oo ka mid ah saraakiisha militeriga Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Gedo ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Kenya 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay duqeymo aan ka fiirsi laheyn ka fuliyeen deegaano badan oo ka tirsan gobolka Gedo.

Sarkaalkaas ayaa sheegay in goobaha ay beegsadeen diyaaradaha Kenya ay yihiin dhul daaqsimeed ay ku noolyihiin dad Soomaaliyeed oo rayid ah, kuwaas oo khasaare badan uu kasoo gaaray duqeymahaas, iyaga iyo xoolahooda.

“Habeenadii lasoo dhaafay waxaa dhul balaaran oo dad, duunyo iyo duurjoog intuba ku noolyihiin beegsaday diyaaradaha Kenya, xalay oo u dambeysay deegaano ay ka mid yihii Sama-roone iyo Ciise-guul iyo dhul badan oo dhaca bariga gobolka Gedo ayey duqeeyeen, dhulkaas waxaa degan dad u badan reer guuraa waxaa ku yaalla webiyaal aad loo cabo iyo tuulooyin camiran, waxaa ku nool duur joog aad u badan, khasaaruhuna ma yara dad, xoolo iyo duur joogba waa lagu le’day” ayuu yiri Korneyl Xasan Aadan oo ka tirsan militeriga Soomaaliya.

Sarkaalkan ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka war qabto duqeymaha iyo dhibaatooyinka ay dowladda Kenya u geysaneyso shacabka Soomaaliyed, taasna lagula xisaabtami doono.

“Dowladda Soomaaliya way ogtahay mana mooga waxa dadkeeda iyo dalkeeda ku dhacaya, wayna ka jawaabi doontaa, qorshaheedana wey ku jirtaa sidii ay uga jawaabi laheyd, iska daad dadka, duunyada, iyo duur-joogta dhimanayee, dhulka burburay, maalka iyo geedaha go’aya, xisaabta ay leeyihiin Kenya way dhedhemineysaa mar aan dheereyn” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xasan Aadan Biixi oo ah sarkaal ka tirsan xoogga dalka.

23 Comments

  1. Xoogga Dalka ku lahaa! Maryocalasta laga keenay Xamar iyo Baydhabo waxba kama qaadi karaan Kenya ee yeysan dhulkaas uga sii darin. Haddii ay awood leeyihiin may ka qabtaan aragagixisada Kenya u tallaabaysa ee wax ku laynaysa?

    Kenya haddii ay ku jirto gudaha Somalia, waxay ka mid tahay dalal badan oo ku jooga magaca AMISOM. Dhulka ay joogaanna dadka iska leh baa raalli uga ah. Haddii bad la isku haystana, maxkamad iyo sharci baa lagu kala baxayaa. Qofkii Kenya neceb ha kasoo guuro dhulkeeda iyo xeryaheeda qaxootiga. Ciirtaada dhame baa caydaada yaqaan!

    Weligaa ma maqashay argagixisada oo gudaha Itoobiya weerartay?

    • Adiga ma jareer baa ku qaba mise hareer afsomaliga bartey baa tahy?? Waxaa hubaal ah wof DNA somali ah ku jirto inaadan ahayn… kenya dhukkeenii bey heysataa oo waa lala xisab tami, mar aan fogeyn waa la wasa xisaab tanu, markii nala kaqaado cuna qabateynta hubka oo aan so iib sano f35 iyo typhoob fighter jets, meel baa saareynaa kenya marka koley waad soo qixi oo Somalia ba iska so dhiibin inshaa allaah

    • A rar hadii aad tahay daba dhilif afsoomaaliga bartay waxaa doonta ku hadal hadiise aad tahay soomaali duloobay wlo is dabo qabo dhulka iyo dadka laysa leeynayo waa dadkagii, hadii aad kuwa dhulka kenya haysato ku dhashayna, waxaad tahay kenyan is mood, lkn every dog has aday one day keyna will regert for somali women and children genocide if Allah say Somalia government will be come back support powers of Africa

  2. @@@@@ Arar.

    Tani waay kaa hoostay, Midibkaaga saxda ah ayaadna muujisay iyo sida aadan jir naxa ugu haaynin Dadka Shacabka ah ee Gedo ee aay Pilot yada Kenya ku taba baranayeen, 10 kii sano ee la soo dhaafay.

    Waxaan u maleeynayaa in aad tahay nin uu miir ugu dambeeyey, xilligii SSDF oo u haaysto in uu weli Siyaad Barre taliyo!!!!!!

    Kenya Farmaajo iyo Shabaab midna wax ma yeelin ee waxaay gumaadeeysaa Shacabka Gedo oo aaysan Shabaab iyo Farmaajo toona dan u haayn. Iyadana waay ogtahay waxa aay sameeyneyna iyo danta aay ka leedahay.

    Laakiin adiga maxaa qaaday, Damiirkaagi islaamnimo iyo kii Soomaalinimo!

    Ugu dambeyn, dalku Soomaali baa leh, mana jirto jifo meel aay ka deggantahay Dal shisheeye ku casuumi karto, iayadoo aaysan Ummadda Soomaaliyeed raali ka ahayn!!

    Daabaca ninkii kugu dhuftee Daabka kuu celiyey.
    Iyo kii Daloolshoy yiraa wax isma Dooryaane.
    Gaalkaa i Dilayaa adaa iiga sii Darane!

  3. Maalin walba waxaan arkaa mid Sidii Faysal Quuqle Dhurwaa u hadlaya oo Difaacaya Cadowga Somalia kuna hadlaya Soomaali (malahaystaa)?

  4. Kenya Waajaah Wareertey!!
    Waligeedana Xoriyad Maqaadanin
    Ee Dalka Reer Yurub’ Iskamaamushah!!.

    Waxayna Ubadanyihiin Dad *Cawaandi Ah Oo Wali Qaaqaawan??
    Dabacan (A.arar-na) Kuwaasi Ayuuba Kasiiliitaa!!
    Sida Hadalkiisa Kamuuwatana
    In La’adoonsado Ayuuba Qirtay.

    Sidaasi Darteed (Gaalo Cawaandi Ah Iyo Waarkaleeto) Oo At Sii Adoonsadaan Warkoodu Wabad Mal’ahan.

    Mas’uuliyada Difaaca Dalka Waxay Saarantahay Cidii Uqalannta” Ee Gob Madaxbanaan Ahi Kenya Hareyna Cashar’ Ayaa Loogu Dhigay Hadeerna Waa In Waxa Aytahay Labarro.

  5. @Burhan, naag waxaa ah wixii sidaada oo kale u hadla. Uma qalantid intaas ka badan in lagu yiraahdo.

    @ Xade, bikulli ixtiraam, anigu ma taageerin mana barakayn in la duqeeyo dad Soomaali ah oo aan waxba galabsan oo dhulkoodii jooga, waxaanse kasoo horjeedaa mooryaanta Xamar iyo Baydhabo laga soo daadgureeyey ee Gedo lagu daadiyey ee lagu sheegayo Xoogga Dalka,ujeeddadooduna tahay in Jubbaland loogu qabto mooryaanta Siyaad Barre sadbursiga iyo booli-cunka baray, ee noqday haadka geedka waayey ee doonaya in Farmaajo magac qaran ugu qabto Kismaayo. Waxaan hubaa kuwaas inaan xitaa laga jeclayn Gedo.

    Sidaan marar horeba sheegay, waddaninimada Soomaalidu waa awr ku-kacsi iyo la jiifiyaana bannaan oo qolo walba markii danteedu la gasho ayey durbaankaas tuntaa.

    Anigu Kenya dan gaar kuma qabo laakiin markaan arko inaan laga hadlayn cadowga guunka ah ee Itoobiya ee soddonka kun askari ka joogaan Soomaaliya, laakiin mar walba Kenya la saaran yahay, markaas ayaan Kenya difaacaa. Kenya abaal weyn ku leedahay reer Jubbaland, gaar ahaan reer Gedo.

    Maxay tahay liidnimada ka weyn dowlad dharaar cad dalkeeda gudahiisa ciidan shisheeye kusoo rideen diyaarad rayid ah, oo ka aammusan oo xitaa aan cambaarayn. Sow iyadaba dad Soomaali iyo Muslimiin ah kuma halaagsamin?

    Soomaali haddii ay dadnimo iyo waddaniyad leedahay arrinkaas way ka dhiidhiyi lahaayeen oo meel kasta ayey ka mudaharaadi lahaayeen. Maxaa dhici lahaa taas ciidanka Kenya sameyn lahaayeen?

    Waxaad kale oo la socotaa in kiiskii maxkamaddii baddana dib loo dhigay ilaa March 2021. Waxay tusaysaa sida loo yasayo ee aan il looga faashanayn maafiyada waxmatareyaasha ah ee Villa Somalia ku oodan.

  6. Dadka qaarkiis waan layaabaa siday u fekeraan.
    Waxay ku oranayaan Kiinya waa cadow Itoobiya waa xabiib. Qatar waa walaal Imaaraadka waa nacab. Waxaa kale iga yaabshey ciidamada walaalaha Itoobiya baa inoo qabanaya Jubbaland.. Horta magaaladaas Kismaayo maxaa baas oo qabtaa qabiilo dhan baa ku qafiifey oo ku waashey hurdo iyo quud ka tegey.
    Midda ugu sii daran waxay tahay Maxkamadda Adduunka Soomaaliya beey u xukumeysaa badda la isku heysto bey ku oranayaan.waxay illowsan yihiin in makhaaxidaan adduunka ay u shidan tahay gaalo iyo yuhuud.
    Hadda Bal Farmaajo muxuu u soo kordhiyey Gedo in diyaarado lagu duqeeyo dad iyo duunyaba.. Meeyey Abiy Ahmed u qabanlahaa Jubbaland.
    Markaan arkey siduu timaha u madoweysanayo baan Farmaajo ka quustey.

  7. Majeerteenku waa dadka ugu cuqdada badan soomaalida xin iyo xaasidnimo ayay meel walba lataagan yihiin hada waxaa lajoogaa waqtigii sifiican laydin edbin lahaa

    • @GEDO LAND ADEER MAJEERTEENKU MA ADIGAY KU WASEEN MISE AABAHAA> INANGUMEED LIITA OO NOLOSHA AAN BOOS KU LAHAYN AYAAD TAHAY OO ILKAYAR AH.MAJEERTEEN DHULKOODII AYAY SHARAF UGU NOOLYIHIIN EE ADIGA KAKUUYADU HAKU WASEEN DOOFAARYAHOW XUMI.

      • Waxaan maqli jirey

        “libax baa waa caruur shabeel cunay…. Maadaama shabeel libax ku dhicin waxuu yiri ….

        “giro
        (ari) ayaa caruurtaydii cunay” …markaasu weerar arigii ku qaaday.

        Waxaan leeyahay nimankaan majeerteen haysta— ha iska celiyaan sankadudiga hilbahooda dhulka ku waraya. Mise waxay maqleen majeerteen ayaa diyaarado haysta oo kula dagaalaya ayax. Kkkk

  8. IBRAAHIM: muranle naagoodle kkkkk anigu waxaa tihiin ayaan sheegay hadaan iri ilmo halamash waa xin badan yihiin been maanan sheegin waa wax wajiga idiin kaga qoran

  9. AA.XADE

    Doqomadaan uma jawaabayo laakiin khaladka aad adigu gashay waan kuu iftiimin.

    Waxaad isku barbar dhigtay doqonka sanka dhuudhigu gumeystaan iyo SSDF.

    THATS A GRAVE ERROR FROM AN ENLIGHTENED MAN.

  10. Weerarka ay Kenya ku qaaday gobolka Gedo ee Somalia waxaa loola danleeyahay ulajeedo kale. Dowlado fara badan ee reer galbeed ah ayaa Kenya kala taliya maxkamada ay kula jidho somalia. Waa la bartay in Somali sal lahayn oo jam-boolkii loo tuuro ku dhacayaan.

    Ficilka ay Kenya qaaday waxay ka rajeynaysaa in Somalia weerar soo qaado oo halkaas maxkamada bada ku baaqato ama Kenya loo xukumo.

    Awalba waxay ahayd khalad iyo ka fiirsi la’aan in maxkamad la’aado maadaama ay somalila ku jidho marxalad xun oo ay kala daadsantahay. Waxaan ku talin lahaa in maxkamadaas la joojiyo guud ahaan si Somalia u hesho wakhti iyo fursad ay bari ku dagaalami kadho oo badeeda ku dhacsan kadho. Waxay u muuqata in Kenya ka guuleysanayso Somalia gar iyo gardaraba.

    Reer galbeedku waxay guusha la rabaan Kenya waayo waa wadan ay say doonaan u maamushaan oo isku hubaan.

    Somali maryooley waxay isu sheegayaan rajo ku dheehan maalin qarow, oo ay ku haminayaan maaweelo iyo guul aan soo socon.

  11. Doqonkaan la baxay GEDO LAND waa Iidoor isku haysta in uu yahay xariif wax khaldi kara oo dadka madaxa isu galin kara.
    He is soo childish that he can’t even cpmprend to change his accent. What a damn fool.

    @ ARAAR

    I BEG YOUR BURDEN MY FRIEND. I did not read your last comment and I misjudge your in an errorful way. I finally got your point.

  12. Badda” Kenya Ay Sheeganeeyso Soomaaliweyn Ayaa Iskaleh
    Markii Horeba Khalad Ayay Aha’yd
    In Reer Yurub’ Maxkamad Kutaala
    Loo Dacwoodo.

    Sababtoo ah Kenya Dal *Xor Ah Ma’ahan? Dhaqaalaha Iyo Siyaasada *Kenya Reer Galbeedka Ayaa Jaangooya.

    (Shariikadaha Shiidaalka) Soosaaraana Badankooda (Yurub’ Iyo Mareeykan) Ayaaba Iskaleh,
    Maxkamadaha Loodacwoonaayana” Iyagiibaaleh.

    Hadaba Soomaali Waxaa Lagudboon
    Gobolada, Jubooyinka Iyo NFD’
    Inta Ay Kenya Maamulayso Khater Ayaykujirtaa Madaxbanaanida Soomaaliya.

    Kenya Iyo Dabadhilifka Soomaaliya Sheeganaaya Halaga *Xaaqo* Gudaha Soomaaliweyn.

    Kenya Hadii At Dawad Qabto
    Haka Dacwooto Maxkamadaha (Islaamiga Ah Ee Soomaaliya.
    Sababtoo Ah DHULKA SOOMAALI ALEH, Ee (Holand) Ma’ayla’han.

  13. Khaladkiiugu weynaa waxuu dhacay markii dastuurka ku meelgaarka ah laga saarey hamigii somaaliweyn. Taasu waxuu ku beertay cadiwga Somalia kibir iyo islaweyni oo ay ku dhalisay in ay u hanqal taagaan dhul iyo bad cusub ee ay Somali ka dhacsan. Meelaha onlinenka ah ee oromadu ku kulanto waxaad arki ayagoo sheeganaya baraawe iyo ras casyr iyo ilaa iyo Saylac. Somalidu kama baqaan ninka cas ee waxay ka badan ninka madow. Waa mucjiso la fahmi waayey.

  14. Farmaajo hadii uu yahay nin laba xiniinyood ah haku daro dastuurka hamigii somaliweyn ee sida khaldan ay uga saareen wax ma garatadu wakhtigii lagu shirayey embakasi kenya.

    War farmaajow waari meyside war hakaa haro oo wadankaga u hiili oo taariikhda bog qaali ah ka gal. Waa hadii aad tahay wax garad. Hadii kale se xabashka iyo sanka dhuudhiga gacmaha u hoorso oo aabe dheh.

  15. Abdiweli

    Maah maah baa yidhaahda qofkaan quusani isagaa quus ah.

    Imika ma Farmaajo oo quus ah ayaad ka sugeysaa inuu war ka jadho. Kkkkk

    Kurtinoow ma waxaan ku moodayay mise waxaad noqotay ayaa Cigaal Shiidaad laga hayaa. Farmaajo waxa la moodayay halyay cirka Illaahay samada uga soo direy kolkuu xilka qantay. Alla maxaa dig iyo dam damaashaad u dhacdey. Mise wuxuu Soomaali oo dhan ku noqdey. Alla maxaa rag webabkan soo galaa farxad iyo reyn reyni maan qaaday oo Farmaajo kolkii judhiiba dhaliilihiisa aanu sheegmey afka nagaga boodi jireen. Maantaba iyagii naga dhaliilis badan yihiin.

    Qof PHD Sita oo Cawaan ah Farmaajo hortiis lama arag. Jaadwale ayaa ka tayo badnaan lahaa.

  16. Shiino

    Kkkk

    Saxiib sheekadaydu waa doqon baraarujin. Lagayaabee in uu ku baraarugo oo ku kaco ficil cajiib noqda. Walaahu yaclamu.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*