Somaliland oo laga ciiday & Muuse Biixi oo hambalyo diray

HARGEYSA(P-TIMES)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Islaamka ku hambalyeeyey munaasibadda ciidal-fidriga ee sanadka Hijriyada Islaamka ee 1441-naad.

Waxaanu Madaxweynuhu munaasibadda ciidul-fidriga awgeed hambalyo u dirayaa dhammaanba ummadda Islaamka meel ay joogaanba, gaar ahaan ummadda reer Somaliland, waxaanu Ilaahay inooga baryayaa inuu innaga aqbalo soonkii, ducadii iyo cibaadadii aynu bishan Ramadaan soo gudannay muslim ahaan, Ilaahayna inoo dambi-dhaafo, wixii dhibbana dhibta Alle ka dulqaado, xanuunkan aduunka sameeyey ee karoona-fayris-na innaga dulqaado culayskiisa.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu, ummadda reer Somaliland u rajeeyey inay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan barwaaqo, kana midho dhaliyaan hiigsigooda dhinaca horumarka ee ay ku jireen, nimcadana khayrkeeda inna siiyo, nabad iyo caano, colaad la’aan, caydh la’aan iyo cudur la’aana Ilaahay inaga yeelo, Ilaahay idankiina bishan bisheeda aynu ku gaadhno innaga oo halkan aynu joogno meel ka fiican joogna.

Ugu danbayn madaxweynaha Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa guud ahaan shucuubta Islaamka ee ku dhaqan dunida dacaladeeda.

3 Comments

  1. Hambalyo. Ciid Mubaarik gidigiin walaalayaal. Waxaan salaamayaa dhamaan umada Islaamka gaar ahaana Soomaalida oo dham khaasatan my Somalilanders.

    Gidigiin bash bash iyo barwaaqo reyreyn ku ciida.

  2. Hambalyo

    Dhamaantiin Waxaan Idin Leeyahay Ciid Mubarak Ciid WanaagsaN.

    Inkastoo somalia laga wada ciidin,

    Inta maanta ciiday dee hampalyo,inta berri ciidaysana dee berri hampalyo.

  3. Ciida wanaagsan.
    Dhamaan dadka Soomaaliyeed.
    Laga bilaabo saylac ilaa ras-kambooni.
    Laga bilaabo Ras- casayr ilaa Buulo Xaawo.
    Waxaa rajaynaynaa ciidan ciideeda,in kaga baxo maamulada qabaa’ilka,ee ay Soomaaliya noqoto dal mid ah,sida xaqa ah.
    Soomaaliya guul,midnimo iyo wadajir Aamiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*