Somaliland oo uu ka dhintay taliye caan ah

LAASCAANOOD(P-TIMES)- Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland ayaa sheegaya in gudaha magaaladaasi uu habeenkii xalay ahayd ku dhintay taliye ku xigeenkii ciidamada Asluubta Somaliland General Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle.

Saraakliil ka tirsan ciidamada Asluubta Somaliland ayaa sheegay in taliye Fooxle uu xanuun qabtay isla markaasna si deg deg ah loola cararay cisbitaalka guud ee Hargeysa, halkaas oo uu ugu dambayntii ku geeriyooday.

Madaxweynaha Somaliland ayaa tacsi u diray qoyskii, qaraabadii, asxaabtii iyo ciidamada Somaliland, waxaana uu taliyaha alle uga baryey in uu janadiisa fardows ah geeyo samir iyo iimaana uu ka siiyo shacabka oo dhan.

Taliye Cabdiraxmaan Fooxle ayaa ahaa taliye ku xigeenka ciidamada Asluubta Somaliland, waxaana uu wax badan ka qabtay dhismaha ciidamada Asluubta halka maanta lagu aasi doono xabaalaha magaalada Hargeysa oo aas qaran Somaliland ugu samayn doonto.

1 Comment

  1. TALIYUHU ALLAH HA U NAXARIISTEE WUXUU KA MID AHAA, CIIDAMADA SOMALIA , ISAGA OO WACDARO KA GEYSTAY DAGAALKII 1977 OO DHAAWAC HALIS AHI KASOO GAADHAY, WUXUU TABABARO KU SOO QAATAY WADDANKA RUUSHA, MASAR, IYO CIRAAQ,

    1989 WUXUU KU BIIRAY DHAQDHAQAAQII SNM, WUXUU SOO MARAY, CIIDAMADA ASLUUBTA, MILITERIGA IYO POLICE KA SOMALILAND, WUXUU AHAA NIN NAXARIIS BADAN, SHARCI YAQAAN AH, SHAQADIISANA LAGU AMMAANO

    ILAAHAY HOW NAXARIISTO

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*