Trump oo saxiixay amar ka dhan ah shirkadaha baraha bulshada

LONDON(P-TIMES)- Madaxwayne Donald Trump ayaa saxiixay amar madaxwayne oo looga gol leeyahay in meesha looga saaro qaar kamid ah shuruucda lagu difaacayo shirkadaha baraha bulshada.

Waxa uu amarkan siinayaa hay’adaha fuliya sharci in talaabo sharci ay ka qaadaan shirkadaha baraha bulshada sida facebook-ga iyo Twitter-ka.

Madaxwayne Trump ayaa markii uu saxiixayey amarkan ku eedeeyay shirkadaha baraha bulshada in ay yihiin awoodo aan lala xisaabtamin.

Amarkan cusub ee uu madaxwaynaha saxiixay ayaa waxaa la filayaa in uu la kulmo caqabado dhanka sharciga.

Khubarada dhanka sharciga ayaa waxay sheegeen in isbadalka lagu sameynayo xeerarkan ay ahayd in ay ku lug yeeshaan aqalka congreska ama maxkamadaha dalkaasi.

Mr. Trump ayaa si joogta ah ugu eedeeynayay shirakadaha baraha bulshada inay faaf reeb ku samaynayaan codadka iyo fikradaha asliga ah, waxaana uu shirkadda Twitter-ka iska leh uu ku eedeeyey in ay faragalin ku samaynayso doorashada ka dib markii ay shirkadda dul saartay qoraa uu so dhigay in xaqiiqadiisa la iska hubiyo.

Shirkadda Twitter-ka ayaa sidoo kale intaa ku dartay ” in la iska hubiyo xaqiiqooyiinka ku saabsan Covid-19″ ka dib qoraal uu bartaasi soo dhigay afahyaeenka dowladda Shiinaha oo sheegay in asal ahaan uu Corna ka yimid Maraykanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*