WARBIXIN:Puntland oo noqotay fagaaraha dagaalka, Denni Lagdintii Dhoobo & Loolanka Karaash

GAROWE(P-TIMES)- Tan iyo markii uu soo shaac baxay khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Denni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa gudaha magaalada Garowe iyo guud ahaanba dalka laga dareemayey hirdamanka adag ee u dhaxeeya labada hogaamiye.

Khilaafka Denni iyo Karaash oo soo bilaabmay xili hore ayaa marxalado kala duwan soo maray, waxaana Denni iyo Karaash ay mar isku af dhaafeen isku shaandheyn lagu samayn rabay gollaha wasiiradda, agaasimayaasha qaar ee wasaaraddaha Puntland iyo xubno kala duwan oo uu magacaabay madaxweynuhu, waxaana 14-kii bishani soo shaac baxay khilaafka kadib markii Karaash uu soo saaray wareegto burinaysa magacaabis uu sameeyey isla maalintaasi madaxweyne Denni.

Axmed Karaash oo wareegtadiisa u cuskaday la tashi la’aan uu ku kacay madaxweyne Denni ayaa taliye ku xigeenka ciidamada madaxtooyada Puntland oo uu madaxweynuhu xilka ka qaaday waxa uu amar ku siiyey in uu sii wato hawlihiisa shaqo isla markaasna uusan u hogaansamin amarka Denni ee magacaabista taliyaha ciidamada madaxtooyada iyo ku xigeenkiisa ah.

Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo uu hogaaminayo gudoomiyaha Baarlamaanka Abwaan C/rashiid Yuusuf Jibriil ayaa kulamo la qaatay madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash si xal loogu helo khilaafka kala dhaxeeya Saciid Denni.

Mr. Karaash oo kulankaasi oo warbaahintu dibad joog ahayd waxa uu u sheegay xubnihii la kulmay in uu marar kala duwan sameeyey dulqaad iyo samir, hasa yeeshee taas badalkeeda madaxweyne Denni uu sii xoojinayo kuna sii dhiiranayo samaynta falal lidi ku ah dastuurka.

Qodobada ugu weyn ee uu cuskaday Karaash ayaa waxaa kamid ah in Saciid Denni uu sameeyey xiliyo kala duwan magacaabis isaga oo aan wax la tashi ah la samayn ku xigeenkiisa sidaas darteedna uusan mar kale samayn doonin Axmed Karaash dulqaad kale isla markaasna wixii haatan ka dambeeya ay kawada socdaan magacaabista xubanaha soo kordha labada hogaamiye.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Denni oo kulanka Karaash kadib gudoomiye Abwaan C/rashiid Yuusuf Jibriil iyo xildhibaanaduba ay la wadaageen xogta waxyaabihii kasoo baxay kulankii Karaash ayaa dhankiisa sheegay in uu kusii adkaysanayo ujeedkiisa una hogaansami doonin qodobada iyo shuruudaha kasoo baxay Axmed Karaash, iyadoona arintaasi ay waji kale u yeeshay xiisada u dhaxaysa labada hogaamiye.

Magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa waxaa soo gaadhay labo ciidan oo la kala safan labada hogaamiye, waxaana xaaladu ay faraha ka baxday markii Denni ay saaxiibadiis kula taliyeen in ciidamo badan uu diyaarsado si uu weeraro Axmed Karaash.

Qorshahani oo ay ka dambayso kooxda Aaran Jaan ayaa waxaa hor boodaya xubno u dhow madaxweyne Denni, kuwaas oo dajiyey nidaam ah in xilka laga tuuro Karaash laguna badalo Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan oo kamid ah xubnaha ugu fir fircoon ee kooxda Aaran Jaan balse Karaash oo xogtaasi helay ayaa diyaarsaday ciidamo badan, kuwaas oo uu iskugu keenay duleedka Garowe si ay u qayb uga noqdaan arimaha haatan socda hadii ay isku badalaan xiisado dagaal.

Dadka indha indheeya siyaasada ayaa madaxweynaha ku dhaliilaya in uusan muhiimad gaar ah siinaynin daganaanshaha Puntland oo uu yahay shakhsi ka shaqaynaya abuurista dhibaataynta shacabka maadaama xiligani lagu jiro wakhti adag loona baahnaa in ay xukuumaddu muhiim gaar ah siiso sugida iyo xaqiijinta amaanka Puntland oo faraha kasii baxaya marba marka kasii dambaysa.

Magaalada Gaalkacyo ayaa todobaadkani lagu dilay gudoomiyihii gobolka Mudug, waxaana kasii horeeyey geeridiisa 49 cisho ka hor qaraxii badhmaha Garowe lagu dilay alle ha u naxariistee gudoomiyihii hore ee gobolka Nugaal C/salaan Gu’ jir halka magaalada Boosaaso iyo qaybo kamid ah gobolka Mudug ay ka dhaceen weeraro kala duwan oo sababay dhimasho iyo dhawaac bilihii ugu dambeeyey.

Xag xagashada Denni dan ma u tahay Puntland? Mala sii wada joogi karaa Puntland isagoo uusan jirin wax khilaaf ah?

Marka aad si guud u eegto geedi socodka siyaasada xukuumadda Denni waa mid ku dhisan nidaamka kali taliska ah, waxaana tusaale dhow inoogu filan diidmada qayaxan ee xukuumaddu ay la taagan tahay meel kasta ee deeqaha dowladda dhexe loo soo mariyey, marin habaabinta shacabka, hanjabaada iyo xadhiga lagula kacayo cid walba oo dhaliisha siyaasada dowladda iyo shakhsiga diida afkaarteeda ee awooda ku leh Puntland oo nidaam adag lagula dhaqmayo.

6-dii bishii November ee sanadkii 2019 ayey ahayd markii ciidamo ka tirsan kuwa madaxtooyada Puntland oo ku hubaysan gaadiid dagaal ay gudaha u galeen xarunta Baarlamaanka Puntland, kadib dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac.

C/xakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed oo xiligaasi gudoonka Baarlamaanka waxa uu ku eedeeyey xukuumadda in ay ka dambaysay weerarkaasi, waxaana khilaafkii u dhaxeeyey isaga iyo madaxweyne Denni uu sababay dhimashada dad badan oo aan waxba galabsan halka qorshahaasi oo ay soo abaabushay kooxda Aaran Jaan lagaga takhalusay Dhoobo isla habeenkii weerarku dhacay kadib mooshin gacan ku rimis ah oo Baarlamaanka la horgeeyey.

Jaah wareer siyaasadeed iyo deganaansho la’aan ka dhalatay dhacdadaasi waxa ay sababtay in khilaaf ay ka abuurto gudaha Puntland, waxaana xaalku isbadalay markii Denni uu gollaha wakiiladda u dhiibtay shakhsi kabo qaad u noqon kara waana Abwaan Jibriil.

Puntland khilaaf uma baahna ee waxay u tahay hogaamiye daacad u ah bulshada una adeega kuna tiirsanayn koox, taas oo marsan karta madaxweynaha danahooda siyaasadeed.

Hadaba maxaa dhacay lix bilood kadib? Maxaase kusoo kordhay Puntland?

Waa khilaafkani iyo qorshe kale oo madaxtooyada ay ku doonayso in ay ku loodiso awooda labaad ee Puntland waana madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash oo lala damacsan yahay in uu maro wadadii Dhoobo Daareed.

Hadaba sidee bay ku dhici karaa arintani? Axmed Karaashse ma noqon doonaa shakhsi ka guulaysta waxaas oo dhan?

Waa su’aalaha ay is waydiinayaan bulshada reer Puntland, waxaana aan ku cabiri karnaa in madaxtooyada iyo Aaran Jaan oo is wata ay doonayaan in ay abuuraan xiisad taas oo sababi karta caqabad kale.

Qorshaha ugu muhiimsan ee Karaash laga leeyahay ayaa ah in daan daansi lagu sameeyo ka hor inta aan la tijaabin awoodiisa, taas oo qaadan karta wakhti badan una baahan in la kala fur furo.

Cadhada Karaash ayaa qorshuhu yahay in laga faa’iidaysto lana helo goobo laga soo weeraro, taas oo Aaran Jaan haatan ay u aragto faa’iido maadaama ay haysato xidigo ku haboon ciyaarta halka lagu aadi doono Axmed Karaash wasiir ku xigeenkii hore ee Maaliyadda Puntland Cabdi Qowdhan oo isku gobol ay kasoo wada jeedaan, kaas oo damac badan uu kaga jiro xilka Karaash.

Ma cada saadaashu lamana qiyaasi karo cida ay raaci doonto guushu balse waxaa hubanti ah in xukuumaddu ay ka dhex faashlaynayso abuurista marxalado dhibaatayn u ah bulshada halkii ay wax ka qabnayd sugida amaanka, horumarinta bulshada iyo la dagaalista cudurka Coronavirus oo dhibaato ku haya caalamka oo dhan kiisas badana laga helay Puntland gudaheeda.

Ammanka Caasumada Puntland oo la adkeynayo.

DEG DEG:Axmed Karaash oo ciidamadii ugu badnaa soo dhoobay duleedka Garowe & Xiisada dagaal oo taagan

22 Comments

  1. Waa run inuu madax adagyahay loomanah bahana wakhtigaan lakiin waxaa igu su aalah karaash unuu laba nin oo dhulbahanta mid jeclaado oo reerka gaarsiyo ma caqli hogaamyaa?

  2. Karaash waa sooma jeeste
    Car halagaa adkaado waa in ciidamada aad soo dhoobtey a an LA jabin oo meeshaa guulkasoo hoysaa
    Adiga badhasaabka #MAJEERTEN lagu arka gobolka nugaal

  3. Calaacalka iska daa VIVo DeNi Siciid
    Wixii wadanka curyaminaya loo majoojinayo dad kula nool oo dana kisheeqaya dankuu mahayaan wixiin madax waayeha lashaqeeny karin haka tagaan

  4. Karaash in lala tashado xaq dastuurku siiyay weeye. Lakiin inuu yidhaahdo (hadii uu run yahay warka aan dad xogagaala ka maqalay) dhulbahanta Garoowe jooga kii xil laga qaadayo iyo kii lasiinayaba anaa ka masuula, maaha wax macquula. Taa macnaheedu waxa weeye in Puntland laba dawladood (iskaashato) oo isku hoos jira leedahay. Ciidan beeleed iskaashato ah & Dawlad iskaashato ah shacabka Puntland nabad iyo horumar gaadhsiin mayaan.

  5. Dhulbahante waa Marti, martiduna saddex cesho kabadan xaq sooryo kuguma laha. Xilligii humbaalaynta waa dhammaaday. Waase yaabe nimanka dhulbahante oo hargeysa Somaliland lajooga salaadda xataa masaajidada safka hore looma ogola oo kabaha meesho ladhigto agteeday kutukadaan, Puntland markii Taaj looxiray isla badbateen. Haddaa cimaamadda lagaa tuurayaye sidee yeelaysaa Karaashow. Ma laascaanood baad Somaliland ugacan galineysaa kkkkk, sorry taa walaalkaa Xaabsadaa markuu hinaasay kaaga hormaray maantana isagoo gacmaha iyo luguhu badhadheen buu Garoowe marti kuyahay oo xataa magaaladuu laduday mategi karo. Sirqadii kurabtaa lasidankaraa ee Muusow dhulbahante waa kaa.Gacanta reer Puntland wali xishood baa kuharay ee jeedalkii ladhaca anigu dhalfadii oranmaayee.

  6. Jama
    Afkaaga hagaajiso naa naabyahow. Waxaa laga doodayaa siyaasad. Karaash waa shaksi; maxaa kugu kelifay inaad reer dhan aflagaadayso? Dhulbahante waa reer sharaf leh, Somaliland sharaf bay ku leeyihiin oo waaba dhulkoodii.

    Aad baad u akhlaaq xuntahay.

  7. Waxaan la yaabbanahay inkastoo puntlandtimes ka furfuran tahay, ka xorsan tahay, ka galgal iyo gacantogaale dheer tahay giddi inta website ay leeyihiin shakhsiyaad ku abtirsada Puntland oo iyaga websiteskooduba yihiin absolutely useless, haddana, marmar waxay u egtahay in puntlandtimes ay ku talaxtagto dabagalka iyo naqdiga dowladda Puntland.

    Horta dagaal dhicimayo, Ishaa Allaah, Deni iyo Karaash iyi guud ahaan reer Puntlandna ka xikmad iyo waayo-aragnimo dheer dad ku dagaallama xil qof loo magacaabayo amase laga qaadayo. Waxaa laga yaabaa Karaash inay gubeyso inuu dareemayo tixgalin la’aan oo uu qabo ciil isbiirsaday, waana wax laga garaabo. Haddiise arrintu ku salaysan tahay tuhun ah in Karaash wato ajende looga soo yeeriyey villa Somalia, markaas nasiibdarro, majiro xal ahayn ahayn Alloow ninkii roon reerka u reeb, sababtoo ah waa qaddiyad u ah Puntland geeri ama nolol.

    Ugu dambeyn, kuwa leh websiteska ku abtirsada Puntland oo qaarkood soo jireen dhowr iyo toban sano, waxaan oran lahaa: sidan wax ka beddela. Hagaajiya tayada websiteskiinna. Ka hadla arrimaha Puntland. Sameeya baaritaan (investigation). Dadka u oggolaada inay maqaallo kusoo qoraan bogagga hore ee websiteskiinna. La tartama websiteska reer Muqdisho oo idin dhaafay oo siigada idin ku reebay. Haddii kale soo qora dhowr cinwaan warar aad meelo kasoo copygareyseen.

    Puntlandtimes waxaan ku oran lahaa soo qora wararka iyo dhaliilaha khuseeya Villa Somalia si la mid ah kuwa Puntland.

  8. Waxa hadda ka dhacaya Puntland toban sano ka hor 0baan sheegey.
    Puntland labo wado midkood baa u furan :
    1-In Puntland noqoto meel lawada leeyahay oo Daarood dhan ka wada dhaxeysa ka dibna dhulka Daaroodka laga saaro iidoorka.
    2-In Puntland noqoto dhul Majeerteyn lagusuna yimaado Shir weyn arrinkaas lagu go’aansanayo.
    Labadaas arrimood wax ka dhaxeeya ma jirto.
    ILAAHOW yaa Puntland ii dhiibaa wallaahi iidoor kama aysan sokeeyeen burco.

  9. ERI Boowe Budhlijn waa ay budhbudhay awalba meesha waxba kuma hayn dhuloos ayaa u dagaalami jirey iyagiina UfUf ayay yidhaahdeen, dhuloos maad qabsataan garoowe meesha rag ma joogee,

  10. Bal khaniiskii xumaaye Eeyduur baa halkaan dood iyo faalo ka bixinaya hhh waaryaa Eeyduur sowracaagiyo sumadaadu gawaadnimay ahayd iyo inaad haweenkiina rag kale u fataashid ee maxaa xaajo rag iyo danaha reer Puntland ku dhex galiyay khaniis yohow buka? Naagihiina aad u fataalayso siduu AIDS-ku ugu batay waanu ka cararnaye na dhaaf

  11. dagaal ma dhacayo saan filayo,
    deni-na runtii kelitalis_nimo ayuu wadaa;ciddi dhaliisha na jeelka ayaa yaqaan,deni intuu dhaho xiriirka ayaanu u jarnay DF ayuu marki puntland fawdo ka dhacdana DFS ku eedeyaa!,waxa u danbeeyey qaraxi galkacyo!,allow sahal.

  12. Caliizha

    Habeen wacan quruxeey!kkk

    Deni 4 sanno ayaa u doorateen madaxweyne. Ha dhamaysto qaylada ka daaya! Mida kale adiga laftaada yaan nalaga kaa xidhin ee mucaaradnimada yaree.kkk kkk kk

  13. Website-kan labadii usbuuc ee ugu danbeeyay, dad bilaa akhlaaqa oo is eryana-yaa soo galee xagay kasoo qaxeen?
    Waar waxaan malaa dad ma dhaline dameer dabadiisay ka soo dhaceen!kkk kkk kkk

  14. @eeyduur.
    Uf! uf! Uf! Eey uraya oo malax iyo huunyo daadinaya baa tahay sida magacaagu tilmaamayo. Halkani gole fadhi-kudirir iyo fuxshi ma aha. Puntland difaac uguma baahna eey tortoray. Ramadaanka xitaa xushmaynmsysid. Lacnatullaahi calayk!

  15. Walaalahay puntland intii aad Ku mashquuli lahaydeen dhulka maqan arintaan halasoo afjaro wax noo cuntami kara maaha walaahi waa wax fudud waxaan maqlay in islaan ciise iyo garaad Cali ciid kujiraan .puntland time buunbuuninta yaree

  16. Yoocada

    kkkk,waar heedhe 4sano oo silic iyo rafaad ah ma rabno damaashaad baan rabnaa,kkk,ee yaa naga qabta duqan!,midba midkuu ka dhaga adag yahay waa ka dambeeyaa,kan{deni}asad diano ayaaba noo dhaami lahaa sow maha,hhh,allow ummadan silloon naga qabo.

  17. Salka khilaafku waxa weeye Karaash wuxu rabaa in isaga looga dambeeyo arimaha Sool iyo Cayn,masuulkii la magacaabayo ee Dhulbahante ah inuu isagu soo xulo,cid uu ka raali yahay uun madaxweynuhu magacaabo,waxana muuqata xafiltan Dhulbahantaha dhexdiisa ah.

    WAXA KALE OO JIRTA IN DENI IYO AARAN JAAN RABAAN IN KA TAKHALUSAAN KARAASH,KUNA BEDELAAN INAADEERKII QAWDHAN,WAANA SABABTA KARAASH DIFAAC U GALAY.

  18. Khaniiskii Eeyduur oo marba magac Soo qaadanaya.

    Khaniiskii aan isku kalsoonayn o afka iyo futada ka xaari jiray baa qof nasaba o xishooda iska dhigayay.
    Waanu ku naqaan yaa khaniis Eeyduur inaad 5 magac qaadatid ood adigu isu jawaabtid si aad ra’yiga dadka Puntland u khaladid adoo marba qolo aflagaadaynaya..

    Khaniis Eeyduur waanu ku ognahay magacyada 5taa aad webkan wax ugu qortid si aad isaga horkeentid muwaadiniinta Puntland

  19. Ey doodle.
    Ka fadhiiso magaalada wax yahow dhintay Khaaaa tuf war umada sooman ha danbaajin Yaa Xayawaan Ahbal, meel xun buu kusoo koray kani ciil kama kore weeye boga iyo beerka malaxi ka buuxdo bal muxuu umad dhan ku caayayaa ibnu xaaraan iga dheh.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*