Wasaaradda Caafimaadka Somalia oo shaacisay kiisas hor leh

MUQDISHO(P-TIMES)- Wasiirada wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa ka warbixiyay xaaladaha cusub ee kasoo kordhay caabuqa Covid 19, waxaana wasiiradu xaqiijisay 47 xaaladood oo cudurka COVID-19 ah.

Puntland ayaa laga xaqiijiyay 19 xaaladood, Somaliland ayaa laga helay 8 xaaladood, gobolka Banaadir 13 xaaladood, halka Koonfur Galbeed laga xaqiijiyay 7 xaaladood oo cusub.

Warbixinta wasaaradda ayaa u dhignayd sidatan:-

> Laga Helay: 47
> Puntland: 19
> Benadir: 13
> Somaliland: 8
> Koonfur Galbeed: 7

> Lab: 42
> Dhedig: 5
> Bogsasho: 15
> Dhimasho: 2
——————————–
> Tirada Guud Laga Helay: 1,502
> Bogsashada Guud: 178
> Dhimashada Guud: 59

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*