Ajaaniib ku sugan dalka oo laga helay cudurka Coronavirus

HARGEYSA(P-TIMES)- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay natiijada dad looga shakisnaa cudurka Coronavirus, kuwaas oo baadhitaano lagu sameeyey qaarkood laga helay cudurka.

Warbixin kasoo baxday Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa lagu sheegay in baadhitaano la sameeyey 24kii saac ee ugu dambeeyey laga helay 26 qof, kuwaas oo kamid ah 80 qof oo baadhitaan lagu sameeyey.

Lix iyo labaatanka qof ayaa laga helay xanuunka, kuwaas 22 kamid ah yihiin Somalilanders, halka afarta qof ee kalena ay u dhasheen dalka Hindiya.

Bukaanadan cusub ayaa 19 qof oo kamid ah ay yihiin rag halka todobada kale ay yihiin dumar, waxaana da’doodu u dhaxaysaa sida warbixinta lagu sheegay sidatan:-

(10jir ilaa 19jir = 2 qof)
(20jir ilaa 29jir = 9 qof)
(30jir ilaa 39jir = 7 qof)
(40jir ilaa 49jir = 6 qof)
(50jir ilaa 59jir = 1 qof)
(60jir ilaa 69jir = 1 qof)

Dadkan ayaa kala degan Hargeysa 13 qof, Borama 7 qof iyo Ber-Bera 6 qof, waxaana cudurka ka bogsaday shan qof taas oo tirada guud ka dhigaysa 48 qof.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*