Baarlamaanka Somalia oo ansixiyey xeerka kuraasta deegaamaynta dalka

MUQDISHO(P-TIMES)- Xildhibaanada gollaha shacabka ee Baarlamaanka ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xeerka deegaameynta kuraasta gollaha shacabka iyo kuwa aqalka sare.

Sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha gollaha shacabka 144 ayaa ogolaatay codayntaasi, waxaana ka aamustay 4 xildhibaan halka ay diiday codayntaasi 2 xildhibaan.

Xeerka deegaameynta ayaa ah mid maalmihii lasoo dhaafay cabasho badan ay ka timid maadaama xidhibaanada qaarkood ay meel ka baxsan deegaankooda ay kursiga la aadin.

Shaki badan ayey ka muujinaayeen siyaasiyiintu talaabada maanta ay qaadeen xildhibaanada gollaha shacabku, waxaana hore u diiday qaar kamid ah maamul goboleedyadda ka jira gudaha dalka.

10 Comments

  1. Siciid Deni sumcadda wanaagsan ee uu u dhimanayo in uu kala hoydo Puntland iyo tolweynahiisa Daarood ma aha mid Villa Xalane taalla ee waxay uugu jirtaa isla Puntland gudaheeda. Xamar tiyaatar siyaasadeed ayaa loo adeegsanayaa hadafkiisu uu yahay in shacabka Puntland, Jubbaland, iyo maamullada intooda kale looga jilo riwaayad khayaal ah ee calanka buluugga ah lagu guntiinadeeyay, riwaaddaas oo dagaal maskaxeed oo xooggan looga dhiganayo maan iyo mariin habaabinta shacabkan aqbaliyaddiisu uu hanaanyada dowliga ee caalamiga ka jaahilsan yahay. Waa shaxda isku dirka madaxda iyo shacabkooda ee calanka buluugga ah loogu beerlaxawsanayo tan u muuqata in uu Farmaajo mabda’iisa qallafsan ku meel marsanayo oo uu madaxda maamullada ugu tunka weyn boqonnada kaga goynayo.

    Qaladaadka straatijiga ah ee ay hoggaanka Puntland ku dhaceen waxaa uugu door roon in waagii qorshaha geeddisocodka dalka loo dejinayay ay si xun u gabeen in ay Puntland xaqeeda kaga soo aaddanaa miisaaniyadda Soomaaliya loo qoondeyn doonay toos loo guddoonsiiyo oo aan Xamar loo soo maranin. Qalad straatiji ah oo aad u xun ayuu kaasu ku noqday oo ay Puntland si ba’an u eedday. Iskayeelyeelkii “hooyada Soomaaliya” ayaynu nahay maxay maanta dhalisay? Siciid Deni hadda ayay fursaddu u taagan tahay oo waxaan kula talinayaa in uu tallaabooyinkan qaado:

    • 1. In uu shirarka ku soo aaddan bataatan ba u gooyo oo uu beesha caalamka toos ugu iclaamiyo go’aankaas.

      2. In uu dhammaan xubnaha Puntland kaga jira labada gole ee baarlamaanka Xalane iyo kuwa dowladda Farmaajo ku matala degdeg uga la soo baxo oo ay Puntland ku soo laabtaan.

      3. In uu sidaasi si la mid ah kula taliyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ay iyaguna tallaabooyinkaas qaadaan.

      Buuqa ka dhasha waxaan idiin hubaa in ay beesha caalamku isku dhex yaaci lahayd oo ay iyada oo caga caddaan ku ordaysa Garoowe iska soo xaadirin lahayd. Marka ay taasu dhacdo ayay Siciid Deni iyo Axmed Madoobe u sugnaan lahayd fursaddii ugu dahabsanayd ee ay Xamar ku muquuniyaan in ay dalabyada labadan maamul sandulle ugu fuliso ee ay ka koow tahay in xaquuqda miisaaniyadda dalka ay ku leeyihiin toos loo guddoonsiiyo waxii bishan bilanaysa laga billaabo. Shuruudaha kale na way ku daba lifaaqi lahaayeen.

      Waxaa intaas xigi lahaa in ay dakhligaas soo galay horumar degdeg ah ugu fuliyaan deegaannada xaqiran oo ay dowladahooda qummaati ugu sii tayeeyaan. Marka ay siyaasadda noqoto, RAGANIMO RAKKO AYAY KU JIRTAA OO LAGA LA SOO BAXAA. Ajeendaha Soomaaliya waxii markaasi ka dambeeya Garoowe ayaa laga daaddihin lahaa sidii waagii ay Puntland ilkaha sare lahayd.

  2. Baarlamaan maha e waa moryaan aan rabin somalinimo .Puntland go.aankey qateen haku adkeysteen wayo zamar waxaka socdaa waa fowdo iyo tuugo diidan ifkaa yar lakin anaga kaliya somalinimo waxa nadabo dhigay garan meyno o isaaq mar horuu meel iska dhigey hawiyana wakaa flwdo wada 30 sano marka intaas waxiikabadan waa xaraan banaankas galaga maro qolo walba inta eyledahay cirka hala gasho.Boodhari nin wax badan og ayad tahay hadalkana adiga dhameeywy thank wbt.

  3. waa wareey war suldaankii baa soo dhacay kkkkk. suldan @Boodhari soo dhowoow adoo mahadsan meeshaan gashaadaa waa abaaroodey kkkkk kkkkk. welcome back sxb. haddee talooyinkaas oo kalaa loo baahnaa waana kugu raacay 100% suldan. noolow.

  4. Sheekada Somalida qabiil uun Bay ku arrooraysaa xgmad intaa kabadan wa short supply. Oday kun sano kabadan mootan yaa og in ay dadka kale iska xigaan

  5. Ahlan Wasahlan Mudane Jimcaale,

    War ina adeer aad baan marka hore kuu salaamayaa. Si kal iyo laab ah ayaan kaaga mahadnaqayaa sharaftaa, tolnimadaa, iyo qaddarinto aad ii hayso aniga oo in ka badan kuu haya. Inta kula midka ahina sidaas oo kale.

    Jimcaaloow, meeshan malaha waxaad ka tahay “the silent majority” waayo wax badan kuma soo darsatid kkk. Rabbanaa Yacizak walaale.

  6. WAXAAD AAMINSAN TIHIIN FIKRAD 1960 AHEYD OO BAALI AH ,,
    1969 21 OKTOBAR ILAA MAANTAAYNU JOOGNO WIXII QISAS DHACEY CIBRO KUMA AYDAN QAADAN,,
    CABDILAAHI YUUSUF MARKUU TIGRAAY CAASIMADII SOOMALIYA U GACAN GELIYEY ISAGOO XUKUN U OOMAN KUMA AYDAAN CIBRO QAADAN,,
    CUMAR CABDIRASHIID SIDUU BADA SOOMALI IYO DEKEDADIHII BERBERA IYO BOSASO U IIBSADEY KUMA AYDAN CIBRO QAADAN,,
    FAROOLE,CADE,GAAS IYO DENI SIDEY PUNTLAND BAD ,BERI IYO MAADAARADII BOSASO IYO GAROOWE U XARAASHTEEN KUMA AYDAN CIBRO QAADAN,,
    PUNTLAND SIDEY U BURBURSANTAHEY DHAN KASTA KUMA AYDAN CIBRO QAADAN,,
    WELIGIINBA WAXAAD LA SHAQEYNEYSAAN GAALADA GUMEYSTAHA SI AAD DALKA IYO DADKUBA U DEGIN
    DHAGARTA IYO HAGARDAAMADIINU IMINKA BUURO AYEY LE’EG YIHIIN
    MARKA WAXAAD SUGTAAN INTA AMARKA ALLAH IDINKAGA IMANAYO,,

    • ASC.
      KU:Somali.
      Marka hore waxaad maqashay dad baa wax laga sheegaa oo lagu sheegaa.Marka xigta Cabdullaahi Yuusuf ujeedadiisu mid bay ahayd oo ah in uu soomaaliya u raadinayey qaran wax ku ool ah.Waxaana taas diiday kuwaad u doodaysid ee kula fakar iyo caqli ah.Waxaa maamulkii cabdullaahi ka hor yimid kuwa wali xamar ay u yaaliin Isbaarooyinku.Kuwa dagan guryaha ay dileen dadkii lahaa ee ay guryaha ku ag xabaaleen.kuwaan xalaal iyo xaaraam kala aqoon ee ad qareenka u tahay.War maxaad soomaalinimo ka ogtahay Huutuu yahoow?Muslim iyo gaaloba way ogyahiin in ay ujeedadii Cabdullaahi ahayd see loo soo nabad celiyaa qarankii soomaaliweeyn ee xamar lagu KUFSADAY.
      Haddiise uu Ina Cabdirashiid dambiyo leeyahay isagaa ka masuula.Marka ad tiri bad buu gatay ka waran haddaan ku iraahdo waxaa badda soo gad ku yiri Shariif?Mida kale Ina Cabdirashiid ma aha nin reer puntlaan la saami ah oo qolyahaas xamar ay Isbaarooyinku u yaaliin buu laxufulo yahay.
      Ugu dambayn beelaha usc dad ka mida baa soomaali ceebeeeyey oo soomaali sharaftii ka qaaday oo 30 sano diidan in soomaaliya loo raadiyo dawlad u wada dhaxaysa soomaaliweeyn.Waryaa hoos u fiiri ceebahaaga ad uga duwan tahay soomaalida kale.
      Adiga iyo inta kula rayi waligiin meel qaldan oo qaloocan oo qariban baad wax ka odorastaan.

  7. @Somali,

    Iskayeelyeelka waddaninimo ee munaafaqadda lagu suntay maandhe cawaanta ku harowso anaga waxba nagaga qaadi maysid ee. Waxaa wax walba ugu amankaagga badan in kuwiinii marka hore ba sababta u ahaa burburkii qarankeena aydun haddana dadka iskaga dhigeysaan in aad tihiin muwaaddiniin dhab ah ee Soomaaliya u damqaya, mise afhayeen u noqon kara. Jawaabtan qummaati u dhaad oo u dhuux.

    Waxaa jirta xaqiiqo saynisku qeexay ee loogu magac daray “cause and effect”. Wax kasta oo dhaca ama wax kale ama xaalad baa sababtay oo ka dambeysa. Gen. Cabdullaahi Yuusuf iyo daraawiishta xalaasha ahayd ee Xamar iyo Koonfur xoreeyay wax kallifay oo ka horreeyay baa jiraa ee miyaydun isweyddiiseen mise waad is inkirsiinaysaan? Waxaa sababay kuwiinan mooryaannimada dalka kula kacay ee shacab aan hubeysnayn dhiiggooda cabbay. Waxaa sababay kuwiinan diinteena xaqa ah inta afduubateen qaddiyaddiina qabaliga ah ku fushanayay oo shacabka Soomaaliyeed dhiiggooda iyo hantidooda idin ka xaaraanta ah ku xalaashaday. Waxaa sabab u ahaa mooryaantiina uu dalku ka xasili kari waayay oo dowladnimo iyo qarrannimo u soo laabata uga dhaariyay.

    Waxshinimadiina weeye waxa dalkeena ku sababay in ay gaaladu timaaddo. Dugaagnimadiina weeye waxa sababay in ay xabashidu qiil u hesho ay dalkeena ugu soo hawooto. Dowladnimadii iyo qarannimadii Soomaalinimo ee ay dhulkeena kaga huleelan lahaayeenna idinka ayaa weli qalad ku noqday oo ay idin ka hirgali la’yihiin. Ama magac diimeed ku shufteeya ama qabiilkiina ku mooryaaneeya ee waa idinka waxa intaas aad soo taxday oo dhan sababay. Idinka ayaa eeddeeda oo duudduuban xambaarsan. Bal janno kaga kufa haddaba.

  8. BOODHARI GABAR BUU JECLAADEY OO KA DHALATEY REERO QANI AH WAAGAAS
    ISNA FOORNDA FURANKA (ROOTIGA) LAGU DUBO AYUU KA SHAQEYNAAYEY ,,
    MARKUUSUU GABADHII UU JGECLAA U TIRIYEY GABAYO UU UGU SHEEGAAYO INUU JECELYAHEY,,
    GABADHA WAA (HODAN) MARKEYSE MAQSHEY NINKA GABAYADA U TIRINAAYA SHAQADAASNA HAYA MARKAA BEY KU TIRI MEEL CIDLA AH BAAD KU DHIMAN
    SIDII AY U SHEEGTEY BUU KU DHINTEY,,,
    ADINKU WAX U SHEEG IYO WAANO LEYDINSII BALSE DHEGAHA AYAAD FARAHA GASHATEEN OO BUUQDEEN
    SI AYDAN XAQA U MAQLIN,,
    BOODHERI SIDIISII,,
    SUGA AMARKA ALLAH INTUU IDINKA IMANAYO,,

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*