Bankiga aduunka oo Malaayiin Dollar ugu deeqay Somalia

NAIROBI(P-TIMES)- Agaasimayaasha Bangiga Adduunka ayaa maanta oggolaaday deeq $ 40 milyan oo ah Kaalmo Horumarineed oo Caalamiga ah oo loogu talagalay Soomaaliya taas oo qayb ka ah Barnaamijka Waxqabadka Degdegga ah.

Lacagtaan ayaa la doonaya in wax looga qabto halista Ayaxa ka jira Soomaaliya oo ku habsaday degmooyin badan oo ka mid ah dalka dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in Ayaxa uu saameyn xoogan leh ku yeeshay qaab-nololeedka ku-dhawaad 2.6 million oo qof oo ku nool 43 Degmo oo ka tirsan Dalka Soomaaliya, iyadoo ay qeybta Beeraha lafdhabar u tahay 75% Dhaqaalaha Soomaaliya.

“Khatarta duulaanka ah ee ayaxdu waxay sii xumaynaysaa dhibaatada bina-aadamnimada ee ka jirta Soomaaliya isla markaana horseedaysa helitaanka cunno yari, dakhli lumis, iskahorimaad ku saleysan kheyraadka iyo xulashada socdaalka oo xadidan,” ayuu yiri Agaasimaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Felipe Jaramillo.

“Waxaan taageereynaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay dejiso nidaam ilaalin bulsheed oo hoos yimaada barnaamijka Baxnaano kaasoo si dhaqso leh uga jawaabi kara si looga ilaaliyo beeraleyda iyo xoola dhaqatada, inay ku dhacaan heerar qoto dheer oo cunno yari, iyo sidoo kale ka hortagga iibka / luminta hantidooda wax soo saar” ayuu hadalkaasi kusii daray.

5 Comments

  1. Waa lacag la lunsanayo oo Somalia lagu yeelanayo. Waxaa kala qaybsanaya farmajo iyo xulufadiisa iyo shaqsiyaad gaar ah ee world bank ka shaqeeya. Xukumada waxkhtigeedu dhamaadka yahay ayaa 40 malayan jeebka loogu shubayaa. farmaajo iyo kooxdiisa waxaa kasoo gaaraya 4-5 milyan oo uu laaluush doorasho ku bixiyo inta kalena waxaa jeebka ku shuban ajaanib. . Barri’na aniga iyo adiga ayaa bixin deyntaas.
    Caqli African wakaas

    • ASC.
      KU:Abdiweli.
      Mar laga joogo ku dhawaad 10 sano baa la soo qoray in soomaaliya Dayn loogu leeyahay 29 billion oo ah us dollars.Sida jirta waxaas lacago xamar lagu shubayo axsaan kaliya ma aha ee muraadyo badan baa laga leeyahay.Haddii deeqo la bixinayo maa loo qeybiyo gobalada dalka oo dhan?ILLaa nimanka loo dhiibaa lacagahaas ma wada gaarsiiyaan soomaali oo dhane.
      Ujeedooyinka lacagahaas waxaa ka mida in laaluush loo bixiyo oo qaarna dad ku muraadsadaan si ay u sii lunto midnimada soomaaliya.Meeye wixii malaayiin loo dhiibay maamulkii Xassan Shiikh?Meeye wixii lacago loo dhiibay Cabdiqaasim Salaad?Kuwii Shariif loo dhiibay meel ha ku sheego.Daymahaasna soomali oo dhan baa laga rabi doonaa in ay soo gudaan.Waa lacagihii xamar lagu qeybsaday.

  2. @@@ Abdiweli salaan sare.

    Waa sida aad sheegtay oo lacagtaa qof kasta oo Soomaali ah oo aay ku jiraan kuwa dhalan doono ayaa madaxa saaran doono.

    Laakiin waxaan ka xumahay, xitaa haddiiba aay dhacdo in aay Soomaali wax kasoo gaaraan, waxaa lagu dayac tiri doonaa Magaaladaa Qabuuraha u eg, ee kuwii aragaa u yeelay aay hadana sugayaan in mar kale loo dhiso si aay markale u diirtaan!! Kkk

    Mu’min God labo jeer lagama qaniino, haddiise aay dhacdo, qofkaasi Mu’min ma aha.

  3. Kuwaas ayagaa ayax ah markaas ayaa la leeyahay ayax malaayiin dollar wax uga qabta!!!!!!

    MOGADISHU WAA QABRIGA DEEQAHA

    XABAAL AAKHIRO U DULEESHA WAX LAGU RIDO MA MUUQDAANIIN.

    ONE WEAK AYAA WORLD BANKU SIIYAY 95 MILYAN MANA MUUQANAYSO.

  4. ASC.
    Kawarama kuwa xamar bur-buriyey haddii ay leeyahiin waxaa soomaaliya qaribay oo xumeeyey xamar waa reer puntlaan?Mid kuwaas ka mida baan mar dhexdaasa ku iri war heedhee magaalooyinka puntlaan waxaa loogu yimid xaafiisyadii dawladdii hore oo an hal qalim laga qaadan oo hal dariishad la jabin.Idinkuna waxaad diirateen waayiradii oo ad la soo baxdeen tuubooyinkii dhulka ku aasnaa.War wax ad dhaafteen ma leh.War ma dad reer puntlaan ah baa xamar guryo daaqadaha kala baxa?Waxaas xun oo dhan waxaa lagu yaqaan dad idin ka mida oo aydnaan kula yaabin.Calaa kulli xaal xamar waxay ka furteen Kawaanka dadka lagu qalo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*