Cudurka laga cabsi qabo oo ka dilaaci raba Shiinaha

LONDON(P-TIMES)- Saynis yahano u dhashay dalka Shiinaha ayaa ogaaday in waddankaas uu ka jiro xanuun horleh oo lamid ah feyraska corona, kaas oo noqon karo cudur safmar ah sida feyraska hadda dunida ay la daala dhaceyso.

Xanuunkan ayaa dhowaan lagu arkay xayawaanka doofaarka, waxaana sidoo kale ay seynisyahandu sheegeen in uu ku dhici karo ban’iaadamka.

Cilmi baarayaasha ayaa ka walaacsan in xanuunka uu si sahlan ku faafi karo dadkana ay is qaadsiin karaan lagana yaabo in dunida oo dhan uu ku faafo.

Inkastoo hada dhibaato taagan uusan ahayn hadana khubarada caafimmaad ee ogaaday xanuunkan waxay sheegeen in uu leeyahay calaamado badan oo muujinaya in dadka ay qaadi karaan, waxayna intaas kusii dareen in loo baahan yahay in si dhaw loola socdo cudurkan.

Walow uu cusub yahay hadana waxay dhaqaatiirta saynisku ka digayaan khatarta uu leeyahay cudurku, waxaana ay ku baaqayaan in loo baahan yahay talaabooyin lagu xadidayo faafidda cudurkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*