Xildhibaano badan oo diidan Matalaada G. Banaadir & Kuwa taageersan oo cabsi laga qabo in ay isku dhacaan

MUQDISHO(P-TIMES)- Kalfadhiga baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya ee aan wali furmin maanta ayaa looga doodayaa arrimaha la xariira Matalaada gobalka Banaadir, dooda ugu culus ayaana ka taagan Mooshin ay shalay gudbiyeen 130 Xildhibaan oo inta badan u badan Xildhibaanada beelaha Koonfurta oo ay ku doodayaan in ay waajib tahay in 13 Senator loogu daro Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Laakiin doodaaas waxaa si adag uga hor yimi Xildhibaanada laga soo doorto Dawlad gobaleedyada Koonfur Galbeed, Jubbaland & Puntland, waxayna sheegeen in aysan suuragal aheyn in la furo tiradda xubnaha Aqalka Sare, loona baahan yahay in matalaada beeluhu ku qaateen dawlad gobaleedyada ay dib u soo ceshaan.

Sidaas oo kale Xildhibaanada ugu badan ee Digil & Mirifle ayaa dooda ugu badan galinaya sidii meelmar looga dhigi lahaa in xubnaha haddii la ansixiyo ay tahay in kahor loo qeybsado hanaanka awood qeybsiga beelaha ee 4.5, taas oo kaliyana ay tahay wadiiqada saxda ah ee lagu gali karro arinta.

Maamul gobaleedyada Puntland, Koonfur Galbeed & Jubbaland ayaa ilaa xalay dadaal badan ku bixiyey in lahakiyo qorshaha gobalka Banaadir, waxayna culeys ku saareen guddoonka baarlamaanka Faderaalka in ay arrimahaas yihiin kuwa siyaasadeed oo aysan aheyn waqtigii la furi lahaa.

In matalaad uu helo gobalka Banaadir ayay isku raacsan yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadda, balse dooda ugu xooga badan ayaa kataagan sida loo wadaagayo, waxayna caasumadu ka mid ahayd meelaha ay wadajir u daganaayeen beelaha Soomaaliyeed.

Buuq iyo Sawaxan ayaa cabsi laga qabaa Kalfadhiga baarlamaanka ee maanta oo waan wali furmin.

3 Comments

  1. Aqalka sare waxaa la yiri, 18kii Gobol oo min Sadex ah ha lagu saleeyo 3×18=54. Taas oo uu haddaba aqalka Sare si dadban ugu saleeysan yahay.

    Beesha Hawiye waay diiday oo waxaay tiri, yeeli meeyno in lagu qeeybiyo 18kii Gobol oo Siyaad Barre ayaa u badiyey, beeshiisa Daarood.

    Haye waxaa la yiri, maamul Goboleed ha lagu qeeybiyo. Beesha waxaa u soo baxay, in aay helayaan hal Maamul Goboleed oo ka kooban. Gobolada Sh. Dhexe, Hiiraan iyo Galgadood. Fawdo ayaay sameeyeen oo Galgaduud iyo Kuufurta Gudug oo Gobol iyo Bar ah ayaay maamul ku sheegeen oo aay ku soo qaateen, 8 Aqalka sare ah, kuwaa oo lagu daray, 8 Hiraan iyo Sh. Dhexe ah.

    Markaa ayaay hadda jeebka kala soo bexeen, Gobolka Banaadir oo aay rabaan in aay ku qaataan, 7+ Xidhibaan. Waxaa cajiib ah, Hawiye haddii uu horay u diiday in Gobol wax lagu qeybsado, waa maxay Waxa aay hadda Gobolka Banaadir ku raadinayaan?!

    Hawiye muxuu xaq ugu lahaa 54ta aqalka sare?
    Banaadir=3
    Hiiraan =3
    Sh.dhexe=3
    Galgaduud=2
    Mudug =1.50

    Wadarta guud =12.50 Xildhibaan.

    Hadda muxuu haaystaa?

    Hiiraan + Sh. Dhexe=8
    Galgaduud + K.Mudug=7
    Wadarta guud=====+=15 xildhibaan???

    Marka, Dulmigaa hore ayaa reerkan u meel maray, markaa ayaay rabaan in aay Banaadir oo aay xidhibaanadeedii horay si musuq ah ugu qaateen, in aay kuwa kale ku helaan!!!!

    Haddii Raaskaambooni iyo Dooloow oo isu jira, 800km kana kooban 3 Gobol lagu bixiyey 8 Xildhibaan, sidee Balcad iyo Gaalkayo oo isu jira 700km, kana kooban sadex Gobol iyo bar loogu qaatay, 15 Xildhibaan?!

    Dalkan Daarood iyo Hawiye sidii aay ugu wada noolaan lahaayeen, si dhab ah ha oga wada hadleena!!!!

  2. Golaha Sanadku waa 54 waana min 3 Sanater Gobolkiiba ee halayska daayo damaca khilaafsan Dastuurka Fedaraalka ee ku meelgaarka ah.

  3. Horta Xamar sidee gobol iyo caasimad maqaam gaar leh u wada noqonaysaa?

    Washington DC waxaa ku nool 7 milyan oo qof, hal xildhibaan kuma laha labada aqal Congresska. Waxaa sidaa loo yeelay inaan qolo awood gaar ku yeelan ee stateska oo dhan u dhexeyso. Itoobiya — Addis Ababa iyo Diri Dhaba kama tirsana state gaar ah, gobollona ma aha; waxay leeyihiin maqaam gaar ah (special status).

    Xamar haddii ay ugu badato waa 30km × 20km. Haddii kor looga fujiyo daaraha iyo waddooyinka ka dhisan, waxaa soo baxaya buqcad bacaad ah oo ay ka baxaan tiitiin, dalluug, iyo boocbooc. Intaas cid doonaysa ma jirto. Daaraha ka dhisan waa qaar la wada leeyahay iyo kuwo gaar loo leeyahay. Villooyinka degaanka ee ugu waaweyn uguna qurux badan, waxaa leh dowladda. Haddii dadkii deggenaa laga qixiyey, taas ma aha in qolo gaar u leedahay.

    Xamar caasimadnimada waxay ku heshay privilege, markaas xuquuqna (rights) way inay ka tanaasushaa.

    Waxay ku doodaan Xamar baa canshuur laga qaadaa. Oo cashuurtu sow iyaga kuma noqoto? Yaa iska leh hoteellada, makhaayadaha, suuqyada, dukaannada, gawaarida public ah iwm. Qofka shaqaalaha ah sow mushaarkiisu intaas iyo in kale uma baxo?

    Waxay ku doodaan, ‘Xamar 3 milyanaa ku nool!’. Waa faan maran. Sannadkii hore ayaan tagay, 30 sano kadib. Waagii dowladdu jirtay dadkii ku noolaa baa ka badanaa oo aan 2 milyan gaarin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*