DEG DEG+DHAGAYSO:Puntland oo ku dhawaaqday in ay noqonayso dowladd gaar ah

GAROWE(P-TIMES)- Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka dowladda Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame oo waraysi siiyey Idaacadda laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa si guud uga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, mowqifka Puntland ee matalaada gbolka Banaadir iyo xeerarka dooashooyinka dalka oo ay ansixiyeen gollaha shacabka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha oo ugu horaynba ku dheeraaday hanaanka doorasho ee dalka ayaa madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyey in ay wadaan qorshe muddo kordhin ah, kaas oo ay ku doonayaan in ay kusii joogaan talada dalka maadaama aysan samayn isku day doorasho oo dalka ka dhacda sida uu sheegay.

Madaxtooyada Puntland iyo xubno kale oo badan ayuu sheegay in ay dhaliilo kala duwan ka qabeen markii horeba qaabka doorashadu ay dhici doonto, kuwaas oo soo jeediyey talooyin kala duwan.

Ismaaciil Maxamed Warsame gku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Puntland ayaa sidoo kale xeerka doorashada iyo matalaada kuraasta aqalka sare ee Baarlamaanka dalka ee gobolka Banaadir, waxaana uu sheegay gudoomiyuhu in ay diidan yihiin hanaankaas sababo la xidhiidha kuraas badan oo ka maqan Puntland.

Goboladda Sool iyo Sanaag ayuu sheegay in kuraas badan oo uu lahaa la geeyey deegaanada Hir Shabelle, kuwaas oo la kala qaybiyey halka uu xusay gudoomiyuhu in maamuladda Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ay iyaguna ka maqan yihiin kuraas badan.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Puntland ayaa dhanka kale ka hadlay mowqifka Puntland ay ka qaadanayso arimaha haatan taagan iyo shirka Muqdisho ee madaxweyne Farmaajo uu ku casuumay madaxda dowladd goboleedyada, kaas oo Puntland ay diiday ka qayb galkiisa.

Mowqifka Puntland ayuu ku sheegay in Puntland aysan dowladda kala xaajoon doonin hada kadib arimaha dalka oo ay banaanka ka taagan tahay siyaasada Soomaaliya, taas badalkeedna in lagu heshiinayo wax sax ah aysan Puntland kamid ahaan doonin dowladda dhexe dowladd goboleedyada hoostagaya.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO WARAYSIGA

11 Comments

  1. Kkkkkk War waalidaan bal maqla.Dhabayaco waa shacab siyaasiyiintoodu dulmeen.
    Kuraasta Sool iyo Sanaag ee la geeyay Hirshabeele maxay yihiin?
    Koonfur galbeed kkkk buraashadlay sow kuwan Puntland u wareegay,iyagu dadka ku nool Puntland maxay kasiiyeen maamulka?
    Iska daa cid kala SAAXO oo degmo u aqoonsadeen MP ma lahan wasiiro ha sheegin kkkk Wagardhac hadda ayaa waagu ku baryay talana diide.
    Ninka yaryarkiisii sidii malaygii cunaaya ninkii aadaa wuu waalan yahay.
    PUNTLAND KU DHAWAAQ HO I TAAN.

  2. Aabaan ahey iyo hooyaan ahey, kabaxa ee meel ka istaaga, dawladaan aan dastuur iyo sharci ka soncon, Farmaajio wuu ogyahay in aan la dooraney, go,aan wuxuu gaarey in uu meesha qaso, qaarna u sabciyaan ,qaarna nacladaan. goaankaas ayuu garey, dowlad ka danbeyneysaana ma jirto, oo dab ayuu Somali dhexdhigay, kuwa hadda sacabka yumayana, bal maalin dhow aan sugno.

  3. Haday go’ayaan awalba dalka kama mid ahayn,dastuurkoodana waxay ku qorteen inay yihiin dal gaar ah,balse munaafaqad ayay kula dhex jireen dalka,mana jirin wax saameen ah oo dawlada dhexe Ku lahayd maamulkan.

    Waan go’aynaa waxay meesha ugu qorteen aad sadbursi Ku heshaan,madaxana halaydiin salaaxo,kuna gorgortantaan markii aad weydaan sadbursigaas.

    Aqalka sare waxay ka heli lahayd Pudland labo gobol iyo bar oo u dhiganta 7 xubnood,hadana waxay Ku leeyihiin 11 xubnood waa sadbursi.

    2.5 × 3 = 7

    SOOL IYO SANAAG XUBNOHOODII IYAGAA QAATAY,CID KALENA FARTA KU FIIQAYA.

  4. waar midnimadii soomaliyed aaway!?,

    anigu yaabaye bal meesha awrta lagu furo baan arki,dhowr qof dartood midnimo somaliyeed ku dhumin mayno,

    !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

  5. Good news. Markiihoreba ayagoo villa Somalia kuxaara anagaa nadiifinay oo dhiig iyo maalba u hurnay. It’s time to forge new future for our state and forget about the mafia pot cooking in Mogadishu.
    Don’t expect anything good from Mogadishu

  6. Farsama Farmaajo waxay mareysaa in uu sumeeyey raiisal wasarihiisa Kheyre oo hadda la rabo in la isku sii raaciyo Qatar oo meedkiisa dhowaan la keeno Xamar… Salaamaad..

    Xaaladda Soomaaliya Farmaajo meel xun oo khatar ah buu geeyey….waxayna u badan tahay in Soomaaliya ay gelidoonto xaalad adag oo dagaal sokeeye….

    Beesha caalamka waxaa ka soo haray argagax iyo anfariir markey ogaadeyn in Farmaajo uu sumeeyey Kheyre oo uu arkey in uu yahay ninka keliyah ka hortaagan in Farmaajo mar labaad iyo mar saddexaad uu madaxweyne ka noqdo Soomaaliya..

    Hadda waxaa cabsi looga qabaa Farmaajo uu u sumeeyo Axmed Madoobe iyo Deni markey tagaan Xamar.

  7. Qaloda Xukuumada waalan ee Puntland iyo inta taageerta unstable bay madaxa ka noqdeen say Farmaajo uga hinaasaayeen. Hadalkii Muuse Suudi baa kasoo baxay. Wax Walba waa Farmaajo. Wuu dhex hadlaayaa. Waa ku riyoodaan asma maba oga inay jiraan iyo in kale.

  8. Dameer Nugaal, Farmaajo inan gumeedkaagaas oo kale ayaa u naageeya laakiin reer Puntland macna uma leh. Dhulkoodiina way dhistaan maamulaanaa. Adigu meel iska soosaar futoxumaataye

    • Ladies and gentlemen. In my opinion Somalia has reach a point of no return. It’s about time to move on. Each and his/hers own fate. The Time has come to say goodbye and good luck. The rift between us is irreconcilable and irreversiable. Even if we are lucky enough to have another 50 years to squabble each others the rift and the end result would be deeper than it is today. Let us do each others favor and move on and move away from each others. Walaahu yaclamu but may be that would be a better alternative for us all. We refused to agree to be one nation then let us at least agree to be many little banana republics.

      I for one totally agree with a total divorce. Fantashiruu fil arthi let each follow it’s own fate and dream. Puntland can not afford to be in a sinking ship.

  9. @ Jama, waxaan u malaynayaa groupka Guluusyo xire inaad tahay, xerta Abwaan Jibril gudoomiye beenaadka ah, kuwaasbaa maskaxdooda ku hadline. Farmaajo inay ku qafiifeen kuwa xukuumada Deni hogaamiyo ma been baa oo Dawladnimadii ay hinaas Farmaajo ku iloobeen. In Depression/Buufis Farmaajo ku dhacay waa loo wada jeedaa sxb. Allah ha caafiyo siyaasiyiinta Puntland hogaamisa

  10. Puntland siyaasitiinteedu waa munaafiqiin ehlu khiyaano ah

    Somali oo mida ayaa dabkii ugu horeeyey ku shiday

    Federal in la qaato oo wadanka laga dhigo dawlado yaryar oo bilaa itaala iyagaa la danbeeyey

    4.5 puntland ayaa ka danbeysay

    Isaaq in la gumeeyo oo 0.25 lagu sheego iyaga ayaa ka danbeeyey

    Somaliland iyo Somali in aanay heshiinin iyo reerka ka Liya ee shirkii jabuuti ka baxay waa reer puntland

    Reerka keliya ee DHULBAHANTE iyo warsangeli u yaqaana salaanka ay diyaasada kufuulaan was Puntland

    Reerka sida cad DHULBAHANTE u hor istaagay oo idhi anigaa kuu xulaya maxdaada dawlada federal ka kugu Malaysa waa puntland

    Reerka dawladii siyaad Bare ku Duulay ee tana u diyaarka ah inay dumiyaan waa Puntland

    Reerka keliya ee aqoonsiga Soomaliland diidan ee hadana in la heshiiyo fhibaysaa was Puntland

    Hadana xaqii baa dilaacay
    Xaasid maya aflax

    Puntland ooy maanta . Waa lagu fahmay

    Dulmigii aad geysatay ayaa ku haysta

    Maxaad u dhibsanaysaa Mogadishu iyo gobolka banaadir

    Xumaanta kaa buuxday ilaahaybaa kashifay

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*