Doorashada Soomaaliya: Arrimaha sababay dib u dhaca doorashada

Gudoomiyaha Guddiga doorashada Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa Axaddii Baarlamaanka u soo bandhigtay laba qaab oo doorashada Soomaaliya u dhici karto, balse mid kasta wuxuu sababayaa dib u dhac.

Mid wuxuu suuragelinayaa in doorashada ay dhacdo bisha March ee 2021, midka kalena bisha August ee isla sannadkaas.

Sababaha dib u dhaca

“Ma sugayo – Baarlamaanka labadiisa aqal – illaa 2019-ka la gaaro ka dibna la fiiriyo ‘suuragal ma tahay in doorasho la qabto?’ haa iyo maya!”, ayuu yiri Maxamed Cusmaan Jawaari, sannadkii 2017-kii, xilligaas oo baarlamaanka uu weydiisanayay in ka hadalka doorashada iyo sida loo qabanayo xilli hore la sii billaabo si uusan dib u dhac u imaan.

Balse Xildhibaan Jawaari wuxuu xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka iska casilay Bishii April ee 2018-kii, isagoo aan horey u dhaqaajin arrinta doorashada qof iyo cod ah oo ka dhacda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Soomaaliya Xaliimo Yarey ayaa sheegtay: Baarlamaank “Illaa 2017-kii, waxaan la wadaageynay warbixinno. Afartii biloodba mar ayaan mar inan golaha shacabka hor tago ayaa qasab ah,” ayey tiri Xaliima Yarey.

“Waxaan siineynaa hadba meesha ay shaqada mareyso, waxa aan qabanay iyo waxa inoo dhiman iyo caqabadaha na haysta”, ayey hadalka ku dartay.

“Hadda 2017-ka ah ayaan billaabeynaa, waxaana idiinka rabaa guddiyada in hadda aad gadaal-gadaal u soo xisaabtaan – ka soo billaaba 2020-ka – suurtagal ma tahay in arrimaha la iska doonayo aan suurtagelino 2020-ka; haddii MAYA ay tahay hadda ii sheega ka dibna baarlamaankaan geynaayaa xilliga xil-haynta xildhibaannada ayaan dheereynaayaan”, ayuu yiri Jawaari.

Xaliimo Yarey waxay qabtaa in “Caqabadaha ugu waaweyn uu ka mid ahaa sharciga doorashada. Waad ogtahay hadduusan sharcigaas jirin; doorasho ma jirto, sababtoo ah doorasha oo dhan shuruuc ayaa kala haga”.

“Illaa xilligaas waxaan sheegeynay in June 2018 in aan helno sharciga si an doorashada November (2020) aan u qabano; Tubta loo dhan yahay ee golaha wasiirradana waa lagu ansixiyay”.

“Doorashada waa sisilado is daba yaalla. Howlo badan ayaa ka sokeeya. Si howlahaas loo qabto waa in sharcigii la helo,” sida ay sheegtay Xaliimo.

Jawaari wuxuu 2017-kii ka digayay dib u dhac iyo muddo kororsi wuxuuna yiri: “Illaa ay ka suurga gasho hal-qof iyo hal-cod. Ma yeeleyno in marka la gaaro 2019-ka aad na dhahdaan ‘Jwaari waxaad dooneysaan in aad cumri-dheereysataan. Maya cumri dheereysi ma ahan ee waa arrin qaran”.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri: “Lagama sugeyn marna muddo kordhin iyo abuurid mugdi siyaaseed oo hor leh in dalka uu guddiigii madaxa bannaanaa ee dastuuriga ahaa oo umadda Soomaaliyeed kalsoonida ay siisay in ay baarlamaanka la hor yimaadaan.”

“Ma dhicin taas”

Xaliimo Yarey, Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Soomaaliya ayaa tiri: “Waa soo jiitannay illaa ugu dambeyntii heshiiskii beesha caalamka iyo dowladdu wada galeen ee dowladda ay wax qabadkeeda ku cadeyneysay, waxaa ku qornaa in December 2018-ka uu sharciga (doorashada) soo baxayo iyo sharcigii xisbiyadana ee dib u eegis lagu sameynayo oo laba qodob oo muhiim ah wax laga dhihi lahaa”.

Waxay hadalka ku dartay: “Ma dhicin taas. Waan soo jiitannay, maanta, sharcigii oo baarlamaanka uu ansixiyay, madaxweynahana uu saxiixay, qodobbaa la rabay in laga soo toosiyo si xaaladda maanta taagan loola jaan qaado, marka qodobbadii xita ma dhameystirno oo ma hayno”.

“Haddii aan July (2020) heli wayno wuu sii durkaayaa wakhtiga. Laakiin sharciga oo qodobbadiisa ay dhameystiran yihiin haddaan July helno, waxaan doorashada ku qaban karnaa laba nooc oo diiwaan gelin”, ayey u sheegtay BBC Somali.

Noocyada doorasho ee suuragalka ah

Xaliimo Yarey ayaa soo bandhigtay laba nooc oo ay u dhici karto doorashada soo socoto, iyadoo sheegtay in nooca ku xusan sharciga doorashooyiinka ee dhawaan uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo uu yahay mid wakhti iyo kharash badan u baahan.

“Middka koobaad waa in dadka la diiwaan geliyo oo sawirro laga qaado. Qofkii laba jeer ama seddax jeer is diiwaangeliyayna la raadiyo; markii nadiif laga dhigo ka dibna dadka kaararka loo qeybiyo ka dibna codeynta la qabto. Kaas waqtigiisu wuu dheeryahay, illaa August 2021-ka ayaan qaban karnaa”, ayey tiri, iyadoo BBC News Somali la hadleysay.

“Hannaankaas wuxuu u baahan yahay qarash gaaraya illaa $69 milyan. Wuxuu leeyahay wanaag iyo cillado, waana u kala dhignay.

  • In la soo iibiyo qalabka diiwangalinta codbixiyaha
  • In hay’adaha amniga xaqiijiyaan xarumaha lagu diiwangalin karo codbixiyaha ee la sugi karo amnigooda.
  • In la fuliyo wacyigelin balaaran si dadwaynuhu uga qaybgalaan is diiwaangalinta
  • In la geeyo qalabka iyo shaqaalaha diiwangalinta xarumaha diiwaangalinta.
  • In la diiwaangeliyo codbixiyaasha xaqa u leh codaynta.
  • Soo saaridda liiska codbixiyaha ee rasmiga.
  • Qaybinta kaarka aqoonsiga codbixiyaha
  • Diiwangalinta Rasmiga ah ee Xisbiyada Siyaasadda
  • Diiwaangalinta Musharixiinta xildhibaannada.
  • Ololaha Doorashada Xisbiyada.
  • Qabashada Doorashada (maalinta codbixinta)

“Midka kale waxaa waaye; in maalinta codeynta uu qofka imaado isagoo aan horey loo diiwaan gelin – ka dibna magaca ayaa laga qorayaa warqaddii codeyntaa la siinayaa, qadna farta baa loo gelinayaa, sidaas ayuuna ku codeynayaa. Kaasna waxaa ku baxaya qarash gaaraya $45 milyan”.

“Labadaba waxaan u baahannahay in sharcigooda aan haysano illaa bisha July (ee sannadkan),” ayey hadalka ku dartay.

Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo dhaliilay dib u dhaca ku imaan kara doorashada wuxuu yiri: “Muddo saddex sano ah ka badan, guddigu waxay noo sheegayeen in ay doorasho diyaar ka tahay dhankoodu haseyeeshee hadal jeedintii guddiga waxaa ka soo baxday in ay ummadda Soomaaliyeed u hoosaasiyeen oo wakhti xeero iyo fandhaal kala dheceen ay umadda u soo badnhigeen in ay wakhti dheereysi u sameynayaan hoggaan muddo afar sano ah wax ka qaban waayay doorashada dalka.”

“Wakhtiga yar ee ka haray xilli xileedkaaga mudane madaxweyne, hal arrin ayaad ku filan tahay in aadan ka habaabin ayaana ila habboon, kaas oo ah in aad u istaago doorashada in loo helo heshiis siyaasadeed, si awoodda xukunka si nabad ah loola kala wareego ama si sharci ah mar kale lagugu soo doorto adiga,” ayuu hadalka ku sii daray.

Cabdiraxman Cabdi Shakuur ayaa dhankiisa yiri: “In khudbada Guddiga Doorashooyinka ay muddo kordhin ku soo idlaanayso horaan u ogayn. Mar haddii masuuliyadii loo igmaday ay ka soo bixi waayeen, hal wado ayaa GMDQ u furan, intii ay dalka qalalaase gelin lahaayeen, in ay is casilaan”.

Yaa bixinaya dhaqaalaha doorashada

Gudoomiyaha Guddiga doorashada “Lacagahaas inteeda badan waxaa noo haya oo ballan qaaday bixintooda hay’aaha caalamiga ah. Lacagtaas qaarna wey keeneen qaarka kalena way ballan qaadeen waxayna ku xireen shuruucdaan iyo soo bixitaankooda.”

Labada qaab ee doorasho waxaa midka hore ku bixi karta ku dhowaad $70 milyan, halkan midka labaadna ay ku bixi karto in ka badan $45 milyan.

“Dowladdana waxay bixisaa $3 milyan oo sannadkasta ah oo loogu talagalay mushaarka iyo howlaha kale (ee guddiga doorashada) uu qabanayo”.

“Dowladda (qarashka doorashada) waxaa kaga soo aaday $7 milyan oo loogu talagalay shaqaalaha aan joogtada ahayn ee ku meelgaarka ah ee maalmahaas shaqeynaya mushaarkooda”.

“Lacagtaas golaha wasiirada way soo ansixiyeen, wuxuuna hor yaallaa baarlamaanka, waana fileynaa in ay ansixiyaan. Lacagtaas waxay ku jirtaa miisaaniyadda dowladda.

“lacagtaas $7 milyan ah hadeysan dowladda bixin doorasho ma dheceyso, sababtoo ah dadkii ka shaqeyn lahaa doorashada ayaa la siinayaa”.

 

2 Comments

  1. mudane,

    warbixintaada wax cusub ood ku sheegtay ma jirto, waa sheeko iska sheeg , waxan waa wax la wada ogyahay

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*