Dowladda Somalia oo dib u fasaxaysa duulimaadyada maxaliga ah

MUQDISHO(P-TIMES)- Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dowladda federaalka Soomaaliya ay dib u bilaabi doonto duulimaadyada maxaliga ah todobaadkan gudihiisa, kuwaas oo hore loogu joojiyay sababo la xiriira cudurka Coronavirus.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen sida la sheegay saraakiisha laanta hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo masuuliyiinta shirkadaha diyaaradaha ayaa waxaa ay isku raaceen in lagu dhaqmo amaro la xiriira ka hortaga COVID–19 oo hore loo soo saaray.

Amarada la isku raacay ayaa waxaa kamid ah in rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradaha xirtaan qalabka lagu daboosho afka iyo sanka, gacmo gashiga iyo gacmo nadiifiyaasha si looga hortago cudurka Coronavirus.

Dowladda Soomaaliya ayaa 29-kii bishii Maarso waxaa ay si kumeel gaar ah u joojisay duulimaadyada dalka gudahiisa ah si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Coronavirus madaama xiligaas oo kiisaskii ugu horeeyay ee Coronavirus ah laga helay gudaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*